Billad Godobaysan (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Waxa jira ururro badan oo bixiya billado caalami ah oo ay ugu caansantahay haayadda reer Sweden ee Noble foundation, oo bixisa Noble Prizes. Billaddan caanka ah bixinteedu waxay soo bilaabantahay1901dii. Waxana  abaalmarin iyo maamuus lagu guddoonsiiyaa –waa sida ay iyagu u dhigeen e –dadka Basharka waxtar muuqda u soo hooyay dhinacyada; Sayniska, Suugaanta/farshaxanka, dhaqaalaha, caafimaadka iyo nabadda.

Sida ay u badan yihiin haayadaha billadaha caalamiga bixiya, si la mid ah, waxa kale oo jira su’aalo badan oo dul yaalla: ujeedka billadahaas loo bixiyo, qaabka ay wax u soo xushaan, cidda qiimaysa iyo halbeegga (criteria) iyo habraac qiimaytooda lagu maamulo.

Noble foundation iyo haayadaha la ayniga ah waxa ku shaabbadaysan ceebo culus oo tusinaya eex siyaaasadaysan oo ku dul dhisan meelmarinta iyo mudnaan-siinta dhaqanka reer galbeedka (Eurocentrism), taas oo marka dhanka kale laga istaago noqonaysa fogaynta wax kasta oo laybaraaliyada galbeedka liddi ku ah –si gaar ah Islaamka. (1)

Qiimaynta godobaysan ee la xidhiidha billadahaas iyo cidda ay abaalmarinta siiyaan bal aynu qaarkood soo qaadanno.

2019 Nobel literature prize  waxay siisay Peter Handke oo ah Usterian qayb ka ahaa gumaadkii Seriban ku u gaystayn Muslimiinta Boosnia 1995 (2). Sidaas oo kale Billadda nabadda waxa la siiyay habarta cunsuriyadda ah ee Aung San Suu Kyi oo gamta-u-joogsatay muslimiintii dalkeeda Miyanmar. Ku darso Barak Obama oo dalal dhan oo Islam ah gubay ayay siiyeen 2009.

2021 Noble peace prize waxay wada siisay laba ruux oo ay ku tilmaantay inay yihiin halyayo xuquuqda aadamaha naftooda u u huray. Labada ruux midi waa habar Filibiniyad ah oo Aaasiyada bari faaxishada LGBTQ ku dhex faafisa, midka kalena waa Oday Ruush ah oo isla arrinkaas uun u gaylama(3)

Shiikh Mustafe Xaji Ismaciil –dhib Alle ma tusee- mar uu faallo ku darayay qaar ka mid ah billadaha Noble Foundation bixiso iyo godobta ku duugan waxa uu yidhi: ”adabka  (litterture) labay muslimiintu qaateen, labada midi waa Najiib Maxfuud, (أولاد حارتنا) buu ku qaatay –waa diin la’aan wuxuu qoray … diin la’aantaa lagu siiyay!  Midka kalena waa Turki isna diin la’aan baa lagu siiyay.”

Marka si guud loogu fiirsado dadka muslimka ah ama  sheegta inay muslim yihiin ee haayadaha billaduhu aadka u maamuusaan sida: Nuuradiin Faarah, Salmaan Rushdi, Ayaan Xirsi, Yassmin Mohamad iyo kuwa kale ee la midka ah, qofka iimaanka qaba ee Allah iyo Rasuulkiisa rumaysan wax shaki ahi kama gelayo ujeedka wayn ee Islaam la dagaalanka ah ee haayadahaasi u taagan yihiin.

Haddii aynu barbar iska dhigno Billadaha suugaanta, dhaqaalaha iyo nabadda la xidhiidha ee Haayadahaasi bixiyaan, oo aan sina ba uga madhnaan karin caqiiadada iyo dhaqanka cidda wax qiimaynaysa, bal aynu hal tusaale oo keliya ka soo qaadanno Sayniska sida ay ula dhaqmeen. Prof. Iyad Qunaybi taxanihiisa ” رحلة اليقين” waxa  ku jirta xalqad oo ugu magac daray (هل سيمنحوني جائزة نوبلMa isiinayaan Billadda Noble!) xalqaddas waxa uu ku faahfaahiyay godobta dahsoon ee ay galaan kuwa sameeya qiimaynta Cilmibaadhisyada Sayniska ah ee aanay caqiido iyo saqaafo meella ka soo geli karin.  Waxa uu si xarrago leh u fayday godobta sheelan ee ay galaan Majaladdaha waawayn ee cilmibaadhisyada saynis ka ah daabacaa, sida: Nature, Science iyo kuwa la mid ka ahi. Tusaalayaasha nool ee uu marag ahaanta u soo qaatay waxa ka mid ah: bahdilaad, niyadjebin iyo cusurinimo ku dhacday koox Chinese ah oo cilmibaadhis cajiib ah ku samaysay qaabdhismeedka faraha aadamaha iyo mucjisooyinka ku duuggan.  Cilmibaadhayashu markay hawshoodii ka soo dhalaleen waxay u gudbiyeen majalladda PLOS ONE, si loo tafatiro kadibna loo daabaco oo ay ugu biirto bangiyada aqoonta Sayniska bayuurka ah. Wayna daabaceen. Belo waa ta danbaysaye, cilmibadhayashu halkii ay ka sugayeen mahad iyo abaal waxay heleen eedayn iyo aflagaaddayn! Sababtu wax kale maaha, meel ka mid ah warqadda cilmibaadhista ayaa lagu arkay eray muujinaya inay aaminsan yihiin jiritaanka Allah!

Cilmibaadhayaashii oo isku deyay inay cudurdaartaan oo wixii lagu tuhmayay ka toobad keenaan waa laga diiday cudurdaarkii. Waxana loogu jawaabay: idinka oo Saynisyahanno ah sidee baad ugu dhiirran kartaan arrinkaas! Ceeb ayay idinku tahay idinka annana waad na ceebayseen oo bulshadii sayniska (Science Community) dhexdeeda ayaad nagu fadeexadayseen!  Taas macneheedu waxa weye, Cilmibaadhistaadu si kasta oo ay cajiib u tahay, si kasta oo ay u faa’iido badan tahay, si kasta oo ay basharka waxtar ugu leedahay bulshada Saynisku wax tixgelinah ma siinayaan haddii qofka sameeyay uu rumaysan yahay jiritaanka Allah SW.

Qormadu waxay ku gunaanadan tahay: ma jirto ama way yar tahay cid abaalmarin iyo billado bixisa oo ujeeddadu ka tahay dar Alle iyo daacad. cid kasta oo baillad-bixiyayaasha aynu soo tilmaannay koolkooliyaan oo kolba meel uga yeedhaanna far baa ku godan foyoobidoodda. Tacabka ay wadaan iyo taariikhdoodana waa in idho fiiqan lagu eegaa.

https://en.wikipedia.org/wiki/Nobel_Prize_controversies#cite_note-reuters1-25

https://www.trtworld.com/europe/nobel-prize-body-in-hot-water-over-racist-writer-nomination-32057

https://www.nobelprize.org/prizes/peace/2021/press-release/

Qr: Khadar Faarax Siciid