Celceliska da’deena iyo hannaanka waxbarashadeena ee aan waafaqsanayn waxa aynu u taagan nahay (WQ: Mustafe Baaruud)

Celceliska da’deenu waa lixdan, qayb ka mid ah waxaynu ku qaadana waxbarasho (5jir ilaa 30 jir), qaybta soo hadhayna waxaynu ku dhamaysanaa wixii 25-kaa sano laynagu shubay. Xisaabiye, Iibiye, Daaweeye, Bare, Wariye, Dhise, Nash-qadeeye iyo wixii la hal-maala ayeynu ku shaqayna, ismana waydiin karno, wax xayn-daabkaas dhaafsiisan.

Waxbarashadeenu waxay inoola dhaqantaa sidii Computer lagu shubaayo barnaamij, si loogu shaqaysto. Word, Excel, Access, SPSS, Quick-book, iyo wixii la mid ah. Computer wuu qaadi karaa barnaamij kale, laakiin barnaamijna ma qabano karo, shaqo aan ahayn tii loo asteeyey. Awoodeena maskaxda ee kun jeer ka saraysa tan macmalkaa ee Computer, waxa naafo ka dhigay, barnaamijka lagu shubo 25 sanoo ee cimrigeena ugu horeeya, oo aynaan talo ku lahayn.

Haddaan si kale u dhigno, 25 sano wixii xog lagu shubay, ee maskaxdaada ku milmay, wuxuu qayb ka noqday aragti-nololeedkaaga. Waa sababtan ta Waxbarashaddu u tahay hanti qaran aduunkoo dhan, si jiilasha cusub loogu jiheeyo.
Dalalka soo baxay dabayaaqadda 1970’s, ee muddo kooban ku biiray dalalkii hodanka ahaa ee 400 sano aduunka haystay, waxay fahmeen qadiyaddan, waxaanay soo saaran jiil garanaaya halkay ku socdaan iyo sababta ay ugu socdaan. Mushkiladda ugu wayn ee ina haysataa waa Habka iyo Hanaanka waxbarasho ee Taqliidiga, kaaso ka aradan waxa aynu ummadd ahaan u taaganahay.

Xigasho: Mustafe Barud