Bisaddii Qolkayga Ku Dhaxmootay: Xasuusta Deri-jiifka iyo Dibad-yaalka Ku Nool Duleeddada Ee Qabawga Dugaashanaya! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Sida sawirka saddexaad iyo afraad ee qormadan la socda ka muuqata, nooleyaasha dunida ku nool iyo qaar dhulka Soomaalida ku nooliba daryeel waa ay helaan. Waxa se hubaal ah in xayawaanka iyo danyaraha ku nool Somaliland ay 95% banyaal u yihin gabanada, gawraha, juubaha, diqinta iyo dayra-dhaafka qabawga.

Imaka dad ayaa dhaha waxa dhacaya dhaxanta ninkeedii oo โ€œDHAXXANโ€ la yidhaahdo, Waan ogahay in aan xarafka X ka mid ahayn kuwa labanlaabma, waxay u xoojiyaan si akhristuhu culayskeeda u garto. Sida aan qiyaasaha ku arkay qabawga Hargeysa waxa uu toddobaadkan u dambeeya gaadhaa 10 Degree Celcius, toban heer ayuu ka sarreeyaa dhagaxawga biyaha. Waa la qadhqadhayaa!

Gadiidkii Axadda ayaannu u baxnay Burco, qolku wuu furnaa. Shaw habeennimadaas waxa keligii ku sii caweeyay curri aqalka u soo dhacay, Waxa aan soo laabtay saqbadhkii habeen hore Salaasadu soo gelaysay, waanan daallanaa. Judhiiba waan seexday. Aroornimadii ayaa xagga hoose ee u dhexaysa sariirta iyo furaashka ay wax culusi ka gujiyeen. Waxa aan isweydiiyay โ€œjiirku sidan uma shanqadh badnaynโ€™e, waa maxay?โ€. Ma eegin, inta aan furtaashkii jiqil ku dhuftay ayaan iska seexday, duhurkii ayaan baxay.

Markii aan habeennimadii caawa soo laabtay ayaan nalka makhsinka shiday, kombuyuutarna furtay. Haddana furaashkii ayaa loo gujiyay sidii oo kale, waan fajacay. Waxa iskii uga soo baxay curri weyn oo duurjoog ah: aan rabbaayad ahayn, dhanka daaradda ayuu ii dhaafay. Dhaxan culus ayaa dhacaysa. Iskii ayuu haddana qolkii ugu soo noqday. Shaw dhaxanta ayuu u adkaysan waayay.

Beri uu curri nala seexan jiray aqal-Soomaaliyadii qaxoontiga Kaam Abokor ayuu saqdii dhexe arkay qof yar oo aanu walaal nahay oo cagaha dhaqaajinaya, inta uu jiir mooday ayuu ku soo booday oo qaniinay. Xilligaas kaddib ma aammino qol ay bisadi joogto.

Dusha ayaan furaashkii ka garaacay bal inuu baxo, wuu bixi waayay. Kor ayaan furaashkii uga qaaday sariirta, haddana wuu dhego-adaygay. Inta aan furaashkii kor u wada qaaday ayaan biraha daaha sariirta hosteeda dhulka ku dhuftay, bannaanka ayaanu u booday. Shaw xagga sarena wuu fanan kari waayay, sabbadyar oo taangiga biyaha la saaro ayuu ku dhuuntay.

Inta aan birtii qaatay ayaan qolkayga xidhay, ayaan nalkii daaradda iyo dibadda daaray waan eegay. Halkii sabbadda ayuu ka soo booday, wuxuu isku deyay inuu qolkii ii dhaafo. Saa waa xidhan yahay, ugu dambayn dhankii albaabka dbadda ayuu isku maqiiqay, wuu furnaa, waanu baxay. Ayaankiisa waxa uu qabawga kala kulmi mooyi. Nasiib-darro, marka aan bannaanka u saaray inay dugsoon ka deyaysay qolka labadaas habeen!

Haddii ay xayawaanki sidaas u dayacan yihiin, waxa maskaxdayda ku soo dhacay derbi-jiifkii, dadkii la noolaa xanuunnada dhimirka iyo danyarta dibad-yaalka ah ee aan haysan gabbood ay dhaxanta ka galaan.

Wixii huโ€™ iyo gogol ah ee dar Alle loo taro derbi-jiifka iyo dadka la nool xanuunnada dhimirka ee cusbitaallada ku jiraa waa mid lagu helayo abaal-marin xagga Eebbe ah.