Cabdilaahi Fadal: Diranihii Daacadda iyo Dadnimada (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Allaah raxmadiisaan u tuugaynaa, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman. Taliyihii Ciidanka booliska jamhuuriyada Somaliland oo sabtidii lagu aasay hargaysa. Noola kastaaba geeribaa huran iyo qof kasta marka haddiisu gaadho had ay noqotaba.

Aas kii shalay 2/10/2019 wuxuu ka mid ahaa aasaskii ugu qiirada iyo qamuumyada badnaa ee bulshada iyo qaranka soo mara guuda ahaan sida dareen isku mida looga wadda fal celiyay geeridaa naxdinta badnayd ee dalka haleeshay, waa xaq laga ma baxsadaane. Dareenkaa waxa abuuray kaalinta, kartida iyo halka uu qaranka kaga jiray oo ahayd laf dhabarta laga socdo. Dhamaan rafiiqiisii way xejin waayeen ilmada halka murugadu wajiyadooda dabooshay.

Ducadii shalay oo ahayd mid ka mida kuwii ugu ergada badnayd, taasi oo dhamaan aan loo kala hadhin guud ahaan qaybaha bulshada. Dareenkaa waxa abuuray afar hibo iyo tayo oo Allaah ugu deeqay Cabdilaahi fadal kuwaas oo kala ahaa kuwan iyo kuwa kale :

· Kal furnaantii iyo kalgacalkii uu u dhashay, bulshadana ku qaabili jiray

· Shaqadiisii, madaale, diran, oo daacada ayuu ahaa.

· Dad la dhaqankiisii kala soocu ka dheeraa.

· Ixtiraamkii madaxda ka saraysa iyo ciidankiisa.

Dhamaan dadka lasoo shaqeeyay waxay si isku mida uga wadda marag kaceen dirane madaale ah, oo marna talefan kiisu dambin daqiiqadna, iska daa in la waayo ama uu qaban waayee. Shaqo wanaaga iyo feejignaatu waxay ahayd wax ku abuuran oo hibo ah inta badana aad odhanayso waaba deeq rabaaniya oo ka baxsan ta dadka caadiga ah.

Dhinaca kale waxa uu ahaa geed hadhwayn oo wadda deeqa cid kasta, cid gaara aqoon balse dadnimada kaliya ixtiraama, wuxuu ahaa marti galiye, hawl fududeeye, odayeeye, iba saare ilbaxa oo xirfad sare leh. kuna margan samaha iyo suluxa ummada dhexdaada, yaqaan qaabka loo dhiraandhiriyo marka solada gasho gatu. Inta badana miiskiisa ayuu ku dhamayn jiray murana iyo khilaafyada si aanay gar cadaawe ugu gudbin, oo gobanimada iyo walaaltinimadu u waarto bulshada dhexdeeda.

Taa waxa u weheliyay wuxuu ahaa mudane madaxdiisa ka saraysaa ka xiiso dhicin daacadnimadiisa iyo ixtiraamka rabbaaniga ah kuwaas oo aad uga xishoon jiray, halka dhamaan ciidankiisu badi ixtiraam iyo karaamo kula dhaqmi jiray iyo dhawrsanaan siday ka marag kaceen kuwii ugu dhawaa ama ka fogaa.

2016/may/ yaan maalin xafiiskiia kula kulmay mar hawli noo gashay, wali ma Iloobo dareenkiisii furnaa ee is dhuldhiga iyo siduu ii soo dhaweeyay ismanaanu aqoon haddana marna maan dareemin in maanta iigu horayso. Sheekadii maalintaana wali ma ilaabin, taasi oo u badanaynd caqli celin iyo hoga tusaalayn talooyin iyo khibradi ka buuxdo runtiina xaaldii wuxuu ka dhigan mid dagan oo milgo iyo maamuus gaara noo lahayd.

Halka inta aanaan xafiiska soo galin sidii jawigu ahaa iyo siduu u badalay waxay hayd kaaf iyo  kala dheeri sida uu jawiga u badalay wali waa cashar aanan ilaabi doonin ilaahay haka abaal mariyo masuulka milgaha iyo xushamda badanaa ee Rabigii(swt) la kulmay waxaan u rajaynaynaa wanaag badan iyo naxariista balaadhan.

In badan baan ka sheekeeyay  waligay masuul xafiis fadhiya oo ka mudnaa lama kulmin hore iyo dambaysa, waayo cidi namay wadin, wakhti nagumay qaadan markiiba waanu helnay hawshiina way noo dhamaatay.

Cabdilaahi Fadal Iimaan, Rabow Naxariis taadaan u tuugaynaa. Dhamaanteen ehel iyo qarankaba Samir iyo iimaan. Waxaan Sigaara u tacsiyadaynayaa xaasaskii iyo Habrawadaagtay oo Xaaskiisa yar ahayd. Samir iyo iimaan dhamaanteen. Gafkana bashar buu u haa inaguna u’nahay, saamaxaada aan ugu deeqno isaga iyo intii hoyatay in la ina saamaxo waynu jecelnahaye.

Madaale Daacada oo dirnaan  ayuu Noloshiisa ku qaatay dhamaanteed u adeegid bulsho, oo bilaa nasasho ahayd. Taasi oo daacad iyo darbanan astaan u ahayd.lana ilaabi doonin marna. Iilka naacow iyo naxariis, dambi dhaaf.

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.   ahmedckahin@gmail.com