Calmaaniyadda iyo Soomaalida (WQ: Ismaaciil Daacad)

 

Qormadii afraad.

Hor iyo horraan mahad oo dhami waxay u sugnaatay Alla weyne koree oo hufnaaye, Ilaahoow adigaa mahad oo dhan horrayso iyo dambayso labadaba iska leh, Allow waxaan kaaga mahadcelinayaa dhammaan galladahaaga xad-dhaafka ee aad igu maashaysay iyo guulaha tirada badan ah ee aad igu galladdaysatay, goorwalba iyo goobwalbana aan ahay midka ku dhex barwaaqaysan ee badhaadhe iyo rayn rayn ugu dhex naaloonaya.
Alloow waxaanka mahadcelinayaa galladda abbuurka iyo ahaysiinta, galladda bini-aadamnimada iyo dadnimada, galladda muslimnimada iyo iimaanka, galladda xoogga iyo dhallinyarannimada galladda caafimaadka iyo fayaqabka, galladda aqoonta iyo garashada.

Alloow waxaan ka mahadcelinayaa galladdahaaga aanan tiro iyo magac midna kusoo koobayn, galladaha intaan ogsoonahay ee ka warqabo ay ka badan yihiin inta aanan ogsoonayn ee warkoodaba hayn, galladaha inta aan xasuusan karo ee magacooda sheegi karo ay ka badan yihiin inta aanan xasuusanayn isla markaana magayadoodaba garanayn, galladaha tiradooda, waxtarkooda, iyo malkada ay iigu jiraanba aanan ahayn mid marna si dhab ah u garan kara ugana garaabi kara.
Marka labaad jaallayaal bariido suuban, aroor sareedo badan iyo dharaar samaan badan Alle ha inno iba furo, libdhada soo baxdayna Alle wanaag iyo walaalnimo toolmoon ha innoogu subko siraadka iftiinkeeda.
Marka saddexaad waxaynu halkii ka sii amba qaadaynaa taxane dhigaaleedkii aynnu ugu wanqallay ” Calmaaniyadda iyo soomaalida” kaa soo ahaa mid aynnu ku soo bandhigayno kagana xog warramayno calmaaniyadda soomaalida soo gashay iyo warkeeda, qormadan oo noqonaysa tii afraad waxaynu sii wadaynaa inaynu ka warcelinno weydiimihii innoo taagnaa ee aynnu ka dhursugaynay warcelintooda, weydiimahaa oo aynnu ku soo bandhignay qormadii kowaad waxa ay tiro ahaan ahaayeen afar iyo toban weydiimood, waxa aynnu qormooyinkii labaad iyo saddexaad kaga soo hadalay iskuna dul taagnay shan weydiimood, waxa sidaa innoogu hadhay sagaal weydiimood, maantana waxa aynnu ka warcelin doonnaa intii ay innoo suurtowdo idanka Alle.

Weydiinta aynnu maanta ka bilaabi doonno idanka Alle waxa ay noqon doontaa weydiintii ku saabsanayd tiro ahaan inta ay noqonayso qayb-bulsheedka (percentage-ka) calmaaniyiinta soomaalida ee aynnu soo sheegnay jaadadkooda taas oo u dhignay; waa maxay qayb tireedda ama nisbada(percentage-ka) ay ka noqonayaan bulsho weynta soomaaliyeed ee muslimka ah calmaaniyiintan buka ee cudurkaasi aafeey ama aan idhaahdee oofaha tiray?. Haddaynu weydiintaa ka halcelinno ama ka warcelinno waxa aynnu odhan karraa ma jiro qayb-tireed go’an oo aynnu hadda sheegayno oo odhanayno waa intaa ama qaybtireeddaa ayay noqonayaan calmaaniyiinta soomaalidu hase ahaatee waxa aynnu odhan karraa waa qaybtireed aad iyo aad u yar, aad bay u yar yihiin guud ahaan, waxase xusid mudan inay yihiin dad soomaaida u soo tafaxaytay oo doonaya inay soo saaraan fac sadhaysan oo xanuunkani halakeeyo ummaddana ku dhex faafiya, waxaynu odhan karraa waa cudur sidayaal cudurkaana faafinaya, sidaa awgeed ayay waajib tahay in laga warbixiyo lagana digo intii awooddeenna ah ee aynnu karro.

Weydiinta todobaad ee aynnu saaka ka warcelin doonnaa waxa ay noqon doontaa middii ku saabsanayd tilmaamaha, sumadaha iyo baadisoocda duulkan aynnu ka warramayno ee aynnu warbixin tooda hayno, taas oo u dhignayd;
– Maxay yihiin tilmaamaha iy baadisoocda calmaaniyiinta soomaalida iyo dabcan guud ahaanba calmaaniyiinta dunida islaamka ugu baaqaya cudurkan liita ee calmaaniyadda iyo waxyaabaha ay kaga soocan yihiin bulshada muslimiinta fayow ee ka samata baxay xanuunkaa qadhaadhka badan ee calmaaniyadda?. Weydiintan haddaynu is dultaagid faahfaahsan ku samayno waxaynu odhan karraa duulkan iyo qolyahan aynnu sheegayno waxa ay ku tilmaaman yihiin tilmaamo aad u tiro badan oo dhammaantood inna tusaya xumaanta iyo liidashadooda dadnimo isla jeerkaana soo shaac saaraysa waxyaabaha foosha xun ee aan marnaba iyo sinaba innooga gadmayn ee ay ku hawlan yihiin, tilmaamahaasi waxay yihiin kuwa ay ugu tunweyn yihiin kuwan aynnu fooltaxa ku samayn doonno idanka Alle.
Waxa ay ku tilmaaman yihiin aflagaadada, yasidda, quudhsiga, ceebaynta, foolxumaynta, been abuurka, nacaybka, iyo dhammaanba colaadinta ummadda muslimiinta ah, qiimaha weyna bulsho weynta adduunka ee gaalo iyo muslimiinba leh waa ummadda loo yaqaan “carabta”, waxa ay aalaaba duraan duullaana ku bixiyaan carabta iyo wixii dhanka carabta ka yimaadda ama la xidhiidha dunida carabta, waxay aad ugu duulaan afka carabiga oo ah afka ay bulshoweynta muslimku wada leedahay Alle weynena korreeye u doortay farriintii ugu dambaysay farriimihii Alle inuu warkeeda iyo murtideedaba ku soo dejiyo kuna caddeeyo xogta, xukunkii, iyo xeerarkii ay madiixaysay, waxa ay aad ugu dheeraadaan sheeg sheegga xumaano iyo ceebo laga soo guurinayo dhaqamada iyo hab dhaqan bulsheedka carbeed, waxa aynnu isweydiinay karraa maxay tahay sababta iyo keentada ku kaliftay duulkan arrimahan ku waajahan carabta iyo wixii carab la xidhiidha?. Ujeedku tolow ma in laga warramo dhaqanka carbeed waxyaabaha gurracan ee ku jira uun baa ( waaba haddii uu ku jiro wax gurracaniye)?!. Tolow ummaddaha kale ee ay soomaalidu ugu horrayso dhaqamadooda maanay ku jirin wax gurracan oo ay tahay laga hadlo ama la dhaliilo?!. Haddii ay jiraan maxaa tolow iyaga looga hadli waayey ee carab uun loo beegsanayaa?!. Meesha ma wax inta dhaafsan baa ku jira?!.

Tolow ummaddaha adduunka intee carabta ka hab dhaqan gurracan oo dhaqanbulsheedkoodu ka foolxun yahay dhaqan bulsheedka gurracan ee ku jira hab dhaqanka ummadda carbeed ee aynnu sheegayno?!. Duulka carbeed miyaa adduunka kaga jira kaalinta kowaad oo sidaa ayay tahay in looga hadlo?!. Maxaa meesha ku duugan oo innaga qarsoon?!!!!. Waxaa oo weydiimo ah warcelintooda oo kooban waxaynu leenahay waa “maya” balse meesha wax kale ayaa ku jira oo laga qodayaa, macdan kale oo qaali ah ayaa ku duugan oo laga baadi goobayaa, waxa ku jira oo ku duugan sir weyn oo aanay dhaadi karin indhow garadku ama maangaabka iyo waxma garadka aan aragtida fog lahayni.

Waxa meesha ku jira in carabta dadka iyo dunidaba la nacsiiyo oo looga dhigo wax aad u liita iyo bulsho aan loo dhowaan karin oo ay waajib tahay in laga dheeraado, taasoo ay ka dhalanayso ama keensanaysa in laga dheeraado iyaga iyo wixii laga keenoba, waxa meesha imanaysa in afkoodiina laga durko oo la naco, taasoo ugu dambayna qofka la isugu xidhayo islaamnimada iyo carabnimada si uu qofku isku mid ugu arko ama ugu aqoonsado islaamkaba inuu yahay shay carabtu leedahay, ka dibna inta uu isku duubo meel kaga wada tago, taas oo noqonaysa diin la’aantii iyo meeshii loo socday, waa sirta qarsoon ee ku jirta duulaanka iyo waxyaabaha aynnu la yaabno mararka qaar ee aynnu aragno iyadoo lagu ganayo carabta, afka carabiga iyo dunida carbeed ee aynnu walaalaha, oodwadaagta iyo isir wadaagtaba nahay!. Ogowna carabtu inay tahay ummad balaadhan oo dhaqankeeda laga helayo wanaag iyo xumaanba, balse marwalba waxa badan oo badan wanaagga iyo samaha ummaddaa.

Tilmaanta iyo baadisoocda labaad ee aynnu ku tilmaami karro duulkan aynnu warkooda wadno ee aynnu ka xog bixinayno waxa aynnu odhan karraa waxa ay tahay mid taa hore lidkeeda ah, waxayna tahay, ammaanta, buun buuninta, difaacidda, iyo koolkoolinta dunida galbeedka iyo gaalada cudurkani dhulkooda innooga yimi, waxa ay aalaaba mudnaanta iyo milagaha adduunka iyo maamuuskii carro edegba siiyaan nimankii cudurkan qaadsiiyey ee sadheeyey oo ah gaalka reer galbeed “maraykan iyo yurub” waxa aad arkaysaa iyagoo xumaantooda iyo ceebohooda qarinaya, dafiraya, amaba difaacaya, waxaad arkaysaa iyagoo waxyaabihii adduunyada oo dhan ka dhexeeyey iyaga qudha siinaya, waa duul aad u liita aadna u garsoor liita, waxaan wax lala yaabo ahayn inaad aragto calmaani soomaali ah oo sheegaya been ay gaaladu xataa ka gaabsatay inay sheegto, waxaan wax lala yaabo ahayn inaad aragto calmaani soomaali ah oo dafiraya xaqiiqo sugan oo adduunyadu qirsan tahay xataa gaaladii cudurkan ku sadhaysay ayaa ka marag furaya xaqiiqadaa uu calmaaniga soomaaiga ku hadlayaa difirayo!
Tusaale ahaan xaqiiqooyinkii daahfurkii aqoonta maaddada ama waxa loogu yeedho saynis wuxu ahaa dhaxal ilma aadan oo dhan ka dhexeeyey, tan iyo waqti aad u dheerna wuu soo taxnaa, waxana tacabka ugu weyn iyo dadaalka ugu balaadhan geliyey bulshada muslimiinta ah oo qarniyo aad u badan hoggaanka u hayey una dhigay sidan uu maanta u yaal, sababna u ahaa in uu soo gaadho halkan uu maanta joogo, middaa waxa ka marag ah gaalka sayncadaalaha maanta looga danbeeyo iyo sooyaal jirayaasha runta sheega gaal iyo muslimba, waxaan se wax fog ahayn inaad aragto duulkan oo wadada dhinaca kale ka raacaya iyo calmaaniga soomaaliga ah oo diiddan middaa iyada ah!

Waxaad arkaysaa inaanay suurtoobin inuu calmaani soomaali ahi weligii dhaliil u soo jeediyo hab dhaqanka liita iyo dadnimada laga arraday ee dunida galbeed guud ahaan, waxaan suurtoobin inaad aragto digniin iyo baraarujin dhankaa ah oo ka imanaysa ninankii sida fiinta u ciyayey markay maqlaan carab iyo dunida kale ee muslimka gaar ahaan meelaha wax uun wanaaga lagu tuhmayo ama lagu tebayo.! Akhriste halkaa maxaa kaaga baxay adiga ?. Ma ila aragtay meesha in wax weyni ku jiraan?!. Alleylehe inaad ila aragtay baan filayaa.

Tilmaamaha iyo baadisoocda calmaaniyiintu waxay noqon doonaan qaybta aynnu aad xoogga u saari doonno idanka Alle, maanta waxa aynnu ka tilmaamnay labo tilmaamood , tilmaamaha innoo hadhayna waxaynu sii wadi doonnaa qormooyinka tan xiga idanka Alle.

La soco qormada shanaad Insha Allaah.

Ismaaciil Ciise Xuseen (Ismaaciil Daacad)

Hargeysa Soomaalilaan.