Caano ninkii soo lisay la og yahay nin walba ha iska sheegto”!! (WQ: Abdirahman Sahal Caraale)

Maalgashigu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha saldhiga iyo aasaaska u ah horumarka dhaqaale ee waddamada, sidaas darteed marka bulsho horumarinayso dalkeeda waxa lagama maarmaan u ah inay helaan maalgashi shisheeye ( FDI) iyo mid sokeeye (DI) oo la isku dhafay ama mid ka mid ah. Hadaba, sida aynu la wada soconno, tan iyo markii somaliland madaxbanaanida la soo noqotay bishii May 1991, waxa jira shirkado shisheeyo oo maalgashanayey dalka, walow ay tiro ahaan iyo tayo ahaanba yaraayeen, hadana waxa xusid mudan in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayaan shirkadaha shisheeye ee dalka maalgelinta ku samaynaya.

Waxana aynu soo qaadanaynaa heshiiskii 2016 ay dawladdu la gashay shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo la yidhaahdo DP World. DP World waxa ay maal-gelin ku samaysay marsada caalamiga ah ee Berbera waxana ay weli waddaa mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay mashruuca waddada Berbera corridor.
Dekeda Caalamiga ah ee Berbera waxay ku taala marin Muhiim ah, waana bogcad istaraatijiya, oo halbowle u ah isu-socodka saxiimadaha u kala goosha dunida. Sidaas daraadeed waxay dhowrkii sanno ee u dambeeysay isu diyaarinaysaa, isla markaana noqotay mid u guurtay Deked caalamiya, kana baxday Local-nimadii, iyadoo hada si weyn usoo jiidatay indhaha Caalamka iyo Maraakiibta waaweyn ee isticmaasha marin biyood-ka muhiimka ah ee baabul-mandab.

Heshiiska DP World lala galay waxa uu soo biloowday sanadkii 2016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii. Heshiiskani waa heshiiskii ugu waynaa ee qaranka Somaliland galo, waa heshiis midhihiisa la arkay si dhakhso ah. Heshiiskanu wuxu noqonday mid dhamaan Somaliland oo dhami wada dareentay, doodo iyo dareenno kala duwanna ka bixiyey. Xildhibaanadii barlamaanka Somaliland labada golena la horkeenay oo ay u codeeyeen isla markaana ansixiyaan.

Heshiiska waxa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u hirgeli lahaa xukummadii Somaliland oo uu gadh-wadeen ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo golihiisa wasiirada uu ugu horeeyo wasiirkii madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo qaar kale oo badan.

Heshiiskan markii hore DP World waxay doonaysay inay la gasho waddanka Eriteria oo leh dekeda Massawa ee berigii hore ay Ethiopia isticmaali jirtay. Ethiopia waxay ka dagaalantay in DP World aanay heshiiskan la gelin Eriteria ee ay la gasho Somaliland. Taasaa qayb libaax ka qaadatay oo aad iyo aad u suurto gelisay inaynu heshiiskan la galo DP World, taasu waxay kale oo suurto gelisay inay DP World tix gelin dheeraad ah siiso Somaliland.Dhinaca DP World iyagu laftoodu aad iyo aad ayay u dadaaleen inay helaan ogolaanshaha Somaliland inay heshiiskan la gasho. Inaga haddaynu nahay Somaliland, inay Ethiopia heshiiskan rabtey wuxu inoo ahaa guul, waayo waddanka aynu ka filayno in alaabtooda laga soo dejiyo dekeda Berbera waa Ethiopia. Heshiiskanu wuxu suurto gal ka dhigayaa inay hawl yaraato in Somaliland shirkadaheeduna wax u dhoofinan Ethiopia oo halkaas uu inooga soo baxo suuq wayn oo shaqooyin fara badan inoo sameeya.

Dadkii kasoo horjeeday waxa ugu horeeyey xisbiyada mucaaradka gaar ahaan xisbiga Wadani iyo qaybo kamida bulshada reer somaliland, Waxaa labada dhinac la’is dhaafsanayaa hadalo kulul oo warbaahinta la isu marsiinayo iyo waliba qoraalo lagu faafinayo baraha bulshada.

Waxakale oo iyaguna dagaalka ka qayb ahaa masuuliyiin sarsare oo kamida xukumada maanta jirta ee Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan Xisbul xaakimka kulmiye oo waagaasi si cad oo aan ka gabasho lahayn uga soo horjeeday mashruuca marsada berbera waxayna gudis iyo guuro-bahallayn ugu jireen siday heshiiskaas u hor istaagi lahaayeen iminkana ah dadka ugu horeeya ee dheefteeda dhadhaminaya dhaqaalaha ugu badanna kasoo gelayaan deegaan ahaan.

Taas waxa sii dheer in madaxweynihii dalka Axmed siilanyo iyo wasiiradii gadhwadeenka ka haa heshiiska inay la kulmaan duulan iyo dagaal siyaasadeed iyado la beegsanayey shikhsiyaad gaar ah sida wasiirka madaxtooyada ee xiligaas Oo ahaa bud-dhigii iyo baalashii uu ka duulayeey heshiiskani ayeey la dhacayeen falaadh ay madaxa usoo mariyeen sunta borobagaadhada kuna eedaynayeen inu iibiyey dekedda berbera hasa yeeshee aynu maanta ujeedno midhiihii ay beereen maxsuulka ka soo baxay manafacaadkaay yeesheen.

Wadamada heshiiskan ka soo horjeedey waxa ugu horeeyey Somalia oo aan marnaba doonaynin in wadan caalamka ka mid ahi inuu heshiis la galo Somaliland, waanay ka dagaalameen. Kadib doca-docayn iyo dagaal siyaasadeed oo ay dowladda Soomaaliya u gashay sidii ay isu hortaagi lahayd heshiiska, kuwaas oo aanan mirodhalin, wasiiradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys waxa 2-dii bisha March, 2018-ka ay soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin. Waxan hadalkeedi ii xoojiyeey Raysal wasarihii Somalia ee xiligaas Xasan cali khayr oo sheegay in heshiiskaasi yahay mid sharcidaro ah.

Waxa kale oo ka soo horjeeda Eriteria oo iyadu doonaysa in iyada heshiiskan ay DP World la gasho oo dekedooda Massawa ay maal geliso oo loo casriyeeyo. Waxa kale oo heshiiskan ka soo horjeeda waddanka Djibouti oo aan jeclayn inay Ethiopia hoos u dhigto wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti oo ay kordhiso waxa ay kala soo degayso dekeda Berbera. Djibouti waxay samaysay maalgashi ka badan sagaal boqol oo milyan oo dollar oo lagu dhisay shan dekedood oo kale duwan, mid xoolaha oo keliya laga dhoofiyo, mid macdanta oo keliya laga dhoofiyo, mid kaluunka laga diro, Doraleh oo kontaynarada oo keliya laga soo rogo, waxaas oo maalgashi ah Djibouti waxa u sameeyay shirkado ajnabi ah oo DP World ka mid tahay. Djibouti ma rabto maanta oo ay maalgashiga intaa tiro le’eg ku sameeyeen dekedahoodii inay Ethiopia hoos u dhigto alaabtii iyo wixii ay kala soo degaysay dekeda Djibouti.

Nasiib wanaag maanta dawladeena iyo shicibkeenuba waxaynu isku raacsanahay sida heshiiskanu waxtar dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid qaranimo intaba inoo leeyahay, kuwa keliya ee sida dhabta uga soo horjeedaana ay yihiin cadawgeenii aan marnaba jeclayn inay Somaliland gaadho horumar iyo guulo la taaban karo oo taabba-gal ah.
Waxakale oo xusid mudan ragii aynu maalintaas u arkaynay waraabayal dalka iyo dekeda boobayeey inay maanta yihiin rag dalka iyo dadka u keenay maalagshigii abid ugu balaadhnaa ee la mahadiyo intii somaliland jirtay, ujeedadooda ugu waynaydan waxay ahayd in somaliland loo helo maalgashi calamiya si looga baxo fakhriga iyo saboolnimada iloona gaadhi laha horumar iyo isku filnaansho.

W/Q Abdirahman Sahal Caraale
+256797461994