Buurta Buuraha: Karamardha (WQ: Axmed Aadam Xasan)

Kasakow inay leedahay qiimo taariikheed (Historical Value) buurtani, waxay bulshada jig-jiga unoqonattay meel ay unaacowsi tagaan oo kusoo nafisaan dabeecadda iyo quruxda dabiiciga ah ee Alla sameega ahna soo daawadaan.Dadka booqda buurtan, waxaa ubadan da’yarta, waxeyna utagaan inay wakhti kusoo qaataan oo jewiga magaalada kayar indho-qarsadaan sawirana kusoo galaan.!

Waxaa loo baxaa dhalada buurta, waxaana lamaraa jid aan diyaarsaneyn oo gawaadhida dhagaxa kasoo guraa sameysteen. Markaad ubaxdo dhalada buurta, oo dabcan ah halka keliya ee aad kahelayso meel woxogaa la istaagi karo ee siman, waxaad arkeysaa oo hoostaada imanaysa magaalada jjga, waana muuqaal aad ubilan oo cajiiba.!. Buurtu,waa meel naacow fiican leh iyo jewi aad u haboon.

Kasakow iney tahay meel dadku kusoo naacow sadaan, goobtani maleh wax adeeg ah oo laga sameeyay mid Dawladeed iyo mid gaar ahaaneed toona, waa Dhagax iyo geed uun.!

Dadku intooda badan, iyaga ayaa sii qaata waxey cabayaan ama cunayaan.Carruur iyo cirroole toona maaha meel uhaysa wax adeeg ah oo aan ka ahayn kaas Rabbi kukhalqey ee dabiiciga ah-waa adiyo sahaydaa.

Marka aad jidka ku geynaya xagga buurta aad cagta saarto, haddii aad wadatto wax Gadiid ah, waxaa jooga qolyo kaa qaadaya 100 birr oo lacag ah- malaha, waa qolooyinka meesha dega oo qaada lacag layidhaa ‘Arliyo’ oo Baabuurta dhagaxa iyo carrada kasoo guri jirtay aan ogaa iyadoo ka qaada.

Gunaanadka: Maadaamoo ayna jirin goobo kale oo guud oo dadweynaha magaalada jig-jiga kunafisaan, waxaa fiicneyd talo ahaan, in Maamulka Magaaladu ay usameeyaan woxogaa aggab ah oo carruurtu ku ciyaaraan iyo meelo wax laga gad gatto ama laga cabbo, musqulo,goobo qashinka lagu rido iyo goob lagu tukado, woxogaa dad maareeyana loo sameeyo xagna Ilaalo ah oo wixii anshax xumo ah lasocda.!

Kadibna,dadka ay kaqadaan lacag ay kugalaan oo ‘Ticket’ loo jaro aan badneyn qiimo ahaan, arrintan waa mid lafullin karo, wallow dadka halkaas gaadhiba karaa noqonayaan uun inta tabar dhaqaale iyo gaadiid uhaysatta, oo dadka kale ay adagtahay inay nasiib uhelaan.

Waa tallo iyo hadal malagii galey marlay, ragga waddooyinka jjga qashinka kaguri la’, umaleyn maayo in ay buur dhaladeed ii hagaajine, lama odhanta uun aan lagudhiyo.!

Xigasho: Barta Facebook ee Axmed