Gurrac oo noqday buuggii ugu erayo xulashada xumaa taariikhda Somaliland iyo fariinta qaldan ee uu sido (WQ: Cabdiqani Salaf “Kaptanka”)

 

Sannad Cusub oo wanaagsan waa sannadkii islamka, Illaahay khayrkiisa ha ina siiyo.

Buuga Gurrac ee dhawaan lagu soo bandhigay Hargeysa, waa buugii ugu erayo qaadasho xumaa ee abid qof Sooomaali wax ku qoraa qoro, waa buug dano kale laga lahaa oo cidii qortay iyo cidii tifaftirtayba way u badheedheen wax ala wixii fawaaxish ku qoran ula kac ayay ahayd.

Erayada qaawan ee uu Buugga Gurrac xambaarsanyahay waa weerar Cad oo lagu soo qaaday dhaqankeena wanaagsan ee ku salaysan Diinteena suuban, sidaa darteed waxa qurux badan in aan wada ilaashano dhaqankeena iyo diinteena oo wixii xumaana dhan uga soo wada jeedsano.

Waxa xusid mudan in markiiba ay qabatay buuggan diiradda maamulaha dugsiga caanka ah ee Maxamuud Axmed Cali mudane Cali Balayax, waxa xusid mudan dhallinyarada ka dhiidhiday ee facebook-ga iyo baraha bulshada ku naqdiyey buuggan.

Waxaan halkan ugu baaqayaa xukuumadda gaar ahaan ha’ayadaha ay qusaysayso oo ay horayso wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, iyo wasaaradda diinta iyo Awqaafta iyo waliba guddida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo guud ahaan culimada dalkaba.

√ In Buug kasta oo la qoro inta aan lasii dayn ama aan dugsiyada loo qaybin la hubiyo waxa buugu xambaarsanyahay iyo nuxurkiisa, hadii kale waxay noqon jaantaa rogan oo wixii la doono ayaa laqori.

√ In buugga Gurrac sida ugu dhaqsaga badan guddi baadhis ku samaysa loo diro, hadii ay cadaato inaanu munaasib ku ahayn waddankena laga mamnuuco, qoraagana maxkamad lasoo taago. Hadii kale oo waxba laga qaban waayo waddo halaq ayay noqon oo qaar badan oo kasii xun ayaa la daabici oo kadaroo dibi dhal ayaa iman.

√ Dhaqankeena iyo diinteena suuban waa inay marjac u noqota buugteena madaama aynu nahay dad muslimiina, buugga waqtigu ka galay qoraaga waxaa qurux badan inuu noqdo mid dhaxal gala oo waligii la inti faacsado haday noqoto Taariikh, Dhaqan, Murti, Madadaalo, Diini, iyo culuumta kale ee wax laga faa,idayo. Buugtu waa wacyi galin hogo tusaalayn iyo dhiir galin, maaha inay iyagu dhaqan xumo bulshada u horseedaan sida buugga Gurrac.

√ In Buugta dibada lagu qoray ee wadanka lasoo galiyo la kaantoroolo oo iyagana la inaga hubiyo.

Allaa Mahad leh
Cabdiqani Salaf (Kaptanka)
Xoghayaha xidhiidhka gobalda ee xisbiga UCID.