Bilicda Magaalada Hargaysa maxaa ka dhiman? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Hargaysa oo ah magaaladda ugu Town plane wanaagsan dhulka Soomaaliddu degto, gaar ahaan suuqa dhexe, kaas oo ingiriisku u sameeyey nidaam wanaagsan oo ahaa Plot kala wada go’an, Plot walibana lahaa Number u gaar ah , waxaa dhex mara 16 waddo oo laami ah kuwaas oo kala ah 8 u socota Barri iyo galbeed iyo 8 u socota koonfur iyo waqooyi.

Hadaba waddooyinkaas waxaa xidhay laba sababood intooda badan.

1- Ganacsato ku habsatay waddooyinka dhexdooda.

2- Istaano baabuurta laggu kireeyo oo laga samaystay .

Hadaba Bilicda Hargaysa waxaa ka dhiman labba arrimood .

1-In Istaanadda baabuurta lagga dhex saaro suuqa kuwaasoo laga dhigayo sidan:

A- In Baabuurta goboladda iyo degmooyinka u baxda loo raro koonayaasha magaalada guud ahaan, si koonayaasha suuqyada ku yaala ay u camiraan, magaaladuna u kala nifisto.

B- In Istaanadda basaska loo raro laba goobood oo goob waliba ka kooban tahay istaamadda basaska Afar degmo .

2- In xal loo hello ganacsatadda ku soo xoonta dariiqyadda  suuqa dhexe , taasoo la degtay bilicdii magaaladda Hargaysa.

Hadaba talooyinkaas iyo kuwo kale oo badanba waxaan u gaynayaa Maayarka Hargaysa oo aanu ka balansanahay hadii alle idmo , talooyinkaas iyo kuwo kaleba.