Casharrada Laga Baran Karo Guuldarrooyinkii Xisbiga Kulmiye (WQ: Cali Cabdi Coomay)

“Talo tee ugu wanaagsan ayaa la yidhi, waxa ugu wanaagsan ta lagu hoogo. Waayo waan loo noqon doonin.” Sidaasi oo kale xisbiga Kulmiye ugu yaraan saddex fallaadhood ayaa ku dhacay, kuwaasi oo soo gaadhay labadii doorasho ee isku sidkanaa. 1. 82-kii xubnood ee Baarlamaankii la doortay waxa ay ka heleen 30. 2. Magaalooyinka waaweyn, sida Hargaysa, Burco, Ceerigaabo, Boorama iyo Laascaanood ayaa laga faramaroojiyey Maayarradoodii. 3. Shir-guddoonkii ayaa faro ciddidood lagaga qaaday, waana halka ay dadaalka ugu badan ka muujiyeen. “Awood uma lihin in aynu saacad dib u celino wixii inna soo maray, balse waxa aynu awood u leenahay in aynu go’aamino mustaqbalkeenna” waa hadal xigmadeysan oo laga reebay madaxweyne Paul Kagame.  Waxa aynu faaqidi doonaa meelaha ugu darran ee guuldarradu fadhido, si casharro looga barto:

= Guuldarradii bariga Burco: deegaannadani waa kuwii loo dirinayey in xisbigu ku horreyn doona, hasayeeshee dhinaca jirjir cadka ayey isu rogtay. Waxa loo tirinayaa cabashooyinka ay dadka deegaannadaasi ka qabeen in guddoomiyihii xisbiga Kulmiye aan lagu wareejin, iyada oo hore loogu ballanqaaday. Cabashooyin ka taagnaa labadii diyaaradood ee Fly Dubia iyo Air Carabiya oo xukuumadu ku raftay xallinta iyo furdaaminta in hore loo fasaxo. Tartanka mucaaradka iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo laba weji lahaa.  Hogaamiye Xirsi qacdii hore masuuliyiintii dawladdu way ku jebiyeen deegaannadaasi, oo labadii musharrax ee uu watay way dhaceen. Hasayeeshee waxa iyana ka adkaaday Maxamuud Xaashi oo weerar dhabar-jebin ah la gaaday oo aanay xisaabta ku darsan. Kulmiye dhammaan weerarkiisa wuxuu isugu geeyey Xirsi, xisaabtana kumuu darsan Maxamuud Xaashi. Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo gebi ahaanba meesha ka saaray kharashkii dhaqanka u ahaa ololaha iyo kala jiidashada horjeegeyaasha qabaa’ilka iyo musharraxiintooda. Halkaana waxa ku jira cashar mudan in wax la iska weydiiyo.

= Guuldarradii deegaannada Madaxweynuhu ka soo jeedo: inta badan Caasimadda oo ay bulsho ahaan ugu xooggan yihiin taageerayaasha Madaxweynuhu, waqooyiga caasimadda iyo galbeedka caasimadda waxa ka dhacay il-duuf siyaasadeed oo xisbiga Kulmiye keenay. Inta badan musharraxiintii deegaannadan waxa toos u soo dooray madaxweynaha halkii ay qabaa’ilku ka soo dooran lahaayeen cidda xisbiga iska sharraxaysa. Taasina waxa ay keentay is-fahan waa dhexmaray reerihii lagu amray inay iyagu keenaan musharraxooda oo haddana looga soo dooray madaxtooyada.

Doodda ugu badani waxa ay dhexmartay kuwa ku faanaya madaxweynaha ayaa I wata iyo kuwa leh waar reerka ayaa go’aanka isla leh. Waxa kale oo taasi barbar socotay xubnaha da’da ah ee musharraxiinta u ahaa xisbiga Kulmiye ee aan wakhtigan la jaanqaadi Karin codbixiyeyaasha qaraqa ah ee da’doodu u dhaxayso 18-30. Mid ka mid ah musharraxiintii Baarlamaanka ee Kulmiye ka siibtay oo da’diisa iigu sheegay 69 ayaa ii yidhi”xittaa luuqada olole ee dadkan yaryar lagula hadlo waan garan waayey. Show luuqadda FACEBOOK ayey wax ku fahmaan”.

= Dayicidda xisbiga Ucid: markii ay arkeen in xisbigii aanu xubno ku filin ka helin doorashadooyinkii, waxa ay ahayd inay soo xero geliyaan xisbig Ucid. Is is-bahaysi ula yeeshaan, iyaga oo ka faa’idaysanaya is-fahan-waaga taariikhiga ah ee u dhexeeya Fasayl iyo Cirro. Xirfadaasina may ciyaarin xisbiga Kulmiye, waana ta ugu dambaysa ee isa sii biyo raacisay in guddoomiyaha Baarlamaanku dhaafo.

= Xafiiltanka u dhexeeyey madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka ganacsiga: maadaama oo aanu Saylici Kulmiye xil ka haynin wuxuu awoodiisa tusayey wasiir Saajin inuu uga khibrad badan yahay xisbiyahannimada. Taasina waxa ay wiiqday loollankii wadajirka xisbiga.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan,

Calicoomay@gmail.com