Casharadda aan ka barran karno Cidhiidhiga iyo Jaam-ka Waddooyinka iyo Sidda Ciidanka Nabadgalyada waddooyinku u Maamulaan.

Casharadda aan ka barran karno Cidhiidhiga iyo Jaam-ka Waddooyinka iyo Sidda Ciidanka Nabadgalyada waddooyinku u Maamulaan.

Samirka,Adkeysiga,in aan la deg-degin, Dulqaadka iyo in Qunyar loo socda waa wanaagyoย  badan oo aan jidadka iyo isku socodka ku dhex-barano.Aayar oo la socdaaย  wey ina gaadhsiineysaa halkii aan u soconey,Qunyar socdena qodaxi ma Muddo,Dhagar qabaa Dheereya waa qaar ka mid ah xikmadaha aan ku dhex barano socdaalada iyo jidadka oo ah casharro halkaasi la innoogu dhigo.

Somaliland Gudaheeda si isku mid ah darawalada baaburtu uma wada fahansana badbaadada jidadka iyo waddooyinkaba,Waxa qoloba qolo ka soo dhexashey in aan ixtiraam badan loo heynin shuruucda wado marista iyo nabadgalyada waddooyinka,qof kastana wuxu Darawak kasta isku heysta in uu yahay ka saxsan ama marinka toosan heysta wuxuuna la yaaban yahay midka kale.

Marka Dhinaca laga eego Cidhiidhiga Joogtada ahi maaha mid inaga uun si gaar ah inoo heysta ka Somaliland ahaan,amma wax aan inagu dunida dheernahay,ama darawal kastaa ka masuul yahay waase mid guud oo jidadka lagu arko kuna qabsata darawalada.Saxmada baabuurtu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu dhibta badan ee waddooyinka qaarkood si maallinle ah ugu qabsada gaadiidleyda ku socdaasha.kuwaasi oo wakhti badan Sanka isku hayaย  in badana taagnaada jidadka waaweyn qaarkood.haddaba Cidhiidhigaasi ayaa qeybo badan oo inaga mid ahi ay ku eedeeyaan in askariga nabadgalyada waddooyinku wakhtiyada qaar sabab u yahay,halka dad badani ay rumeysan yihiin in waddooyinka oo kooban iyo darawalada gadiidku ay dhanka kale masuul ka yihiin cidhiidhiga,iyo jaam-ka badan ee jidadka ka jira.Dal kasta oo adduun weynaha ah hakadka iyo saxmadu waa wax ka mid ah noloshooda caadiga ah Saacaddaha aroortii,Duhurka iyo Fiidkiiba,sidoo kalena waa wax guud ahaan caasimaddaha iyo Maggalooyinka waaweyn eeย  dunida guud ahaan ka jira taasi oo dad badan ku qasabtey in ay iska dhigaan baabuurtoodi khaaska u aheyd kana doorbidaan gaadiidka dadweynaha sida basaska iyo tagaasida.

Askarigeenna Ciidanka nabadgalayada waddooyinka iyo gadiidleydaba waxย  ay jidadka iyo waddooyinkaย  ku bartaan casharo nololeed oo waayo-aragnimadooda wax badan ku biiriya mustaqbalka,kuwaasi oo ay ka mid yihiin xanuun,samir,adkeysi,buuq,cida hoonka,af lagaado,cay iyo gacan qaad,isku buuq,qiiqa wasakhowga hawada, Qof meesha uย  doonoย  in uu maro raba,Darawal isku deyaaya in uu wax kasta sameyo si uu u socdo, Mid dhinac kasta baaburta ka dhaafaya,sharci jebin,anshax xumo iwm.

Inta Gadiidleydeenu ay jidadka marayaan amma ay ishaarada taagan yihiin qeybo badan oo ka mid ah ayaa isku buuqsan,deg-degsan,isla markaasina aflagaado iyo cay ay kala gaadhaa,iyaga oo si aan kala joogsi laheyn aleelka iyo hoonka baabuurta isugu tuma,taasi oo ku dhalisa in darawalkeena somaliland uu si khaldan u dhaqaaqo isaga oo ku tallaabsanayaa falal sharciga waddooyinka iyo jidadkaba baal-marsan iyo anshax xumo aflagaado oo ay askarta taraafikada wadooyinka ula tagaan.

Deg-dega badan,Dulqad la,aanta,Sharci-darrada iyo Af xumadu waa kuwo in badan oo innaga mid ah ku sababey shilal iyo ganaaxyo lacageed,waxase aynu kaga baaqsaneynaa dulqaadka iyo samirka oo ah laba sifo oo shakhsiyadeena iyo qofnimadeena wax weyn ugu fadhiya,Darawalnimadana u wanaagsan.Marka aad lumiso Dulqaadka iyo Samirka waxa aad ku guuldareysaneysa Dagaalka,in aad samir iyo dulqaad badan tahay wax ay qeyb laxaadleh ka qaadata Guusha aynu gaadhno.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com