Bulsho la dhaqan (WQ: Maxamed Cumar)

Bulsho la dhaqan 101;

Arrimo aan aan kasoo boodnay ama inagoo garanayna aynaan ku dhaqmin oo aad inoo foolxumeeya!

1. Hadii aad soo fadhiisato meel ay kuraas banaan taalo oo uu qof keli ahi midkood ku fadhiyo, qofkaasna aanad isgaranayn, fadlan qofkaa ha isku nabin ee kuraastaa banaan ee kale midkood iska fadhiiso. Hadii aad xiisaynayso In aad is barataan qofkaas, ha dul degin ee raxantaada meel kusoo hubso, usoo noqo oo isbar, kedib codso in aad lasoo fadhiisan karto hadii aad xiisaynayso inaad la sheekaysato.

2. Hadii aad aragto kursi banaan oo ag yaalla qof ama qofaf sii fadhiyay, fadlan ha iska dafin ee hubi inaan dad kale loosii hayn, kedib codso inaad qaadan karto iyo in kale.

3. Hadii aad u timaado laba qof ama ka badan oo sheekaysanaya, fadlan ha iskala bilaabin ee waydiiso inaad kusoo biiri karto iyo in kale. Hadii ay kaa cudurdaartaan, fadlan kusug meel aanad sheekadooda ka maqlayn. illaa ay dhamaysanayaan. Waxa laga yaabaa in ay hawlo u gaar ah ka sheejaysanayaan.

Maanta casharku halkaa ha inoo joogo. Waa inoo markale iyo casharo kale oo dad la dhaqanka ah.