Boorama sidee looga dhigii karaa magaalo dhaqaalaha ugu badan kasoo gali karo dalxiiiska? (WQ: Cabdullaahi Yuusuf)

Boorama waa magaalo juquraafi ahaan dhacda deegaan aad ugu wacan degista iyo dalxiiska, xarun ganacsina noqon kara xuduudaha u dhaw dartood. Boorama waxa ay ku caanbaxday in dadku usoo doontaan waxbarasho iyo degenaansho; hadaba, in dalxiisku noqdo isha dhaqaale ee ugu wayn, maxaa lagu xoojin karaa ?

Aragtidayda anoo ku cabiraya waxa lagu xoojin karaa hadii la sameeyo tallaabooyinka soo socda:-

1- Nadaafada Magaalada oo la xoojiyo lagana wada qayb qaato; nadaafada goobaha dadwaynaha iyo kuwa gaarka ah. Waliba xaafada biyaha kasoo baxa oo la maareeyo sharcina laga soo saaro, suuqyada meheradaha ku yaala oo lagula xisaabtamo bacaha iyo karaatoon hortooda taala iyo dhamaan maaraynta qashinka iyo bullaacadaha hoteelada, tallaabadani waxay qayb laxaadle ka qaadana in magaaladu ahaato nadiif, dadkuna xasilooni ku dareemaan.

2- Dhirta oo aad loo beero waxa ay ka qayb qaadataa bilicda magaalada, hawada oo nadiif noqota, dhaska, siigada ama buska oo yaraada iyo hawo qabow oo la helo; magaalo hadii aad quruxdeeda doonayso kaliya dhir iyo wadooyin waawayn weeyi, labadaasi qayb laxaadle ayay ka qaataan bilicda magaalada. In dhalinyarta, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan iyo maamulka D/Hoose oo iskaashanaya laga wada qayb qaato beerista dhirta, in la amro gurikasta iyo geed, sidoo kale ardayda qalin jabinaysa in ardag iyo geed lagu dhiiri galiyo. Way jiraan caqabado hor istaagaya beerista dhirta waxana ka kow ah, wadooyinka xaafadaha oo cidhiidhi ah iyo adhiga ama xoolaha oo magaalada lagu dhex dhaqo; taasina waxaynu u baahannahay in maamulku xalkooda keeno si magaaladu u noqoto mid bilicleh.

3- Boorama waa magaalo lagu xanto aqoon iyo in Jaamacaddo waawayni ku yaalaan, waxa kaliya ee ay iibgaysaana waa aqoon, hadaba miyayna haboonayn in Jaamacaduhu isku diyaariyaan marti galinta kulan aqooneedada waawayn ee soomaalidu isku timaada sida:- International Somali Studies, Somali Book fair, Somali youth Summit iyo dhamaan wixii la hal maala. Jaamacada Camuud waxay u baahantahay in ay isku hawsho isku diyaarinta in ay marti galiso kulan aqooneedada waawayn ee Soomaalidu iskugu imanayso, in la dhiso hoolal waawatn oo lagu qabto waa lagama maarmaan, tallaabadani waxay dhiiri galinaysaa dalxiiska magaalada.

4- Magaalo bilaa wadooyin ah maaha magaalo, in la dayac tiro lana dhiso, muhiimad gaara la siiyo jidadka magaalada dhexmaraa waa udub dhexaadka bilicda iyo isku socodka magaalada, maamulka dawlada hoose waxa waajib ah in wadooyinka muhiimad gaara uu siiyo, waxana ay dhiiri galinaysaa talaabadani dalxiiska magaalada.

5- In magaaladu yeelato xarun dhaqan oo wayn oo iskugu jirta Madxaf iyo hool lagu soo bandhigo suugaanta iyo gabayada, lagu qabto tartannada gabayada iyo hal’abuurka waa muhiim, waxana ay dhiiri galinaysaa dalxiiska magaalada.

6- Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada bulshada bixiya sida biyaha iyo laydhka waxaa waajib ah in ay ku fikiraan kor u qaadista hufnaanta adeegooda, gaar ahaan shirkada biyaha, Shirkada biyuhu waa shirkad aan adeegeedu ku dhisnayn fogaan arag dheer iyo korodhka guryaha ee magaalada.

7- ugu danbayn, in Town plan-ka magaaladda wax laga qabto, ugu yaraan meelaha ay magaaladu ku fidayso in loo sameeyo wadooyin waawayn oo noqon kara 2 haad oo midkiiba yahay 15mtr, tallaabadan oon anigu u arko mid muhiim ah waxa fulinteeda looga fadhiyaa maamulka dawlada hoose iyo wixii wasaarad ah ee qusayso.

Tallaabooyinkani waa aragtidayda, akhriste kuwa ka fiican in ay adi kaa dhex guuxayaan ayaa suura gal ah, wixii fikir ah eed u aragto in kor loogu qaadi karo dalxiiska magaalada nala wadaag.

W/Q Abdullahi Yusuf