Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)

Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuwa dib-u-dhacu ku socdo. Ereyo badan oo asalkoodu Soomaali ahaa ayaa meesha ka baxay ama ka sii baxaya kadib markii lagu doorsaday ereyo qalaad oo dhiggooda ah.

Afafku way kala ergistaan ereyada qaarkood laakiin waa marka afkaasi u baahdo in uu soo amaahdo erey laga waayay afkiisa. Af-Soomaaliga waxaa ka buuxa ereyo lagaga maarmi karo ergisashada af qalaad.  Wakhti oo Carabi ah wuxuu Soomaaligu u leeyahay ammin, xilli, iyo kansho. Sidoo kale ereyga jaar oo isna Carabi ah Soomaaligu wuxuu u leeyahay deris, olog iyo ood-wadaag. Waxa jira ereyo badan oo arrimo kala duwan loo adeegsan karo asalkooduna Soomaali yahay laakiin aynu u soo amaahano ereyo la mid ah oo aan baahi loo qabin.

Laba meelood oo Af-Soomaaligu dhaawac ka qabo ayaa keentay in UNESCO ku darto liiska afafka yeeshay astaamihii dhimashada. Midi waa xasillooni-darrada qoraalka oo wali qabyo ku ah halkii ay dhigeen guddiyadii kala dambeeyay ee qoraalka Soomaaligu. Ta labaadna waa ku-hadalka oo weerar xoogani kaga socdo afaf kale oo ka awood iyo dhaqaalae badan, gaar ahaan Carabi iyo Ingiriisi. Taasi waxay keentay in tarankiisu yaraado erayo badanina ay dhintaan.

Ma diidani in ereyada qalaad marka baahi loo qabo la soo ergisto, laakiin dhibaato weyn ayay afka ku keenaysaa in iyada oo aan baahi loo qabin qurux loo arko ergisashada ereyada qalaad, waxayna keenaysaa in ereyo qalaad ay meesha ka saaraan kuwii asalkoodu Soomaaliga ahaa. Waxaan jecelahay in aan halkan ku soo bandhigo tusaaleyaal kooban oo inna tusaya ereyo qalaad oo baro-bixiyey ama meesha ka sii saaraya kuwo Soomaali ah.

Soomaali Af qalaad
Weydiin Su’aal
Warcelin Jawaab
Caabuq Infakshan
Miyir-beel Koomo
Dadwayne Shacab
Sooyaal Taariikh
Gegida diyaaradaha Eeriboodh
Ammin, xilli, kansho Wakhti
Toddobaad Wiig
Deris, ood-wadaag, olog Jaar
Buuni Caalim
Ilaaliye Waashmaan
Googo’ Sarif, sirsir
Sinnaan Caddaalad
Shisheeye Ajaanib
Abxad Sanduuq
Fandhaal Mulqaacad
Oddoros Qiyaas
Hadhimo Qado
Afur Quraac
Hoobal Fannaan
Jaad Nooc
Dhabcaal Bakhayl
Garasho, kasmo Fahmo
Cusbo Milix
Fuud Maraq
Rabrab Sariir
Kolay Kabadh
Garsoor Maxkamad
Warbaahin Saxaafad
Saxan Xeedho
Baroordiiq Tacsi
Bogaadin Hambalyo
Hodan Taajir
Garaad Caqli
Wadne Qalbi
Bariido Salaan
Gu’ Sannad
Suudal (dhuyaal) Tahriib
Arooryo Subax
Fool Waji
Hadh-soo-kor Duhur
Af Luuqad
Bare Macalim
Adeegsi Isticmaal
Durraansi Duco
Waddo Dariiq
Xaajo Arrin
Xigaal Ehel
Cudhaadh, Qabay Rahmaad
Ciidan Shaqaale
Socdaal Safar
Aayo Mustaqbal
Kor-tag Suuli
Rubad Naf
Dux Nafaqo
Dabayl Hawo
Cir Samo
Hagarbay, Agabare Xaqul-qalin
Isu-soo-bax Mudaharaad
Uskag Wasakh

 Waxa qoray: Abwaan Yuusuf-Shaacir

shaacir12@gmail.com

 

Hooska akhriso maqaallo hore oo uu qoray Yuusuf-Shaacir.

http://bandhige.com/diiwaanka-maansada-timacadde-maansayahankii-aan-muraadsiga-aqoon-wq-yuusuf-cabdille-cismaan-yuusuf-shaacir/

http://bandhige.com/naqdi-kooban-oo-ku-saabsan-buugga-dharaaro-xusuustood-wq-yuusuf-cismaan-cabdille-shaacir/

http://bandhige.com/dedaalaa-xaaji-cabbaas-waa-gaadhi-karaa-wq-yuusuf-cismaan-cabdille-shaacir/

http://bandhige.com/goobjooge-sixitaan-kooban-oo-ku-saabsan-buugga-danjire-cawil-wq-yuusuf-cabdille-cismaan-shaacir/

http://bandhige.com/ha-il-duufin-garashada-wq-yuusuf-cabdille-cismaan-shaacir/