( Waar tolow dalkan yaa leh )
Waxa aan ka mid ahay muwaadiniinta reer Somaliland ee wadadaa mara 6 dii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan dhawrkii bilood ba mar soo maro ama laba goor amaba ka badan.
Waxa aan intaasi oo sanadood ba kula kulmay biriijyada u dhaxeeya magaalada BerBera iyo Degmada sheekh iyo waliba BURCO dhacdooyin la yaab leh oo aan garan waayey wax looga jeedo ka dhacaan, biriij la daloolinayo !!!
Markasta oo la gooyo ama ay go’an yihiinba waxa ka dhaca shilal foolxun oo dad iyo duunyaba lagu baaba o !!!
In badan oo hore waan maqli jiray ogaan baa loo gooyaa iyo waxyaabo noocaas ah laakiin iyada is haynta dagaalada siyaasadeed iyo ku xumee la isku hayo wax badan aad uma rumaysto oo damiirka ayaan kuu sheegayn in reer hebel isku raacayaan aynu biriij goyno.
Walow arinkaasi goynta ama daloolinta lagu kala aragti duwan yahay oo dadka qofba wax ku odhanayo ama u malaynayo oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shirkadaha wax qandaraasaa ay dad u soo diraan dalooliya si ay u helaan qandaraas dambe oo ay ku dhisaan, hadana lama garan karo xaqiiqada ka dambaysa arinkani.
Xataa laba qof oo miyir qabaa iskuma raacayaan dariiq aan jarno ayaan aaminsanahay shaqsiyan, laakiin wax ay tahayba waatan la isku raacsan yahay in la gooyo. !
Maanta oo ugu dambaysay ayaa waxa aan soo maray biriijka weyn ee KALA DHAC oo meel ka daloola oo waliba daloolkaasi abuurey shil foolxun oo aanan hubin sida wax loogu noqday, layaab baanay igu noqdeen dhacdooyinka noocan ahi.
Hore waxa dhawr goor aan maray biriijyada GEEL LOO KOR, HUDUSE, DUBUR iyo KALA DHAC laftiisa oo sidan oo kale u go’an dadka wadada maraa waxa ay isku raacsan yihiin in la gooyo wadada.
Su’aashu waxa ay tahay yaa gooya biriijyada?
Maxaa looga jeedaa goyntan joogtada ah?
Wadada iyo dhaqaalaha lagu sameeyaba dadkaa leh ee yaa lagu halaynayaa ilaalinteeda?
Muhamed Dhimbiil