Burburintii Heshiiska UCID ee 2016: Gef Guul Looga Dhigay Maxamuud Xaashi (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Godob ayay Maxamuud Xaashi Saareen Kuwa Sheegay Inuu Ka dambeeyay Isku-dirkii UCID iyo kala-kicinta Hankii Jamaal Cali Xuseen

Qoraal uu sameeyay Alimahdi Jibriil Hassan Sheikh oo aan ku arkay bogga Mohamed Caydhaf waxa ku jiray in Maxamuud Xaashi sabab u ahaa in la reebo Jamaal Cali Xuseen, lane burburiyo heshiiskii UCID ay galeen 12kii July 2012ka, Laguna ansixiyay shirka Golaha Dhexe ee UCID 28kii Oktoobar 2012ka.

Ma maqashay “Afkooda ayaan ka rabay”. Waan maqlay inuu garsoorka faraha kula iiray, marka ay tallaabadaasi dhacayso ee 8dii Nofemner 2016ka waan xidhnaa. Waa taako kale oo dusha u saarnaan doonta Maxamuud Xaashi Cabdi. Ku faana oo waxqabadka ku darsada.

Gogosha raggu waa godob la”aan.