Cigaal iyo Wasiirkii uu xilka ka qaaday ee Waraysiga bixiyey W/Q: Cali Cabdi Coomay

Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa xilkii ka qaadey mid ka mid ah wasiirradiisii uu ugu jeclaa uguna awoodda, badnaa markii ay arrin xasaasi ah isku khilaafeen. Wasiirkii ayaa laga wareystey idaacadda BBC-da oo la weydiiyey waxa xilka looga qaadey.

Wasiirka jawaabtiisii waxa ku jirtey “Madaxweynuhu wuxu igu soo farageliyey shaqadii wasaaradda, waxaanan kala garan waayey inuu madaxweynuhu wasaaradda xukumo iyo in aan anigu xukumo”. Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii golaha wasiirada ee asbuucaasi ku yidhi wasiiradiisii, “waaryaadheheen, miyeydaan wax akhriyin oo aydaan baran nidaamka dawladuhu u shaqeeyaan.

Waasarad kasta anaa xukuma, wasiirkuna waa qof an hawshaydii badh u igmadey. Wasiirku kuma shaqayn karo talo uu leeyahay ee wuxu ku shaqayn karaa oo keli ah talada aan anigu u igmado. Sida an anigu ku taliyo iyo siyaasadda aan jeexo uunbuu wasiirku ku soconayaa”

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.                      

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com