Buun buuninta khaldan ee dugsiyada! (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

Dugsigee Ayey carruurtaadu dhiggataa,Jaamacaddee ayey dhigtaan?.Waa su,aal waalidiinta qaarkood ay jecel yihiin in la weydiiyo,kuwo kalena aanney jecleyn in la su,aalo.waa Su,aalo lagala soo baxaayo waalidiinta carruurtooda u direy dugsiyadda ugu maggac sarreyaa maggaaladda iyo kuwo aan u dirin amma aan caruurtoodu aaney waxba u dhiggan.Waalidiinta dambe wey damqeysa in su,aashaa la weydiiyo mar haddii aaney jawaab lagu farxo u heynin amma ay rumeysan yihiin in ay  carruurtoodu dhiggato dugsiyada dawladda oo aaney awooddin dhaqaale ahaan in ay ku daraan dugsiyadda gaarka loo leeyahay.

Waalidiin badan oo wanaagsan niyaddana ka jecel dugsiyadda gaarka ah ayaa rumeysan in ayna haddana bixin karin lacagaha badan iyo kharashka ay dugsiyadda gaarka ah ee isku sheega kuwa ugu wanaagsan dalku ardeyda ka qaadaan,kuwaasi oo rumeysan in ay ka qadeen fursad weyn oo dunnida ah  niyad jabna ka qaada  in ubbadkoodka ay soo qari kari waayaan xarumahaasi waxbarasho ee sida gaarka ah u tilmaaman.

Maxaa dugsiyadda qaarkood wada Jecleysiiyey dadka,Maxaase sababey in maggacoodu ka weyn yahay kuwo kale,mase rumeysan tahay in xayeysiiska iyo buun-buunin badan oo hawada loo gashey ay sababto in ay ka hadal heyn bataan dugsiyo kale oo badan oo aaney dhanka waxbarashadda ku tayo dhaamin.waalidiinta dugsiyada dawladda iyo kuwa dabaqada dhexe amma hose ubbadkoodu dhigtaan waxa ay ku boogo dhayanayaan in waxbarashadda iyo duruusta meeshaasi taalla ay isku mid tahay isla markaasina ay iyagu ku hellayaan qiimo iyo lacag jaban,halka waalidiinta ubbadkooda  soo qorey dugsiyadda dabaqadaha nolosha leh kaalin sarre ayaan kaga jirnaa ay la halgamayaan kharash xadka bax ah iyo lacago badan oo si joogto ah ugu socda taasi oo marar badan ku qasba in ay xamili kari waayaan oo ay isku soo dhiibaan dugsiyada dawladda iyo kuwo dabaqada dhexe.wax badan oo culeys ah ayey qarsanayaan waalidiin badan oo carruurtooda qorey dugsiyada qaarkood.

Dhismaha ugu wanaagsan,macallimiinta ugu fiican,maggaca dugsiga,taariikhda ugu fiican ayaa mustaqbalka loo qaadanaya xasuus,hase ahaate dugsiyo badan oo kala maggac iyo hanti badan haddana manhajka lagu bixiyaa iyo casharada yaalla waa isku mid,inkasta oo aan loo buun buunin loona aqoon sidda qaar kale oo badan haddana waxa ay soo saaraan ardey badan oo taariikhda waxbarashadda dalka baal dahab ah ka gala,maaha ashyaada iyo faanka badan ee hawadda la isku mariyo waa ardeyga iyo qofku sidda uu waxbarashadda ugu diyaarka yahay.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com