Boqorkii Kursiga uga Tegay Jacaylka (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Laba qof in ay kala rayi gedisnaadaan waa sunnaha nolasha, waanna qurux dhegeysiga labadaa qof ee kala aragtida duwan sheekadoodu. Idinka ayaa aan idin dhiibaye “maxaa ay noqonaysaa, marka hal qof marba dhinac ka istaago hal shay?”

Tusaale:
Mutacalimiintu waxa ay u dooddaan sinnaanta – waa marka laga hadlayo maalka iyo maamuuska. Markaa waa qareenada sinnaanta, haddana marka laga hadlayo rayi is-waydaarsiga, waa ay ka muraala dilaacaan marka la yidhaa: Adiga oo PhD ah iyo oday daabiyada ka yimid “meel wada fadhiista oo ka doodda mustaqbalka nolosha”.
Tusaale Kale
Dadka u doodda xorriyaddu, jarriimad baa ay ku tilmaamaan hablaha in loo dooro saygooda ama wiilasha in waalidkood talo ku yeesho aqal samaysigooda – waxa ay taas u arkaan xorriyaddii qofka oo meel lagaga dhacay. Dadkii sidaa u dooddayey ayaa haddana xorriyaddii inta ay dabada ka tuuraan odhanaya sidan: Haddii lagu jeclaado oo adiguna aadan darreenkaa u hayn ruuxa kale, waa in qofkii ku jeclaaday aad ixtiraamtaa oo jacaylka la waddaa! Xorriyadii qofku meeday? Bal idinku dadka ku dooddaya Cilmi Boodhari wuu hagaagsanaa, miyaanay meel kaga dhacayn xorriyaddii qofka kale – Hodan? Dadkaasi waa isla kuwa waalidka ku toocsada kalmad in ay ka dhiibtaan guryaha ubadkooda.
Jacaylku in uu doqon yahay maxaa caddaynaya.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahaan “geeridu waxa ay ku fiican tahay geeljiraha iyo nin aan la garanayn”. Dad kale aynnu soo qaadano oo aynnaan garanayn.
Edward VIII iyo Wallis Simpson
Edward kii sideeddaad, waxa uu ahaa boqorradda Ingiriiska adeerkeed – isaga ayaa lahaa taajka boqortooyada Ingiriiska. Xaqiiqatan waaba uu noqday boqor mudo 11 bilood ah. Maxaa sababay haddaba Edward VII in uu ka dhaqaaqo boqornimada Ingiriiska?
Edward mudo ayuu ahaa doob, dabcan hablo wuu la sheekaysan jiray, dhaqanka caddaankana gaabsiga waxa ay u yaqanaan “mistress” oo ma ahayn muslin guurka hortiis lagu tuhmayey gaabsi la’aan. Edward VII hayeeshee, waxa uu ahaa doob – nin aan guursan. Isaga oo sidaa ah ayuu xijaabtay Aabihii oo ahaa boqorka Ingiriiska 1936kii bishii Janaayo.
Edward wakhtigaas waxa ay wada socdeen Wallis Simpson oo ahayd afo nin kale u dhaxday – ninkaa ay markaa wada joogeen, waxa uga horreeyey nin kale oo ay is guursadeen iyada oo 20 ay tahay da’deedu. Wallis waxa ay ahayd gabadh Maraykan ah oo Illaahay ku manaystay qurux. Edward waa uu ka daba dhacay Wallis Simpson – waar ka joog baa la yidhi waayo, Boqortooyada Ingiriisku ma aqbalayso boqorad Maraykan ah. Taa waxa ka daran haweenayday laba jeer ayaa la guursaday, labbadii nin ee guursadayna waa ay nool yihiin.

Edward VII waxa loo cummaamaday taajka boqortooyada bishii Jannaayo ee 1936kii iyada oo dhanka kalena jacaylkii Wallis uu cirka isku shareerray. Kaw iyo tobban billood markii lagu jiray laba daran mid dooro – kursiga ama Wallis – ayuu ugu dambayntii King Edward VII go’aansaday in uu banneeyo boqornimada Ingiriiska si uu ugu gacan bannanado guurka Wallis Simpson. Runtii Wallis oo markii xaaladu kululaatay usoo wareegtay Faransiiska, waxa ay boqorka u qortay warqad ay kaga codsanayso in uusan ka tegin boqornimada ee uu ka quusto guurkii dhex mari lahaa labbadooda.
Edward VII iyo Wallis waa ay is guursadeen balse, nolol joog hoose ah ayaa ay ku noolayeen, waxaanna loo joogay qoyskii boqortooyadu oo albaabka ka xidhay Edward VII. Noloshiisa oo dhan waxa uu ku qaatay dibad wareeg. Walalkii ka yar ayaa dhaxlay taajka, markii dambana inantii uu adeerka u ahaa “Queen Elizabeth II” ayaa noqotay boqorada Ingiriiska. Wallis iyo Edward wax carruur ah isuma ay dhalin, dabcan Wallis wakhtigaas waxa ay ahayd 40, isna dhawr gu’ baabu ka waynaa.
Prince Charles iyo Jacaylkii saddex geesoodka ahaa
Wiilka ay dhashay boqorada Ingiriiska ee Charles, waxa uu aad u jeclaa haweenayda uu hadda qabo ee la yidhaa Camilla Parker Bowles hayeeshee, si ay noqotayba Kaamilla waxa ay guursatay nin kale. Charles dhankiisa ma uu dhiman jacaylkii Kaamilla mana uu garwaaqsan inantii waxa hantiyey nin kale.

Jaarlas waxa uu dhankiisa guursaday Diyaana oo ahayd gabadh qurux iyo qalbi wanaag u dhalatay bale, kuma uu qancin. Diyaana maaha gabadh la garan waayo oo dadka ka wayn 30 jirku si dhaw baa ay ula socdeen sheekadeeda. Jarlas iyo Diyaana waxa dhexdooda ka abuurmay labada innan ee William iyo Harry. Dhanka kale Jarlas iyo Kaamila ma dhammaan xidhiidhkoodi, waxaanna la xasuustaa odhaahdii fajaca reebtay ee Diyaana ay la wadaagtay warbaahinta, taas oo ahayd “guur ka kooban saddex qof ma hawl yara”.
Diyaana iyo Jarlas aakhirkii waa ay kala tageen, marwo Diyaanana watii shil gaadhi ku dhimatay 1997kii magaalada Paris iyada oo la socota wiil masri ahaa oo ay is caashaqeen. Dhanka kale Kaamilla iyo odaygeedii horre waa ay is furreen, waxaanna Kaamila ay guursatay Jarlas 2005 – illaa hadda waa ay is qabaan lammanahaasi.

Labbadaa sheeko waxa ay sawir inaga siin karaan jacaylku in uusan ku dhisnayn caqli bale, uu yahay nafta oo qofka ka awood badata, taasna Rabbi baa innooga digay oo inagu yidhi: Nafahiina xakameeya.
Jacayl aan lagula wadin
Wakhtigaaga yuu lumin