Bipolar Devolving into Psychosis (Psychopathic Behaviour) and The film of “The Perfect Guy 2015” (Mukhtaar Axmed Nuur)

Sidani maaha wax soconaysa ! muddo badan ayay xaaladdeennu sidan ahayd, haddana waxba ismay baddalin. Sax, waxa aynnu isku raacnnay in aynnaan mar dambe ka wada hadllin arrintan ! miyaanaad sidan xasuusan ?!. waxa aynnu haasaawaynnay muddo dhan 2 sano, sax waa runtaa waxa ay ahaayeen 2 sano oo cajiib ah, ma doonayo inaan ku waayo, aniga laftadu ma rabo inaan ku waayo. Laakiin i fahan, waxa aan doonayaa waa qoys ! waxa aan jiraa muddo dhan 36 sano, noloshayda oo dhan waan haasaawayay ! waan ka daalay inaan haasaawo ! ma doonayo inaan sii sameeyo wax intan ka badan. Waxa aan rabaa inaan nin yeesho, waxa aan rabaa caruur, weli wakhtibaan u haystaa inaan wakhti la qaato ! wax intan ka badan kuma sugi karo, fadlan iska tag!.

Weedhahan kor ku xusay waxa is waydaarsaday leah Voughn iyo Dave King oo ah lammanee uu xidhiidh haasaawe ka dhexeeyay muddo dhan 2 sano. Waa weedhihii ugu dambeeyay ee ay is dhahaan inta aanay kala tagin. Muddo laba bilood ka dib wax ay is baranayaan wiil lagu magacaabo Carter Duncan. Habeen iyagoo kasoo baxay meel lagu caweeyo ayaa waxa ay ku leexanayaan kaalin shidaal, wiilku waxa gudaha u galay meherad kaalinta ku dhex taalla, gabartuna waxa ay ku dhex jirtay gaadhiga, wax yar ka dib nin ayaa daaqada kala hadlaya gabadhii, keliya waxa uu waydiinayay su’aalo caadi ah, wiilkii gabadha la socday ayaa daaqadda ka arkaya ninka la hadlaya gabadhii uu la socday, mar keliya ayuu ninkii dagaal ku bilaabay ilaa dhulka dhigay oo uu si xun u garaacay, in badan ayay ku qaylisay “ ka daa, ha dilin, yuu kugu dhiman, miyaanaad i maqlay, se isagu maaha mid waxaas oo dhan maqlaya, ka dib ninkii kaalinta haystay ayaa xabbad ridaya, markaas ayuu faraha ka qaadaya.

Gabadhu waxa ay ogaanaysaa in wiilkan wax ka khaldan yihin oo aannu xanaaqiisa xakamayn karin, waxba yaanuu xakamayne waxa ay is wadiinaysaa maxaa ay ahayd sababta uu ninka u garaacay illayn wax khaldan meesha kamay dhicine ?! ugu dambayntii waxa ay go’aansanaysaa inay wiilkan iskaga fogaato. Isaguna arrinkaas ayuu aad uga xumaaday, wuxuuna go’aan ku gaadhay inuu meel kasta oo ay joogto ka dabo tago, guriga ilaa goobta shaqada. Wuxuu ka dabo maraa meel kasta oo ay tagayso, meheradda shaaha, guriga, meesha ay ka shaqayso.

Waxa uu samaystay furo uu ku furto gurigeeda oo kasoo minguuriyay keeda rasmiga ah, waxa uu kamerad ku xidhay gurigeeda ilaa qolka ay seexato. Waxa uu jabsanayaa ciwaankeeda ka dibna muuqaallo iyo sawiro ayu ka qaadanayaa iyadoo kurigeed joogta. Habeen iyadoo jiifta ayay aragtay farrin uga timi ninkii hore Dave King ee horey u kala tageen, waxa ay ku kulmayaa meel bannaan ah, waxa aanay ku heshiinayaan inay xidhiidhoodi hore soo ceshtaan, arrinkaasna waxa ogaanaaya Carter, waxa uuna ka qaadayaa ciil iyo cadho badan.

 

Habeen gabadha iyo saaxiibkeedii hore waxa ay imanayaan guriga, ka dib iyagoo qolka jiifka hawshooda wata ayuu ka kaamiradii uu horey aqalka ugu xidhay kaga duubayaa muuqaal, ka dibna waxa uu u gudbinayaa goobta ay ka shaqayso, iyadoo shaqada laga erayayo gabadha ka markii uu ku eedayay inay samayso muuqaallada galmada ah ee anshax xumada ah.

Dhawr jeer oo ay booliiska ka dacwaysay arrinkas waxba lagama qaban ka dib markii loo sheegay in aan wax caddayn ah lagu hayn, habeen waxa dhacday in Dave King uu yimaado meel laga caweeyo, ka dibna Carter  oo soo dabo galay ayaa gadhiigiisa ka dabciyay boolasha taayirka, wax yar ka dibna shil ayuu galayaa, isagoo dhaawac ahna waxa u imanaya Carter ka dibna afka ayuu qabanayaa oo naqaska ayuu ku dhejinayaa wuuna dhimanayaa !.

Ugu dambayntii iyadoo saldhiga joogta oo doonaysa in arrinkeeda wax laga qabto maadaama xaaladdu ay kasii dartay, iyadoo taliyaha la hadlaysaa oo arrinkiisa laga wada hadlayo ayuu taliyu taariikh kooban oo wiilka ku saabsan uga sheekeynayaa. Wuxuuna yidhi “ Wiilkan magaciisa dhabta ah waxa la yidhaahdaa Repert, magaciisa dhabta wuxu baddalay 10 sano ka hor, hooyadii ayaa cidlaysay isagoo 2 sano jir ah, wuxuuna kusoo bar-baaray xaafada ay deggan yihiin dadka korsada ubadka aanay dhalin, waana wiil aad u maskax badan.’’ Wuxuuna qabaa xanuunka loo yaqaanno “Bipolar Psychosis oo aad loogu garan og yahay Psychopathic Behavior”

Akhriste meesha aynnu u soconno ayaa ah xanuunka loo yaqaanno Bipolar ee ku dhacay wiilkan filinka matalaya. Sida aynnu ka dhex arki karno qisada filinka, wiilkan wuxuu ahaa mid xanaaq badan, weliba aan xakamayn karin xanaaqiisa, ka dib markii xidhiidhka loo jaray wuu ku falal khatar oo ah inuu dilo laba qof oo caddayn loo waayay cidda dishay, waxa uu sameeyay waxyaabo badan oo gabadha nafteeda khatar ku ah.

Bipolar sidoo kale loogu yeedho Mania Waa nooc ka mid ah khal-khal ku yimaadda caafimaadka maskaxda qofka, waxaana lagu qeexaa inuu yahay mawjado xaalado kala geddisan kuwaas oo maskaxda qofka marqudha soo maraya, waxa aanay saamayn ballaadhan ku leeyihiin fikirka, hab dhaqanka iyo jawiga qofka. Sidoo kale waxa jirta xaalad kale oo lagu magacaabo Psychosis oo ah inu qofku gabi ahaanba ka gudbo xayndaabka xaqiiqada iyo joogta. Xaaladdan qofku ma kala saari karo waxa dhabta ah iyo waxa la male awaalayo. Astaamaha amma sifooyinka qofkan lagu arko ayaa kale ah, ismoodsiis oo ah inuu qofku aamino waxa aan jirin amma xaqiiq ahayn, sidoo kale in qofku shaki iyo muran geliyo dareemayaasha, sida aragga, maqalka, dhadhanka iyo taabashada kuna doodaya in waxa la arkay amma la maqlay aanay ahayn wax jira, taas caksigeedana inuu qofku is moodsiiyo wax aanay dadka kale la arkayn amma la maqlayn.

Daraasado badan oo arrinkan laga sameeyay ayaa waxa ay xusayaan in aan weli loo hayn caddaymo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya waxa dhab ahaan sababa amma keena, daraasadaha qaarkood waxa ay xusayaan in cilladdan badankeed ay u badan tahay is biirsiga hiddaha iyo duruufaha nolosha, walow daraasaduhu sii xoojinayaan in cilladani ay tahay hiddo aad u fog.

 

Qoraal kooban oo lagu daabacay shabakadda machadka Blackdog ayaa waxa lagu xusay in xannuunka ay keenaan Hiddaha, duruufaha nolosha, dhibaatooyin jidha soo gaadha iyo adeegsiga waxyaabaha maanka dooriya. Waxa kale oo qoraalka lagu xusay in 80% uu xanuunkani u badan hidde sidaha oo ah in qofka xanuunkan uu hayo uu ka dhaxlay awoowyaashii. Daraasaddu waxa ay xuseysaa in haddii labada waalid midkood uu xanuunkan lahaa uu ilmaha ku dhacay jaanis ah 10% halka haddii labada waalidba ay lahaayeen uu helayo jaanis ah 40%.

Guud ahaan aadanuhu waxa uu nolosha kala kulmaa mashaqooyin iyo culayso aan xad lahayn, saas awgeed dadku waa u kala nugul yihiin la tacaalidda duruufaha nolosha. Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof beer jilicsan oo haddii qof ehelkaaga ah uu geeriyoodo waxa aad khatar ugu jirta in murugta kaaso gaadha xanuunka geeridaas ay sababto inaad waydo xakamaha naftaada oo waxa hubaal ah inaad muddo badan ku sugnaato xaalado kala geddisan oo isku buuq, diiqad, cadho iyo waalahow ah.

Sida aynnu sheekada filinka kusoo aragnay, wiilkan hooyadii ayaa iskaga tagtay isagoo 2 sano jir ah, waxaana soo koriyay dad aan ehelkiisa ahayn, isagoo da’da dhexe ahna wuxuu ahaa mid aad u dhib badan, saas awgeed qofkaas cuqddada uu ka qaaday in aan si wanangsan loo soo korin ayaa keentay inuu dhibaato badan geysto. Sifooyinka wiilkaas ee aynnu sheekada ka aragnaynna waxa ka mid ah in aanu wiilkaasi xakamayn karin xanaaqiisa iyo sidoo kale i aannu waxbaba samir u lahayn.

Waxa jira laba xaaladood oo lagu lammaaneeyo cilladdan Bipolar ka, walow aqoonyannada cilmiga naftu ay xusayaan in xaaladda Mania iyo Hypomania ay ka mid yiihiin xanuunkan Bipolarka, saas awgeed waxa la xusayaa in qof kasta oo aadane ah uu maruun soo maray amma uu mari doono xaaladdan inta uu nool yahay. Waxa jira sifooyin iyo astaamo lagu garanayo in qof uun uu hayo xanuunkan amma hidde ahaan ha kusoo dhaxlo amma xaaladaha nolosha ha ka dhaxlee. Sifooyinka waxa ka mid ah:

  • Qabadashada hawl badan iyo tamar xad dhaaf ah
  • Isku kalsoonaan xad dhaaf ah
  • Hurdo yaraan badan amma in aanu qofu wax niyad ah u hayn hurdo
  • Hadal badnaan iyo hadal deg-deg ah
  • Isku keennida haddalo aan is qabanayn
  • Habayac sanaan iyo go’aan qaadasho xun
  • Gooni socodnimo amma keli noolaansho
  • Isku keennidda afkaaro badan

Astaamaha xanuunkan intan aya ugu caansan oo badi lagu arkaa dadka qaba cilladdan, waxaana hubaal ah inay kasii badanaadaan, ammaba ay jiraan sifooyin badan oo kale oo aan la aqoonsan karin ee keliya la dareemayo in qofka waxa ka khaldan yihiin. Sida aad aad ka arki karto qisada filinka amma filinka laftiisa wiilku marka uu guriga gabadha yimaaddo waxa uu samaynaa inuu soo qabtay koob ay ku cabtay sharaab oo uu ku sawirnaa libiskeedu inuu isla halkaas ka cabbo, sidoo kale uu afka geliya burusha ay ku cadaynaysay.

Machadka daraasaadka caafimaadka maskaxda ee dalka maraykanka ayaa waxa uu xusayaa in caruurta la hanqajiyo, la dilo, la dayacayo amma si uun loo dhibaateeyo inay khatar dhan 75% ay ugu jiraan inay qaadaana xanuunkan. Dhammaanteen waxa aynnu markhaati ka nahay in aynnu aragnay marka dugsiga amma malcaamadda la joogo in ay jiraan caruur badan oo fahankooda amma niyaddooda waxbrasho ay aad u hooseyso, caruurtaas waxa aynnu ku aragna in ay cadho badan yihiin, hadday xanaaqaanna waxbay si xun u dilaan, buugta ayay jeex-jeexaan sidoo kale waxa lagu arkaa cay iyo aflagaaddo.

Geyiga Soomaalidu waa cadaabta caruurta iyo bani aadamni darrada, dabcan haddii aad dib u milicsato caruurnimadaadi waxa hubaal ah in dadka qaarkood ay oohin qabato, sidaas oo kale waxa hubaal ah haddi aad aragto macallinkaagi malcaamadda ee ku garaaci jiray in wadnuhu aad kuu garaacmo sas aad ka qabto awgiis. Dhanka kale cabudhinta iyo hanqajinta caruurtu waxa ay ka dhaxlaan xaaladdo nafsaasi ah oo dararan.

Muddo aan aad u fogayn haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa waxa ay daabcday daraasad dhanka caafimadka maskaxda oo laga sameeyay Soomaaliya oo dhan, daraasaddaas oo aad looga hadal hayay warbaahinta iyo goobaha sheekada ayaa siyaabo kala geddisan looga falceliyay ayaa waxa lagu xusay in 3 qof ee soomaali ah ee meel maraya uu midkood qabo nooc ka mid ah waallida, sida la xusana waalidu waa ay noocyo badantahay.

Sidaas oo kale daraasad ay samaysay haayadda caafimaadka adduunku oo la daabcay 2006 dii, ayaa waxa lagu xusay in in dadka uu khal-khal kaga dhacay ay gaadhayaan 9%, dadka qaba xanuunnada neerfaha ay gaadhaya ilaa 11%, dadka jawigu ka qasan yahayna waxa lagu sheegay ilaa 30% calashaan qof aan soo jeedin oo maskaxdiisu maqan tahay, xaaladda ugu badan ee daraasaddu xusay waa xaaladda loo yaqaan Schizophrenia oo ah xanuun aad u daran oo maskaxda ku dhaca, kaas oo qofku male awaalayo amma is moodsiinayo waxa ka baxsan xayndaabka xaqiiqada daraasaduna waxa ay xustay in dadka Soomaliyeed 37% oo xanuunkani haleelo.

Dabcan, sida laga arki karo taariikhda, sannadku waa 2006, koonfurta Soomaaliya waxa aad uga socday dagaallada sokeeye, sidoo kale wakhtigaas ciidanka itoobiya ayaa dalka la keenay, dhanka gobollada waqooyi iyagu waxa ay kasoo kabanayeen dagaaladdii sokeeye ee dhacay sannadihii 1994 ilaa 1996. Wakhtigaas dadku waxa ay wajahayeen duruufo badan oo nololeed, caafimaad darro, ammani darro iyo guud ahaan baahiyihii aas-aasiga ahaa oo dirqi lagu helayay. Dabcan sida cilmi baadhista ka muuqata qof ku jira dagaal amma hadda uun kasoo kabtay waxa hubaal ah in xaaladdiisu ka daran tahay qofka markiisa horeba maryaha dhigtay.

Dadka barrtay cilmiga nafta amma ay waxa uga baxsan yihiin waxa hubaal ah haddii in yar dadka u fiirsado waxa laga soo helayaa dad badan oo la nool xanuunada nafta, sidoo kale waxa hubaal ah inaad ku arki karto dadka aad shaqada wadaagta tihiin, kuwa aad wax wada barataan iyo dadka aad ehelka amma jaarka tihiin.

 

Dadku badi xanuunada amma cudurrada waxa ay u haystaan inay yihiin kuwa dakhtarka loo tago ee kiniinnada iyo daawooyinka loo qaato(Biological). Cilmiga caafimaadka xannuunada waxa loo kala saaraa qaybo badan, oo ay ka mid yihiin xanuuno baayoolaji iyo xanuuno nafsi ah iyo qaybo kaleba. Tan iyo bilowga ilbaxnimada casriga ah ee bani aadamka, waxa horumar aad u baahsan laga sameeyay dhanka caafimaadka iyadoo ay weheliso tiknoolajiyad. Bani aadamku sida uu cunto xumada iyo adeegsiga waxyaabo aan nadiif ahayn uu uga qaado xanuuno khatar ah ayuu duruufaha maalin laha uga qaadi karaa xanuuno nafsi ah.

Haddii qofka bani aadamka ah ay ku timaado masiibo daran sida geerida, waayidda wax u jecel yahay, iyo guud ahaan duruufaha qallafsan ee nolosha waxa khasab ah inuu ka dhexlo dhibaato nafsi ah taasoo oo dhaxalsiisa in is baddal wayni ku yimaddo hab dhaqanka qofka. Waxa suuro gal ah in qofkaasi uu lumiyo waxyaabaha aas aasiga ah ee aynu samayno maain kasta. Badanaa waxa aynu dhaqan u lahayn haddii aynu garaacno albaab deedna aynu sugno ilaa laynoo ogolaado, laakiin qofka ay soo gaadhaan xanuunada nafsaaniga ah waxa suuro gal ah in aanu ka fikiri karin waxa ka imanaya sugid la’aanta ogolaashaha.

Sidoo kale qofka ay soo gaadhaan xanuunada nafsaaniga ah waxa uu luminayaa waxyaabaha laga xishoodo, Soomaali ahaan waxa jira erayo badan oo ku dhawaaqistooda aynu ceeb u aragno taas oo baddalkeeda aynu adeegsano weedho kale oo u dhigma, saas awgeed qofka qaba xanuunada nafsaaniga waxa hubaal ah in badanaa adeegsado erayada aan badanaa la adeegsan iyadoo ay ugu wacantahay qaybta maskaxda ah ee qaabilsan kala shaandhaynta iyo xakamaynta erayada. Afka qalaad xanuunnadan waxa la dhahaa (Personality Disorder) xanuunadan haddii ay sii adkaadaanna waxa loogu yeedhaa ( Post Traumatic Disorder)

Dadka qaarkood uma adkaystaan duruufaha adag ee nolosha innaga soo wajaha, saas awgeed geeri naxdis oo kedis ah haddii ay ku qabsato waxa hubaal ah inaad is xakamayn kari waydo murug darteed oo masxdaadu lumiso xakamaynta, sidaas oo kale naxdin kedis ah baa waxa ay keeni kartaa inaad waydo gebi ahaanba miyirka. Badanaa xanuunka loo yaqaan (( Post Traumatic Disorder) waxa uu badana ku dhacaa ciidanmada hawl gallada loo diro amma meel kale dagaal kusoo gala iyadoo ay ugu wacan tahay in qofkaasi arkayay nafo badan oo hortiisa ku dhimanaya iyo in badi uu kelidii ka badbaaday koox dad ah oo u la socday taasina waxa ay keentay maskaxda qofkaas ay kusoo noq noqdaan xasuusaha foosha xun ee uu kula kulmay dagaalka.

Fahanka khaldan ee aynnu ka qaadannay nolosha iyo diinta ayaa waxa uu inna dhaxalsiiyay in aynnu dhayalsanno waxyaabo badan, Tusaale ahaan tallaalka ayaa muddo badan lagu sheegi jiray inuu yahay waxa aanay diintu ogolayn oo ah in aanu qofku Ilaahay ku kalsoonayn, sidoo kale daawo dhaqameedda ayaa aad loo buun-buuniyay, waxaana hubaal ah inaad ogayaasha iyo islaamaha aad ku aragtay iyagoo leh, liin dhanaanta iyo badhiba ayaa wax kasta dawo ka ah oo dhaanta daawooyina kiimikaalka ah.

 

 

Psychopathic Behaviour: Waxa suuro gal ah inaad labadan eray in badan maqashay, dadka barta cilmiga nafta amma cilmiga bulshadu si wannagsan bay u garan karaan erayadan, aqoonta aynnu u leennahay cilmiga nafta iyo bulshada oo aan geyiga Soomaalida ka jirin oo hadda uun wax yar laga fahmay ayaa keentay in aynnaan eray bixin ku habboon u hayn aqoonta cilmiga bulshada iyo nafta.  Haddaba eraygan afka qalaad ee Psychopath wuxuu macne ahaan noqonayaa “ qof maskax ahaan jirran, kaas oo aan wax dan ah ka gelin dadka, oo badi ah qof mar kasta abuura dagaal iyo fawdo”

Asal ahaan eraygan waxa loo adeegsan jiray dadka qiyaanada badan ee dadka lug’ gooya. Waxaana mar dambe loo baddalay “ Sociopath” oo ah dad badanaa dhibaateeya bulshada, qofkaas badi waa ganacsane, siyaasi, wadaad xume iyo qof kasta oo bulshada saamayn ku leh, bulshada iyo dadka ayuu dhibayaa si uu danihiisa gaarka u fushado. Cilmi baadhisyo badan ka dib, aqoonyannada cilmiga naftu waxa ay kala qaadeen labada eray ee isku sida loo adeegsan jiray, psychopath waxa hadda si rasi ah loogu adeegsanaa qof maskax ahaan jirran kaas oo aanay wax naxariis ah iyo jixin-jix aan u ahayn dadka.

Sidoo kale erayga “Sociopath” waxa hadda isna si rasmi ah loogu adeegsanaa qofka nacaybka iyo cunsriyadda leh kaas laftiisu aan maskax ahaan fayoobayn, dadka cilladan qabaa badanaa waxa ay ka xajiimoodaan dadka ajnabiga ah, diin, dhaqan iyo af kale leh. Tusaale ahaan muddo dhawayd waxa la arkay dhacdo argagax leh oo nin uu dad badan masaajid ku laayay. Xaaladdan waxa ugu badan dadka cunsuriyiinta ah ee dadka ku takoora amma ku faquuqa, dhaqanka, diinta, afka, siyaasadda iyo wax kasta oo qof kaga duwan yahaya dadka kale.

Cilmiga nafta waxa jira xanuun loo yaqaan “Antisocial Personlity Disorder (APD”) oo ah qof had iyo jeer bulshada ka soocan oo door bida inuu keligiis noolaado, kana xajiimooda oo cuqdada ka qaada dadka badan iyo buuqa. Dadka waxa ka madhan naxariista iyo dhibirsanaanta, sidoo kale dadkan maba yaqaannaan waxa saxa ah iyo waxa khaladka, sidoo kale waxa hubaal in aanay kala saarin samaanta iyo xumaanta. Waxaana ku badan beenta, fawdada iyo dhiirrashada falalka khatarta ee dilka iyo kufsiga.

Haddaba akhrista sida aad ku daaatay filinka amma aad sheekada ka akhrisatay, wiilkan inanta jeclaaday, hab dhaqannadiisa waxa aad ku arkaysaa inuu dil  u gaystay laba qof, weliba aanu ka haba yaraatee ka tagin wax caddayn ah, sidoo kale waxa aynnu arkaynaa inuu gabadh gurigeeda ku xidhay kaamirado uu kaga duubay haweenayda oo gudanaysa xuquuqaheeda aas-aasiga ah. Sidaas oo kale innaga dhexdeedna maalin kasta waynu aragnaa dad badan oo edab daran, fawdo badan oo aan ka xishoon erayadan afxumada ah.

Soomaali ahaan dadka falalkan sameeya waxa aynnu u deegsanna weedha ah “ Dhiig-miirasho” oo ah dad aan dadka u nixin oo ka faa’idaysta baahiyahooda, wakhtigan la joogo waxa la odhan karaa horumarka bulshada waxa hor taagan siyaase iyo ganacsade aanu midna dan ka lahayn masiirka iyo mustaqbalka dadkan.

 

Ugu dambayn, ma muuqato in la maarayn karo xanuunada nafsaaniga ah iyado aan la maaarayn karin xannunadii baayoolajigu. Bulsho ahaanna waxa aynnu kuwo aanu salkoodu ahayn inay fahansan yihiin hadiba waxa ku xeeran ee noloshooda saamaynta taban ku leh. Xanuunada maskaxda waxa la xusaa inay yihiin kuwa ugu daawaynta sahlan, maxaa yeelaya keliya qofkaas waxa uu baahan yahay nasasho badan iyo in laga fogeeyo wax kasta oo baddalaya habdhaqankiisa. Uma baahna in la siiyo kiniin iyo daawooyin kaleba.

Habka ugu wannagsan ee lagu xakamayn karo cilladaha u yimaadda hab dhaqanka qofka waa in qofku inta uu yar yahay laga ilaaliyo, dilmada, hanqajinta iyo wax kasta oo uu ilmuhu arga-gax ka qaadayo. Wax kasta oo nolosha saamayn innagu leh badi waxa uu lasoo bilaabmaa yaraanta, siiba xanuunada nafta, sidoo kale duruufaha qallafsan ee nolosha ayynu ku nool nahay aya saamayn ballaadhan ku lah xannuunada nafsaaniga ah ee sida cad ugu muuqda dadkeenna.

Xanuunku maaha wax diin shaqo ku leh, waxa jira xannuuno badan oo la diimeeyay amma la siyaasadeeyay, tusaale ahaan isku buuqa iyo diiqaadda oo afka qalaad loogu yeedho “ Stress and depression” waxa aanay ka dhashaan xaaladaha nolol maalmeedka, kuwaas oo is biirsada ayaa keenaya inu qofku gebi ahaan uu lumiyo noloshiisa miyirqabka ah. Waxaana dhacda in la yidhaahdo gaalada ayaa murugooda oo isku buuqda.

Si kastaba akhriste, waxa innala gudboon in wacyi gelin badan laga saameyo bulshada, goobaha waxbrashada, dakhaatiirta. Sidoo kalena, aqoon yahannadu ay ka sameeyaan daraasado badan la xidhiidha caafimaadka maskaxda qofka. Dadka bartay cilmiga naftada iyo bulshada waxa looga baahan yahay inay qoraan oo soo turjumaan arrimaha noocan ah ee dadyowga kale innala qabaan. Guud ahaan dawladda, bulshada iyo cid kasta oo waxa waajib ku ah inay doorkooda ka ciyaaraan caafimaad qabka iyo badhaadhaha maskaxda qofka.

 

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur

Email: biixi223@gmail.com