BUUGGA DIFAACASHADA QALINJEBINTA IYO JAAMACADDAHA SOMALILAND (Q1AAD).

 

Dhammaadkii sannadkii 2006 ayaan qorrey buuggii ugu horreyey ee difaacashadda dhammeystirka shahaadada labaad ee Aqoonteyda “Master Degree-ga”.14 sanno ka dib ayaan haddana mar labaad dalka gudihiisa takhasus kale dhameystirkiisa ugu difaacdey buuggaasi (Thesis Defence).sidaasi oo kale ayaa aqoon-yahan kastaa uu xassuusan karaa wakhtiyo kala duwan oo uu soo bandhiggey mawduuc uu ku difaacanaayey qalin-jebintiisa.Sannad kasta jaamacaddaha somaliland ardeyda qalinjebineysa gaar ahaan Degree-ga waxa waajib ku ah in ay qorraan buugg cilmi-baadhiseed iyada oo loo qeybinaayo mawduucyo iyo ciwaano kala duwan oo ka hadlaaya arrimo badan oo quseeya takhasuskooda iyo guud ahaan Cilmiga.

Maxey buuggaagtaasi haddaba  waxtar  u leeyihiin  ardeyga qorey ee difaacanaya iyo jaamacadda ka dhaggeysaneysaba,Ujeeddadase ardeyda loogu diro qorrida cilmi-baadhisahaasi ma yihiin kuwo laga helo faa,ido iyo isbeddel muuqda,Maxaa ka khaldan habka qorrida cilmi-baadhisahaasi,Macallimiinta hageysa Ardeyd buugga qorreysaase ma yihiin kuwo xirfad iyo aqoon u leh maadooyinka cilmi-baadhista,caqabado intee leeg ayaase ardeyda ka heysta in ay sameeyaan cilmi-baadhis sax oo lagu kalsoonaan karo,Maxaa ka khaldan habka soo jeedimaha iyo sixida buuggaagtaasi marka gunaanadka la gaadho,Maxeyse ku kala duwan yihiin ardeyga Shahaado diploma ah hargeisa buugg ugu dhex difaacanaya iyo midka heerka kowaad ee Jaamacadda u diyaarinaaya.hadddaba,su,aalahaasi iyo kuwo badan oo kale ayaan ku faaqidi doonna inta Maqaalkani aan ku dhex jirno qeybihiisa oo dhawr noqon doona haddi rabi idmo.

Qorrida buuggaagta difaacashadda shahadooyinka jaamacadduhu ugu horreyn waxa ay u baahan yihiin wakhti ku filan iyo jawi xasilooni iyo deganaan leh oo ardeygu kaga bogto buugga iyo mawduuca uu qoraayo,taasi oo marar badan ku qasbeysa in uu keli ahaado si uu u soo bandhiggo wax saameyn leh.qorraalku waa shaqo aan lagula wadaageynin fikirkeeda iyo qorrideda intaba oo aad keli ku ahaan doonto.Musharixiintii horre ee buuggaagta qalin-jebinta difaacdey dalka oo dhana waxa ay jidka u sii xaadheen kuwa hadda u sharaxan(Candidates) difaacashada iyo dhammeystirka shahaadada heerka kowaad,labaad iyo ph.da intaba.

La soco…………………..

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com