Cabdiraxmaan Cirro iyo Adeegsiga Maansada! (WQ: Axmed Iid Aadan)

Waxan goor dhoweyd dhegeystay hadal uu maanta guddoomiyaha xisbiga Waddani, mudane Cabdiraxmaan Cirro u jeediyey taageerayaashiisa qaar ka mid ah oo soo dhoweeyey. Isaga oo hadalkiisii wata guddoomiyuhu ayuu isku dayey in uu suugaan adeegsado, dabadeed wuxuu dooddiisii ku daray labadan beyd ee gabayga ah:

— Nin anbaday halkuu aaday way ula ekooneyde

— Anigoo arkaayaan waddada Eerigoo xulay!

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegey in uu gabaygaa tiriyey abwaan Aadan-Carab, taas oo ah arrin khalad ah! Gabaygaasi waa gabay caan ah oo ay silsilad dhan oo gabayo ahi ka dhalatay. Waxa curiyey oo lahaa abwaan la odhan jiray Axmed Nuur Aadan Qoolaab (Axmed-Dirir).

Ma aha markii u horreeyey ee uu Cabdiraxmaan Cirro khalad suugaaneed oo weyn galo. Sannadkii hore bilowgiisii mar uu jeediyey hadal qalabka warfaafinta lagu faafiyey waxa uu soo qaatay gabay 1969kii la tiriyey, waxanu sheegey in uu gabaygaana Aadan-Carab lahaa. Laakiin gabay uu Aadan-Carab lahaa muu ahayn, ee waxa uu ahaa gabay uu mariyey abwaan weyn oo reer Buuhoodle ahaa, lana odhan jiray Cumar Cigaal Cabdi.

Way caddahay in aanu guddoomiye Cirro maansada aqoon fiican u lahayn, sidaa darteed, haddii aanu hal’abuurka sida madaxweyne Muuse oo kale u adeegsan karayn, waxa fiican culays aan saarnayn in aanu isa saarin oo aanu naftiisa kelifin!

Axmed Iid Aadan