Cadaalad iyo horumar ayaanu keenaynaa waxa inagu abaabulay oo heegan inagu geliyay, kadibna aynu ka siisanay Madaxwayne Siilaanyo; todabada sano kadib waxaynu is aragnay inagoo halkii taagan. Madaxwayne Muuse ayaa isna Kaambayn culus oo isku duba ridan kusoo galay inuu Cadaaladii iyo Horumarkii sii dhamaystirayo. Halka Somaliland maanta joogto waynu aragnaa? haba lagu kala duwanaado sababta halkaa ina soo gaadhsiisaye. Wadani iyo tobanka urur ee cadaalada humaaga ah raadinayaa, iyana waa hubaal in aanay xaqiijin doonin.
Waxa iyana maan gaabnimo ah in Cadaalad iyo Horumar laga filo dhalin yaro qoryo sidata oo laga horgeeyo dhalinyaro hubaysan.
𝘞𝘢𝘢 𝘮𝘢𝘹𝘢𝘺 𝘮𝘶𝘴𝘩𝘬𝘪𝘭𝘢𝘥𝘢 𝘚𝘰𝘮𝘢𝘭𝘪𝘭𝘢𝘯𝘥 𝘩𝘢𝘺𝘴𝘢𝘵𝘢 𝘦𝘦 𝘪𝘴 𝘮𝘢𝘳𝘪 𝘸𝘢𝘢𝘨𝘶 𝘬𝘢 𝘵𝘢𝘢𝘨𝘢𝘯 𝘺𝘢𝘩𝘢𝘺? 𝘔𝘢𝘹𝘢𝘢𝘴𝘦 𝘢𝘥𝘬𝘦𝘦𝘺𝘢𝘺 𝘪𝘴𝘧𝘢𝘩𝘢𝘯𝘬𝘪𝘪? – dhinac kasta jawaab aragtidooda ku dhisan ayaa u diyaar ah. Waa jawaab ugu yaraan, badh-xaqiiq ah oo Cadaalada la raadinayo, ka fog- balse way yartay cid eelka taabanaysaa!!
Dagaalka siyaasadeed ee Somaliland waa mid ku kooban danta dabaqada sare (political conflict among the elites), bulshadu waa halgoolka marka cidi dan leedahay la tebo ee lagu guuro. Waxa la isku haystaa waa manfaca dowladnimo aan dhismin. Cadaalada, horumarka iyo daryeelka bulshada liidataa waa arimo dulsaar ah (𝘴𝘦𝘤𝘰𝘯𝘥𝘢𝘳𝘺 𝘪𝘴𝘴𝘶𝘦𝘴) oo inta kooban ee is haysaa ku arw kacsato marka ay qolalka madow ay waxa ku qaybsan kari waayaan. Sidaa darteed, muwaadinka ka rajo qaba in kooxo dhalin yaro ah oo hub loo dhiibaa ay dhibaatooyinkiisa furdaamin doonaan, ama ay laaxinka dawladnimada galay toosin doonaan, wuu riyooday ee ha tooso. Taariikhda ayaa taas inoogu macalin ah.
Waa dhab Somaliland waxay maraysaa marxalad adag, nasiib daro ma muuqato hogaamintii marxaladan adag maarayn lahayd- ma jirto hogaamin koobsatay kartidii, aqoontii, kalsoonidii, dhexdhexaadnimadii iyo aaminaadii ay duruufaha adag ku maarayn lahayd. Xaaluf hogaamineed ayaa dhinac kasta saameeyay; inta talada haysa iyo inta usoo haliilaysaa, midna kama muuqato cid keli ahaanteed furdaamin karta sursuurta lagu jiro. Si xal loo helo waa in xaqiiqadaas la fahmo, lana garowsado. Kadib dhinac kastaa kasoo dego figta buurta uu saaran yahay, hoos u dhigo qabka, isla markaana yareeyo quusta.
Wada tashi wadareed oo dib loogu qiimeeyo dhismaha dowladnimada oo dib loogu cusboonaysiiyo heshiiskii bulsho ee seeskeeda dib loogu dhisay. Waa in la isla garto in mushkilada la saxo iyadoo la ilaalinayo sharciyada dhisan, iyadoo laga fogaanayo cunfiga, iyo iyadoo la wada xoojinayo dowladnimada.
Qore: Dr Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com