Caqliga oo Shaqeeya iyo Cududda oo aynu Maalno ayaa Caydh Lagaga Baxayaa (WQ: Maxamed Cumar Cabdi ”Cirro”)

Marka hore, waxa aynu Ilaahay (SWT) ugu mahadnaqaynaa raxmaadka uu inoo shubay iyo roobka guga ee inoo curtay, marka labaadna waxa bulshada reer Somaliland looga baahan yahay inay ka faa’iidaystaan xili-roobaadkan bilawga ah, una jeedsadaan sidii dhulka wax looga beeran lahaa. Ha laga baxo fadhi-ku-dirirka, facebook-ga laga dhex baala-xuuftaynayo, faanka dhalanteedka ah iyo siyaasaddan la wada faalaynayo ee aanay wax faa’iido ah innoogu jirin. Dadkeennu wax ha ku qaataan oo cashar ha u noqdo xannuunkan Corona-virus (Covid-19) ee saamaynta xooggan ku yeeshay isku-socodkii Adduunka, waxaana dhici karta in dal walba xadkiisa xidho oo ay waxba bannaanka uga bixi waayaan, waxna soo geli waayaan, markaa arrintu waxay noqonaysaa dal walba ha diyaarsado cuntada iyo waxyaabaha muhiimka u ah nolol-maalmeedka dadweynihiisa, sidaa darteed waxba kama ogin waxa dhici doona mustaqbalka dhaw iyo ka fogba ee waxa loo baahan in qof walba ku dedaalo sidii uu ula iman lahaa wax-soo-saar dhinaca beeraha ah, iyadoo laga faa’iidaysanayo biyaha roobka, iyadoo aynu mar walba Ilaahay talo-saaranayno, xadhigga Alle-na qabsanayno.

Dowladdu waa inay la timaado siyaasad iyo qorshayaal lagu jihaynayo dadka, laguna dhiirigeliyo ganacsatada inay maalgelin ku sameeyaan wax-soo-saarka beeraha iyo khayraadka kale ee lagaga maarmi karo waxyaabaha laga soo waarido dalka dibaddiisa, iyadoo dowlad iyo dadweynahaba looga baahan yahay inay muujiyaan dedaal ah in ugu yaraan aynu dhulkeena kala soo baxno raashinka iyo khudaarta kala duwan, si aynu uga baxno in baahideennu ay ku xidhnaano raashin laga soo iibiyo dalalka dibadda.
Waxa aynu Ilaahay (SWT) ka baryeynaa inuu nimcooyinka cirka iyo dhulkaba ibaha inooga furo, nimcooyinkiisa nusqaantoodana innaga leexiyo. Ilaahay ha inoo wada fududeeyo cibaadooyinkiisa iyo acmaasha suuban, ifka iyo aakhirana guusha weyn ha ina wada gaadhsiiyo.
Caqliga oo shaqeeya iyo cududda oo aynu maalno ayaa caydh lagaga baxayaa ee beeraha ma saracnaa? Heestan oo ka hadlaysa wax-soo-saarka beeraha halkan hoose kaga wada bogta

WQ: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),
Hargeysa, Somaliland.