Been ha ku sabaaleyn (W.Q. Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Hooyadii baa ku tidhi: haddi aad cuntada dhamayso waad i raacaysaa, cuntadii buu dhameeyay, wuxuu yidhi Hooyo inna mari, waxay ugu jawaabtay: debedda waxa jooga Bahal carruurta cunee iska joog!!
isagiii oo carruurta debedda ku ciyaaraysa hadalkooda maqlaaya Bahal cunayaana aanu jirin ayuu murugadii la seexday.

Wuu yara koray.
Dugsiibaa lagu daray: Macalinkii baa yidhi Ilmaha si edeb leh galaaska u jooga casharkiisana sifiican uga soo baxa marka khamiista la gaadho Dalxiis baan u saarayaa- Wuxuu u dadaalay si aanu Dalxiiska ugga hadhin- khamiistii ba la gaadhay macalinkii buu su’aalay macalin miyaynaan Dalxiiskii u baxayn? macalinki wuxuu ugu jawaabay: Waa maxay dalxiiska aad ka sheekaynaysaa!

Aabihii baa arkay isagii oo cashar akhrisanaaya- wuxuu ku yidhi haddi aad imtixaanka dhibco fiican keento waxan kuu soo iibinayaa Baaskiilad. Wuu dadaalay imtaxaankiina kaalmaha horruu ka galay- wuxuu yidhi Aabo kaalintii koobaad baan galay’e meeday Baaskiilkii aad iigu balan qaaday?
Aabahi wuxu ugu fal celiyay iskadaa gawaadhidaa ku jiidhaysee!

inanki wuu waynaaday wuxuu Xariif ku noqday Beenta iyo Khiyaamadda qofkii arkaa ba wuxuu yidhaaha inankan yari “Beentan iyo Khiyaamaddan” xagee buu Kala yimi ee uu ku soo bartay!?

Ufiirso hadda, waxa halkaa kasoo baxey in ilmahaa yari uu noqday mid ku sifooba Khiyaamo, Been sheegis, Tuugnimo laba Wajiilenimo, sababtuna wax kale maahe intaba wuxuu kala soo kulmay hillinkii uu soo maray intii uu kujiray barbaarida, Hooyadii Aabihii iyo Macalinkiisaba waxey barayeen ee ay ku dhiiri galinayeena taas ayay ahayd isaguna hadhaw ilmihiisa intaas uun buu sii bari.

Ubadku waa mustaqbalka ay leedahay bulsho, waa halka laga ogaan karo in bulshadaasi hormarka wadadiisii hayso iyo in uu dib u dhac lasoo darsi doono, haddaba iyadoo taasi jirto waxa aad iyo aad hoos ugu dhacaya feejignaanta ay waalidka iyo bulshada inteeda kale u haysay barbaarinta taban ee ubadku inooga baahan yihiin.

Waa curdin, wax badan kama dhaadana nolosha dhabta ah iyo caqabadaheeda, dhibkasta oo dhacadana way u nugul yihiin in ay saameyn ku reebto, xaalada jirta iney wax ka badelaana way ku adag tahay waayo aragnimo la’aan awgeed, geedkana haddii intuu yar yahay la qalqaloociyo sidaas uun buu waligii u qaloocsanaada.

Waxa dhacda in ilmaha loo sheego waxyaabo aan sal iyo raad toona lahayn sidaynu kor kusoo xusnayba iyadoo looga dan leeyahay in lagu qanciyo amaba looga cabsiiyo “Libaax baa banaanka jooga” “dad qalbaa ku qaadanaya” iyo hadalo badan oo caynkaas ah taasi ilmaha waxey ku reebaysaa dareen cabsi ah oo nafsiyan (physiologically) u dhaawca kuna reeba raad aad u ba’an waalidiin badan se way ka dhoohan yihiin arrinkaa.

Waxa loo qaadaa balamo aan marnaba la fulineyn oo mala awaal ah oo cunuga yar ku reebta niyad jab xad dhaaf ah, wax kastaa qiime ayay la leeyihiin ilmaha yar xiisaha uu u qabo in uu wax cusub arkaana waa mid aad u sareeya.

Wax yar aynu ku noqono shareecadeena oo ah markasta gundhiga waxqabadkeena iyo odhaahdeenaa, marnaba diinta islaamku ma soo dhaweynayso beenta iyo balan darada ama waxay ka mid yihiin waxyaabaha in badan lay nooga digo in ilmaha been lagu maaweeliyaana waa been lasheego uun Kama duwana, in balan beena loo qaadana waa balan daro uun. Labadaa sifo waxey ka mid yihiin sifooyinka lagu tilmaamey inay leeyihiin dadka munaafaqiinta ah quraankana inbadan waa lagaga waramay.

Bal hada u fiirso xadiiskan, Cabdillaahi ibnu caamir (IRHA) ayaa wuxu yidhi maalinbay hooyaday iyeedhay iyadoo uu rasuulku (NNKH) gurigayaga fadhiyo waxey tidhi: Kaalay, waxbaan ku siinayaaye, Rasuulku (NNKH) wuxu ku yidhi: maxaad siinaysaa waxay tidhi: timir baan siinayaa. Dabadeed wuxu ku yidhi Rasuulku (NNKH): haddii aanad waxba siin lahayn waxa laguu qori lahaa been (micnaha beenalay ama danbi been ah).

Waxaan ku soo koobi lahaa Alle hayna garansiiyo xaqa carruurtuna waa mustaqbalkeenii adduun iyo aakhirabana way ina anfacayaan haddaynu barbaarinta u toosino inta ay yar yihiin, halaga digtoonaado in been iyo balayo lagu akhriyo waxaanad kareyna haba balan qaadin.

Mahad gaara

Fardus Yusuf Du,ale

Daahir Guleed

Halkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

W.Q. Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com