Bogaadin iyo Talo ku socota Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye-Toorno (WQ: Xamse Tudhaale)

Waan ku hambalyaynayaa Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, go’aanka uu ka soo saaray Ardayda dugsiyada lagu uleeyo/dhangadeeyo. Waa go’aan soo raagay balse ugu danbayn la soo saaray.

 

Haddaba waxa muhiim ah in Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka lagu soo kordhiyo la taliyayaal bartay cilmu nafsiga gaar ahaan (Educational Psychology ama Counselling Psychology) si ay meesha uga saaraan in ardaydu jeel ka aaminto goobaha waxbarashada, waayaha iyo walbahaarka kala duwan ee maskaxeed kuwaas oo ay dhallinyaro badani la nool yihiinna u fududeeyaan hannaankii ay uga gudbi lahaayeen, talo iyo tusaale garab u noqdana u heli lahaayeen.

 

Arday badan ayaa uga tagta waxbarashada, caqabado fikireed ama shaqsiyeed oo soo wajaha noloshooda; taas oo ay waayaan cid ay garab ka helaan; ugu danbayna noqdaan kuwo rabshado abuura ama waxbarashadaba naca oo balwado kala duwan bilaaba. In la helo la taliyayaal xirfadlayaal ah oo khibrad leh, waxa ay ka qayb qaadanaysaa horumarka jiilkeenna iyo koboca waxbarasho ee waddankeennaba.

 

Hargaysa, Somaliland

 

Mobile: 0634410163