Cagaarshow (Hepatitis B): Waxyeellada fog ee xannuunka iyo war la’aanta bulshada (WQ: Dr Cabdikariim D. Xassan)

Hepatitis (Hibataaytis) waa erey asalkiisu yahay laba erey oo laysku siddkay. Ereyga (hepat=liver), waxa laga keenay giriig macnihiisuna waa Beer, ereyga(-itis=Inflammation) waxa laga keenay Ingiriis wuxu la macno yahay Xannuun. Labadaa erey isku darkoodu wuxuu la macne yahay “Xannuunada Beerka”.

Xannuunada beerka si gaar ah u liishaama ama meelo kale oo jidhka ah ku dhaca, laakin saameeya Beerku way badan yihiin. Waxaase guud ahaan  loo kala saaraa qayb ka dhasha  Xannuun-faafiye (Infectious agent) sida Fayrasyada, Bakteeriyada, Fangaska, iyo dulinnada kale ee Unug keliyaalaha ah. Iyo qayb kale oo ka dhasha xannuun dhaliye aan faafin; sida Isbiirtada, dawooyinka qaarkood, difaaca jidhka oo isdhaawaca iyo xannuunada lakala dhaxlo.

Maqaalkani wuxuu si gaar ah uga hadli doonaa xannuunada beerka ee uu fayrasku keeno. Waxaa si gaar ah uu u faaqidi doonaa koox fayrasyo ah oo laysku yidhaa (Hepatitis viruses).

Inta aynaan dhex gelin ka waramida xannuunkan waxaynu si kooban u tilmaami doonaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee beerku inoo qabto. Sababtu oo ah mar hadii aynu ka hadlayno xannuun beerka ku dhaca waa in aynu fahano muhimada beerku leeyahay iyo shaqadiisa.

  1. Beerku isagoo kaashanaya faytamiin-K wuxuu sameeyaa barootiinada jidhka u qaabilsan dhiig joojinta; taa macnaheedu waxa weeye hadii beerku khalkhalo oo shaqadiisa wadi kari waayo in aanu jirayn xinjirowga dhiigu.
  1. Beerku waxa uu ka sifeeyaa cuntada aynu cunno, ka dib marka la dheef-shiido. isagoo sunta dawooyinka iyo dhamaan maaddadaha kemikada ah ee cuntada raaci karta jidhka ka ilaaliya.
  1. Beerku wuxuu jidhka ka saaraa maaddada Bilirubin oo ah qashinka kasoo baxa marka Unugyada dhiiga cas (red blood cells) ay dhintaan.
  1. Beerku wuxuu qayb-ta ugu wayn ka qaataa dheef-shiidka dufanka, sonkorta iyo kaydinta macdanaha iyo faytamiinada jidhku u baahan yahay. Sidoo kale wuxuu sameeyaa dheecaanka xamaytida (Bile) oo lagu kaydiyo xamaytida.

Liiska shaqooyinka uu beerku inoo qabto aad ayuu u dheeraanayaa hadii la is yidhaa wada taxa, intaas aynu sheegnay inoogu filan in aynu fahamo muhimada beer caafimaad qabaa u leeyahay caafimaadka qofka.

Hepatitis B waa xannuun uu keeno fayraska la yidhaahdo (hepatitis B virus) oo ah fayras hidde sidihiisu yahay DNA. Xannuunkani waa midd ka mid ah xannuunada ugu faafidda badan aduunka. Waxa lagu qiyaasaa dadka uu hayo ilaa 350 milyan. Waana nooca ugu caansan dhowrka nooc ee uu fayraska Hepatitis u qaybsamo. Xannuunkani wuxuu aad ugu badan yahay wadamada saxaraha africa ka hooseeya iyo koonfurta aasiya.

Fayras ka Hepatitis B wuxuu ka samaysan yahay ugu yaraan saddex barootiin oo u habaysan sida lakabyo is-dul saaran iyo hidde-side noociisu yahay DNA iyo dhowr insaym (enzymes) oo fududeeya shaqadiisa. Marka fayraskani jidhka qofka soo galo, difaaca jidhku wuxuu gartaa inuu yaha shay qalaad.

Waxa is waydiin leh sidee jidhku fayras-ka ku gartaa?.  Si aynu su’aasha uga jawaabno, aynu yara fahano shaqada ay qabtaan barootiinnada uu ka samaysan yahay Fayrasku.

Fayraskan wuxuu ka samaysan yahay ugu yaraan saddex barootiin oo kala matala saddex lakab oo is dulsaaran. Saddexdan barootiin waa xannuun dhaliyayaasha Fayraskani adeegsado waxaana cilmiga caafimaadku u yaqaan (Antigens) antijiin, waxa loo soo gaabiyaa (Ag).

Anti-jiinnada fayraskani sameeyaa waa saddex; waxay kala yihiin Hepatitis B surface antigen (HBsAg), Hepatitis B core Antigen (HBcAg) iyo Hepatitis B envelope Antigen (HBcAg) 

“Antigen (antijiin) maaaha kelmad ku kooban fayras-kan oo keli ah, waa erey bixin caafimaad oo tilmaamaysa shay kasta oo qalaad oo jidhka soo gala, difaaciisana cariya, kuna kelifa inuu weerar celin sameeyo”.

Sidaa darteed saddexdaa barootiin waa antijiino, uu jidhku u aqoonsado qaloodinimada fayraskan. Kadibna wuxuu howl geliyaa difaaciisa, si uu isaga caabiyo waxyeelada fayraskan. Marka difaacii qofku howl galo, wuxuu sameeyaa Barootiin u gaar ah la dagaalanka fayraskan oo isaga si fiican loogu diyaariyay. Barootiinkan waxa la yidhaa (antibodies) antibodhi, waxana loo soo gaabiyaa (Ab). Barootiinka Antibody oo ay sameeyaan Unugyo u gaar ah difaac samaynta jidhka (B-cells) waxa kale oo loo yaqaan ( Immunoglobulin)

Difaaca jidhku saddexdaa antijiin midd kasta wuxuu u sameeyaa antibody ka hortaga oo u gaar ah waxaanay kala yihiin, Anti-HBs, Anti-Hbe, Anti-HBcore

“Antibody ama Immuniglobulin waa Barootiin si gaar ah jidhku u sameeyo si uu  uga hortago ama  isaga difaaco xannuunada ay keenaan xannuun faafiyayaasha fayraska ama bakteeriyada. waa qayb muhiim ah oo ka midd ah difaaca jidhka”

Halkaa waxaa ka bilaabmaya isbarashada difaaca jidhka iyo fayraska, waxyeelada fayrasku gaystaana waxay ku xidhan tahay hadba labadooda kii gacan roonaada.

Sidee lagu qaadaa Xannuunkan?

Fayras-kan waxaa laga helaa dhiiga iyo dhamaan dheecaanada jidhka qofka qaba, sida biyaha shahwada raga iyo dumarka, biyaha ilmaha uurka kujira ku gadaaman, biyaha maskaxda iyo xangulaha ku gadaaman, dhareerka, iyo wixii la midd ah.

Siyaalaha lagu kala qaadi karo waxaa ka midd ah:

  • Dhamaan noocyada galmada iyo sidoo kale wadaagida irbadaha dawooyinka.
  • Dadka daroogooyinka xididdada ka qaata ee wadaaga isticmaalka irbadaha.
  • Hooyada uurka leh waxay u gudbin kartaa xannuunka ilmaha uurkeeda ku jira.
  • Dhiiga dadka lagu shubo iyo dareerayaasha laga miiray hadii ay fayraska sidaan.
  • Qalabka lagu fuliyo qaliinada caafimaadka iyo ka umulinta dumar.
  • Qalabka lagu dalooliyo jidhka, sida dhegaha iyo sanka iyo qalabka lagu xardho taatuu-ga.
  • Qalabka lagu fuliyo farsamaynta ilkaha iyo biraha loo adeegsado kabiga lafaha.

Xannuunkan waxaa lagu kala qaadi karaa hab-kasta oo dhiig ama dheecaan qof u gudbin kara qofkale. Waxa jira kooxo iyagu si gaar ah halis ugu jira inuu xannuunkani soo gaadho. Kooxahaa waxa ka midd ah dhamaan Xirfad la’yaasha caafimadka oo ay suuro gal tahay in ay si hubsiimo la’aan ah xannuunka uga qaadaan dadka ay daryeelayaan.

Dadka daroogada qabatimay, dumarka jidhkooda ka ganacsada, maxaabiista jeelasha, xeryaha ciidama iyo darawalada baabuurta xamuulka ee masaafooyinka dheer isaga goosha ayaa iyaguna halis wayn ugu jira inay xannuunkan qaadaan.

Wadamada horu maray sida ugu badan ee lagu kala qaadaa waa noocyada galmada, wadaaga irbadaha daroogada iyo qalabka lagu fuliyo qaliinada caafimaadka.

Wadamada soo koraaya dariiqada ugu badan ee lagu kala qaado xannuunkan waxa weeye;hooyada uurka leh oo u gudbisa ilma uurka kujira, iyo inta badan sanadaha caruurnimada.

In uu qofku noqdo fayras side, muddo dheer fayraskani jidhkiisa ku jiro waxay ku xidhan tahay awooda difaaca jidhkiisa, da’diisa markuu fayras-kan qaaday iyo inuu fayrasyo kale sido iyo inkale. Waxa kale oo fursadan sii kordhiya in qofku uu khamriga cabo iyo in kale. In ku dhow 25% dadka Fayras sidaha noqdaa waxay ku danbeeyaan kansarka beerka ee loo yaqaan  (Hepatocellular carcinoma).

Astaamaha xannuunka Hepatitis B.

Inta badan dadka xannuunku ku dhacaa wax isbedel ama astaan xannuun ah ma dareemaan marka fayras kani jidhkooda soo galo. Waxa laga yaabaa in jidhkoodu xannuunka iska caabiyo iyagoo aan dareemin oo caafimaad qab isu malaynaya (subclinical Infection). Dadka noocan ah ee aan wax astaan xannuun ah dareemin muddada jidhku fayraska iska sifaynayo, way yartahay in ay fayras-side noqdaan.

Dadka  xannuunku kasoo ifbaxo waxay dareemaan astaamo u eg kuwa durayga sida; daal iyo tacbaanimo badan, xummad,  shuban, matag, kaar aad looga dareemo dhinaca middigta ee uur ku jirta, inta ka hoosaysa feedhaha; bartaasi waa halka uu ku beegan yahay beerku.

Waxaa xusid muddan in ay mudo door ahi u dhaxayso marka fayrasku jidhka soo galo iyo xiliga astaamahani qofka kusoo baxaan. Mudadaasi waa xiliga fayrasku ku tarmaayo, kuna faafayo jidhka qofka, isla markaana uu laciifinayo difaaca jidhka. Mudadan oo u dhaxayn kartaa 60-90 maalmood. Hasayeeshee dadka qaar way ka yaraan kartaa 40 cisho,waxayna gaadhi kartaa ilaa 160 maalmood. Mudadaa waxa looyaqaan “muddo is-xannaanaynta fayraska” ama (Incubation period).

In ku dhow 12% da’yarta iyo 30-40%  dadka waawayn ee  xannuunku ku dhaco ayay xuubabka jidhku huruud noqdaan (Jaundice). Sida indhaha, baabacooyinka, cidiyaha, ciridka iyo dibnaha ama mararka qaarkood jidhkoo dhan. Inta badan huruudowgu la la arkaa todobaad ka dib marka astaamahaa kale qofku isku arko.

Marka huruudowgu (Jaundice) sii bato ee rasiimo, waxa iyana sii madoobaata kaadida (dark urine), saxaraduna way sii cadaataa( pale stools).

Waxa dhacda dadka qaar in fayraskan Hepatitis B si xoog ah u abbaaro beerka, taasi oo keenta xaalad nolosha qofka khatar dhimasho degdeg ah gelisa. Xaalada oo loo yaqaan (fulminant hepatitic necrosis), waa xaalad  beerka intiisa badani dhimato oo uu gebi-ahaanba joojiyo shaqada.

Sidee loo baadhaa xannuunka Hepatitis B.

Marka la doonayo in Shaybaadh lagu sameeyo xannuunka Hepatitis B waa in dhiiga qofka laga baadho Antijiin-nadii fayraska ee aynu kasoo sheekaynay, iyo antibodhi-gii jidhku isku difaacayay.

Labadaa nooc ee barootiinada ah ee iska soo horjeeda ayaa asal u ah shaybaadhka xannuunkan. Hasayeeshee fasiraadoodu waxay u baahan tahay dhakhtar takhasusu u leh si loo ogaado marxalada qofku kujiraa midda ay tahay; midd  fayras-sidenimo ama fayras-faafineed.

Shaybaadhada kale ee loo baahan yahay waxaa ka midd ah,

  1. Shaybaadhka lagu qiimeeyo shaqada beerka (AST,ALT, Bilirubin).
  2. Barootiinada caawiya dhiig joojinta (Blood clotting profile)
  3. Dufanada kala duwan ee beerku warshadeeyo ( Lipid profile)
  4. Xadiidka iyo sawir guud oo ku saabsan dhamaan unugyada dhiiga ( Iron, CBC)

Waxaa intaa dheer oo aad u muhiim ah in Beerka iyo guud ahaan uurku-jirta la saaro altarasoon (Ultrasound scan)  muuqaal fiican ka bixiya beerka.

Sida aynu soo sheegnay aqlabiyada dadka fayras kani ku dhaco ee u gudba marxalada fayras-sidenimada waxay ku danbeeyaan sannado badan ka dib  in beerku fadhiisto oo howl gabo; marxalad loo yaqaan (Liver Cirrhosis).  Marxaladaasi waxay iyana usii gudubtaa kasnar (Hepatocellular carcinoma).

Sidaa darteed waxaa daruuri ah in si joogto ah loola socdo hadba halka uu marayo xannuunku oo la ogaado marxaladihiisa kala duwan.

Maaraynta xannuunka Hepatitis B

Maaraynta xannuunkani waxay u baahan tahay siyaasad balaadhan oo si xeel dheer loo dersay oo dhinacyo kala duwan taabanaysa. Waxaa ugu muhiimsan maaraynta xannuunkan Hepatitis B ama Cagaarshowga wacyi gelinta bulshada.

Waa in dadka la baro waxa xannuunkani yahay, halkuu ka yimaado, sida lagu kala qaado iyo halista caafimaad darro ee uu keeni karo iyo sida la isaga ilaaliyo. Waa in la dejiyo qorshe cad lagu bartilmaameed sannaayo dhamaan kooxa halista ugu jira in ay xannuunkan qaadaan.

Xannuunkani wuxuu leeyahay tallaal aad iyo aad u awood badan oo lagaga hortagi karo, sidaa darteed waa in dhamaan dadka u nugul xannuunka la siiyaa, gaar ahaan xirfad layaasha caafimadka.

Hadii qofku xannuunkan qaado, waa in si gaar ah loo fahamsiiyo daruufaha xannuunka, astaamihiisa, sida uu qofku u ilaalin karo guud ahaan xaaladiisa caafimaad. Maadaamo xannuunkani yahay midd mudo dheer qofka hayn kara waxa loo baahan yahay in bukaanku fahmo siyaalaha uu u yarayn karo riiqda xannuunka. Waa in la fahamsiiyo sida uu u sii dhaqi karo qoyskiisa, sida uu u shaqaysan karo iyo in uu fahmo mas’uuliyada ka saaran in aanu xannuunka u gudbinin bulshada inteeda kale.

Dawaynta Xannuunta xannuunka waxa loo qaybiyaa la marxaladood.

  1. Marxalada uu xannuunku cusub yahay ( acute infection) ee uu qofka marka ugu horaysa soo rido: waxa haboon in cusbital leh qaybta karantiimada lagu daweeyo. Lana hubsado xannuunka iyadoo la adeegsanayo baadhitaanada aynu soo sheegnay
  2. Marxalada fayras-sidenimada hadii uu gaadho, qofku wuxuu u baahan yahay dhakhtar aqoon takhasus u leh cudurada beerka ku dhaca (Hepatologist) ama cudurada dheef-shiidka (Gastroenterologist).

Waxa jira dawooyin tiro badan oo lagu yareeyo tirada fayraska ee jidhka qofka kujirta, ama lagu xanibo taranka fayraska, hasayeeshee dawooyinkasi waxa kale oo badan khatarahooda waxaana loo baahan yahay dhakhtar si gaar ah u dersay.

Ugu danbayn, xannuunkani waa midd si aan horjoogsi lahayn ugu faafaya dalkeena, Somaliland iyo Somalia waxay ku jiraan wadamada uu xannuunkan Hepatitis B uu si baraad la’aan ah ugu fidayay tobban kii sano ee ugu danbeeyay.

Taasi oo ay keentay maqnaanshaha siyaasad caafimaad oo wax ku oo ah. Xudduudaha wadanka oo furan oo haba yaraatee aanay jirin wax xakamayn ah oo lagu sameeyo ajnabiga  xad-dhaafka ah ee waddanka soo gelaya, iyo wacyiga bulshada oo aad u hooseeya marka xannuunkan la eego.

Allaah mahad leh

Qurbe206@hotmail.com