Waa tii uu Warfaa uu jiho iyo wadiiqo cusub oo aannu qardoofnaanteedda malaysan go’aansadday in uu ku lugeeyo. Waa tii uu suuraystay oo ku hamiyey in uu ku noolaaddo nolol ka saraysa oo ka raaxo badan tan uu maanta ku nool yahay. Waa tii uu raacdeeyey qaabkii iyo sifihii ay u noolaayeen saaxiibaddii. Waa tii uu kama danbaystii ogaadday sida xaal yahay iyo xaqiiqadda gunteeddii. Waa tii uu go’aan ku gaadhay in uu naqshadda ka xado. Wa ka’ gebagebadda go’aansan doonna oo ku laafyoon doonna dhabbo jirjiirsan oo ku aroorrin meel aanu mahaddin doonnin. Doonistaa iyo hirkaa shaydaan ee warfaa u milillicay waxay ka il-duufin doonnaan dhamaan mas’uulliyaddiisii qofeed, qoyseed iyo qarameed-ba. Wuxuu ka le oo Warfaa go’aansadday in uu degmaddan ka wareego oo u qudhaabsi tago gobolladda iyo magaallooyin ka le oo ka firoon tan abaadday ee abaaraysatay ee ay ku nool yihiin qofafka is wada hayb, magac iyo wada muuq yaqaan.
Dabcan, taladdaasi waxay ka dhalatay saaxiibaddiisii cusubaaa oo ay tolna ahaayeen- sabab qalqaalo oo ay lahaayeen iyo hiyi-kicin ay qudhooddu abuureen. Ku dayashashadiisa dameeri dhaan raacdayda ahi’ waa lahasho qofeed oo dabiiciya oo u dookhday, humaagga qaab nololleedkoodda. Kohasho qalbigiisa ku suganayd ayuu niyadiisa ku ururriyey oo laabtiisa ka tuujiyay ladh iyo lur adduunyo; wuxuunna is ku la sheekaystay sidatan:-
{ “Meeshan indhaha iyo maskaxduba ku gu daboolmeen maaha– meel wax horru-mar ah’ iyo wax xarakaad toonna ahi ka ma soo naasa cadda! weligeed intaa ma dhaafto! Inta qof ee aad maanta taqaanna tan iyo maallintaad garaadsatay waa kuwii aad taqaannay! Dukaannadda ka furan weligood intaasay ahaayeen! Weligaa indhahaagu waxay arkayeen gaadhi habaas weyn oo gobolladda ka soo galay oo halkan u raran; Weligaa maad arag kuwo ka baxaya oo alaab meel ka le u dhoofinnaya! Xoolaha cisha wal-ba ceelkan ka cabbaa– toban wan oo aalo ah’ oo la iib geeyaa kama soo ururaan, reer miyigunna afow-gacan waxaan ahayn kuma falaan.”…….”Hadaladdaa iyo kuwo kaleba waxay ahaaayeen gocoshooyin maan-hadal oo hal mar maskaxda Warfaa sida hogol-culus oo itaalkeed darroortay u gu curtay. Hami dheer oo uu warfaa si’ ba’an u dhex muquurray ayuu hal mar maankiisa ka wada godliyey cabashooyin iyo tabashooyin gaamuray oo wada hiif, dhalliil iyo turxaan ah’ dareemaddiisa toos u ga lisay. Go’aankaa qadhaadh kama lalabayn uu e’ toos buu u gu dhiiradday oo fiyoobaan u gu dhaqaaqay warfaa- cidhib baraka leh.” }
Arooryo horre ayuu warfaa ka toosay qol uu la seexday inaadeerkii oo uu ku soo degay, oo uu ku yaal magaalladdii uu — u soo kudaallay bishii horre, oo ah’ magaalo maddaxda gobolkiisa- oo guud ahaan xukunta degmadiisa iyo qaar kaloo aynigeedda ahaaba’. Dabcan, magaalladdanni Warfaa waxay ku leedahay saamayn ka duwan degmooyinkii horruu yaqaannay iyo kuwii uu humaagiisa maskaxeed ka cabiran jiray. Waxyaabo ku cusub iyo waxyaabo uu yaqaannay-ba meeshan waa uu ku arkay runtii, laakiin waxaa badan waxyaabaha ku cusub ee aannu horre u arki jirin. Guryuhu intii horre waa ka waaweyn yihiin oo badhkood baa dabaqyo ah’; dadku intii horre waa ka badan yahay oo ciidaa iyo camaarkaas ayay ka badan yihiin; dabcan xarakaadka iyo baayac-mushtarkunna way ka tiro, tayo, tamar iyo turuq ba badan yihiin. Waa magaallo waayaheedda joogta oo ay ku nool yihiin dad dabaysheedda xiliga la haysta– isla markaanna waa magaalo kullansatay il-baxnnimooyin, kartiyo bulsheed, aragtiyo cuddoon iyo aqoon shilis oo u gu dhitaysan diiwaanka tarkeed dhiganne, jiritaan iyo taariikheed.
Waa tan magaalladda uu warfa martidda u yahay. La arkee in uu sida dabaysa u dhex mushaaxo oo jiiro kasta iyo surin kasta afuufo!. La arkee in uu dhoohanne dhega xidhan noqdo oo ay herdi iyo harraati kankoosan ka hor keento oo u jixinjixi waydo oo qataar isku gudba & liqdaar hirriga ku noqota!! La arkee!! La arkee!. Warfaa magaalladdii eeyar eeyar ayuu u la sii qabsannaa. Durba, dad badan ayuu bartay. Durba naqshaddo iyo tabo cusub ayuu xaday oo faraqa ku xidhay. Mararka qaar hadduu ku limmaddo dhiidhiga badownnimaddaa si yar yar ayuu isaga banbaanniyaa oo u ga fara mudhuxsaddaa.
Dharraarahan warfaa wuxuu laasimay oo ku qaxweeyaa maqaaxiyaha bunka la gu fiiqsaddo iyo kuwa sharaabka la gu fuudo. Halkaas oo ah inta badan darka la ga helo qurba-joogta iyo qaran joogta ladan. Dad ladnaad fara badan la ga dheehan karo ayay madashanni kulmisa runtii rag iyo dumar ba. Maalmihii wuu la yaabi jirey dabciga dadka iyo siday u sheekaystaan. Waxyaabaha uu aad u la sii yaabay waxaa ka mid ahaa ragga iyo dumarka raxan raxanta u wada socda iyo kuwa is dhex fadhiya ee is bulaammaya oo aan ka la qaloollayn, waxayse u gu sii darrayd maalintuu arkay gabadh sigaar cabbaysa; markii uu dhaqankaa arkay runtii wuu anfarriiray oo aad u la yaabay!!!! Yeelkeedde markii danbe wuu la qabsadday oo danta ayaa tiri dadkaaga dhinaca ka raac.
Warfaa galab roob yari dayey wuxuu ku dhacadiidsanaa meelahaas meel ka mida. Kursi caddiir ka samaysan ayuu dhabar dhabar u gu fadhiyaa; miis dusha sare sugaag ka ah oo hor qotoma waxaa u saaran fujaan shaaha. Haweennay miiska ku xiga fadhidda ayaa si lama filaanna warfaa ku warsatay:
“Aboowe saacaddu meeqa waaye?”
warfaa ayaa u gu war celiyey intuu salaaxay oo fiirsahay moobil balaadhan oo uu gacanta midig u gu jirey
” abaayo waa afar tii rubi’i”
“haye mahadsannid aboowe” “mudnid abaayo”
Dhowr kelmadood oo kaftan iyo af- gaboodsi u badan ayay is wayarsaddeen warfaa iyo siraad oo halkii is ku sii barteen. Warfaa dhugmadiisu siishku waxay ahayd in uu helo oo barto garoob qurba-jooga oo runtii uu ka raysto rafaadka nololeed ee uu u arkayey in haysato isaga.
Siraad waa qurba-joog horre oo mudduba halkan joogtay laakiin galabta halka u timi in ay sii sagootiddo saaxibadeed oo fasax dhowr biloodda dalka ku timi, dhawaanna halkan la gu guursadday. Warfaa dabcan, siraad waa waafaqaysa sawirkii uu qurba joogta ka haystay iyo dookhisii rabitaanneed ee maankiisa dhex miranayey. Siraad waa 43 jir sida dhalinyaradda u lebisata.
Maryo gaagaabban ayay xidhtaa intaa badan, ka bilow masarka yar ee maddax u gu duuban iyo dirica faydan e kubabkeedda la ga halacsan karo, kabha dhaadheer oo markay dhaqaaqdabo-ba dhulka ka ga sanqadhinnaya, koodh aaannay dhaxanta u sidan ee xaragaddu la gashay, sanka daloola ee ay birta ka lushay, dibnaha ay xamuuradda ku dhabooqday sidii huryo geel ka dherregtay, xirribaha indhaha iyo suuniyahanna kuullan, timaha soo yara feydan ee rucub ka midi foodda ka soo taagan yihiin. Midabkeeddu waa maariin dhalaal xiga (midabka akhtar jebiska) laakiin โmake up” la gu naashnaashay oo la gu sii dhalaalliyey.
Siraad iyo warfaa galabta waa is barteen, waxaanna balameen laba casho ka bacdi. Sidee kale waxay ka la qorteen lanbarradda. Siraadna dedeg ayay howlaheeddii u sii wadatay; dhanka kalenna warfaa habeenkaa wuxuu caraabbay isagoo maqsuud iyo mustareex ah’.
Halkan hoose ka akhriso qormooyinkii hore:ย
La soco:5aad.
WQ: Xasan Cabdi Shireย