Calaf-seeg Q: 5aad (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Cashaddii uu warfaa Xikma dumaallay waxa ka soo wareegtay hadda lix sanno oo juusta ah.

Dharraartii uu dhoofayey waxay isku ogaayeen mudo laba asbuuc ka badan in aannu maqnaannay. Laakiin warfaa arrinta sidii balkanku ahaa kamuu sheegin uguma na falcelin, iminka bishii afraad ayuu sii maqan yahay. Nolol oo dhan iyo nafaqo caruur bishii u horraysay ayuu soo diray caannihii carruurta iyo biilkii oo isaga la gu soo hagaajin jirey uga na imanjirtay dhankaas iyo eedo Khadiijo.

Arrinkaasi ayaantan waswaas iyo wahan hor le ayuu ku beeray Xikma. Intaa uu maqnaa wax war iyo wacaal toonna ah kamay helin warfaa.

Xikma gaadhigii soo siigeeya-ba waxay filataa in uu la socdo, dareen hubaal la’aan ah iyo hii’ kac gacaltooyo ayaa qalbigeeda ludhay oo miiray. Kii kale ee gariiranna albaabka intay boobto ayay ka eegtaa. Ciddii gobolkuu ku maqnaa ka timaadda-ba way wacaashataa oo warsataa. Taleefankii soo dhacaba kiisii bay mooddaa. Taleefankiisii hadda saddexdii bilood ee u gu danbeeyeyba ma daarrayn oo dansanaa. Carruurtii rajadda ahayd ee ilma warfaa xaalkooddu ma fiicna. Biil eedadood khadiijo u soo diri jirtayna iminka saddex bilood umuu soo dirin. Badh baa bukoodday ciyaalkii oo xataa loo la’ yahay wax farmashiya daawo looga soo qaaddo. Xikma waa xishood badan tahoo arrintaa cidna lamay socod- laakiin way ka war haysaa sida uu warfaa yeellay, cid kale oo allaheed alle yahay oo ka war haysaa ma jirto. Xaalkaa gurigii warfaa xaalkiisuu halkaasuu marayaa; isagunna isbeeddel weyn ayaa ku saa’id aha ayaantan.

Dhanka kale warfaa iyo siraad galab kale waxay fadhiyaan dusha sarre huteel xaga xeebta u jeeda oo neecow qabow ka babannayso. Laba kursi oo caddiir ka samaysan iyo miis yar oo quraarrad la ga farsameeyey ayaa dhex dingiiga. Miiska waxaa saaran kildhi bun ah’ iyo garaafe biyo ah’, shaaha ayaa la kaba fiiqsannayaa, kama qasna halkan ayaa sheeko haasaawe iyo lugooyaba isugu jirta la gu wataa. Warfaa asalkaba meesha wuu ka saaaray in uu weligii guursadday iyo in uu wax carruur dhalay toonna. Siraad lafteeddu mar horre ayay ishaaqsatay warfaa oo waxay is ka dhigtay gabadh belaayo ka dhacday oo cirkaa iyo samaddaa la ga soo hindhisay.

Sheekadeedda siraad waxay u badan tahay in ay sharafteedda iyo wanaag yadeedda ka sheekayso. Waxay kalee ka sheekaynnaysaa ninkeeddii horre waxay ku ka la tageen.

Xodxodosho dheer ka dib, galabtaa siraad kala boqoolkii warfaa waxay ka ga naxsatay in ay dhoofayso berito. Laakiin arrinkaasi kama run ahayne warfaa oo ay yara saluugtay jeebkiisa aan dhaafsiisnayn bun la fiiqsado iyo sharaab, dabcigiisa iyo qaabkuu isuuu daabban yahay ayay rabtay in ay ku khaarijiso, si’aan waqti ugaga lumin xayraan dareere isku dhuunyayay.

“warfaayow walaal waxaan doonnayaa in aan safar u baxo ”

“haye- ilaa xagee ka soo noqonaysaa Siraadeeye? ”

Intaa markuu waydiiyey warfaa siraad waxay shukux ka siisay sheekadeeddii oo dhamays tiran iyo safarka ay gelayso, ” walaal waxaan rabaa in muddo kooban ku maqnaaddo xagaa iyo dalkaan ka imi ee Noorway- isha allaahu dhawaan ayaan soo laaban doonnaa. Howlo yar yar oo baasaboorka oo i ga dhacayaa ka mid yihiin ayaa soo cusboonaysiisannayaa.

Lanbarkayga dibaddu waa kaa’ markaan saa u galo- ba anaa ku soo wacaya ee adigu lanbarkaaga ha beddellin, hana damin ” . Runtii anrrintaa warfaa waa ka rumaysatay sidaas aynna ku isku macasalaameeyeen. Ilaahaw ruux aan wax ogan ha cadaabin judhii ay ka dhaaqday asiraad ayay lanbarkeeddii iska beddeshay oo magaalladda dhinaca ka gashay.

Isna wuxuu sugo-ba bilo ayay kor u dhaaftay oo hadba lanbarka soo dhaca u fillayey in ay soo gasho. Hagaradaami iyo caloolyoow aanu weligiis arag ba ayaa maalnahan ku gedaaman.

La soco qaybta 6aad.

 

Halkan hoose ka akhriso qormooyinkii hore: 

Calaf-seeg Q: 1aad

Calaf-seeg Q: 2aad

Calaf-seeg Q: 3aad

Calaf-seeg Q: 4aad

La soco:5aad.
WQ: Xasan Cabdi Shire