Booqashadii Xabsiga Mandheera iyo Lakulankii Suxufi Coldoon! (WQ: Siciid maxamuud Gahayr)

Booqashadii Xabsiga Mandheera iyo Lakulankii Suxufi Coldoon!

Annaga oo ka kooban shan qof Hooyo Faadumo Rooble, Axmed Jaamac Ducaale (Somalilander), Mustafa Odowa iyo qof ehelka Coldoon ah ayaannu samafale iyo suxufi Cabdimaalig Muuse Coldoon ku booqannay Xabsiga Mandheera..

Ciidanka asluubtu si milgo leh ayay noo soo dhaweeyeen. Xaaladdiisa caafimaad iyo niyad ahaaneedba way fiicnayd. Waxa aanu la yeelannay xogwaraysi. Waxa se dhib ah in qof dacwaddiisa lagu qaadayo Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex uu ku xidhnaado Mandheera.

Waxan loo baahan yahay dedejinta ambiilka ay qareennadiisu ka qaateen xukunka 3.6 sanno ee ay ku ridday Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. Waxa uu ku kalsoonaa in aan qaddarka Alle la seegin.

Waxan ku baaqayaa in la deddejiyo dhegaysiga rafcaanka Abdilmalik Musa Coldoon haddii Alle idmo.