Wariyaha BBC’da Siddiiq Burmad ayaa lambarka maayarka Gabiley u diray Xarunta BBCda si ay uga warsystaan eedaymo Xildhibaan Mucaarid ahi u soo jeediyeen. Nadiib darro lambar kale oo ugu jiray ayuu ku khaldamay oo uu u diray Xaruntii BBC.
Inanta wariyaha ee #Samiira la yidhaa ayaa soo wacday lambarkii Maayarka ee qaldamay kadibna ka waraysatay eedaymihii loo jeediynayay Maayarka. Waxaa la yaable, in inankii lala hadlay u waramay sidii uu yahay maayarkii Gabiley. Dhamaan eedaymihii wuu dedafeeyay. Waa maayarkii oo hadlaya adigu.
Warkii bax. Somaliland dhan yaabtay. Saa waa nin aan ahayn maayarkii haddana sidii maayarka u waramaya. Faraha ayay ka baxday Maayarkii Gabiley wuxuu aaminay in Xildhibaanadii Mucaaridkii qaar ka mid ahi sheegteen “#Maayarnimo” waxaana la xidhay xataa iyagoo xasaanad leh taas oo aan ereyada ugu ku cambaaraynayo. Silsilada qaladaad ah ayaa bilaabantay.
Waxaa lala xidhiidhay ninkii maayarka iska dhigay ee lagu qalday lambarka maayarka, wuxuu ku dooday in lambarkiisa uu ka maqnaa oo mid kale oo uu kaga ag tagay uu ku yidhi isagii “…. Waar telefoonkaagaasi dhowr goor buu dhacay oo markii dambe waan qabtay. Waxaan u waramay gabadh soo hadlaysay.”
Arinku wuxuu u muuqdaa qalad farsamo oo ku soo beegmay xili xaalad xaasxaasibah oo siyaasadeed degmada ka jirto. BBCda waxaa haboon iney baahinta tan xigta raalu-gelin ka bixiso. Reer Gabiley iyo maamulka degmadu yaanu arinka siyaasadayn. Waa qalad dhici kara.
Ugu dambayntii inanka lambarka lahaa iyo ka inanta u waramay waa lagama maarmaan in hay’adaha amaanku hubiyaan ula-jeedkoodka dhabta ah oo la waraystaa. Sida la ii sheegay inanka telefoonka lahaa wuxuu ahaa reer Xaraf. Anigu haddaan kaftamo, nin reer #Xaraf ah oo BBCdu la soo hadashay waxa ugu yar ee uu noqon karaa “…Waa Maayar..”, haddaanu afka “..#Madaxwaynahaba..” Ku hadal waynu ladanahay..
Qalad-farsamo arinkaa ha lagu daayo.
Allaa Mahad leh.
Xamse C. Khayre