Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo (W.Q. Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Munaasibaduhu kala duwan, dhaayuhuna kala geddisan. Waxa jira dharaaro Muslimiinta soo mara oo loo riyaaqo, badhaadhe iyo barwaaqona la filo. Sida kutubta lagu hayo, laba dharaarood ayaa si gaar ah diinta Islaamku ammaan kala dul dhacday; Muslimiintana guud ahaan la faray inay farxaan oo bash-bash iyo badhaadhe la huleelaan. Ciidda Fidriga iyo Ciidda Odxada ayaa ah labada xogaha sugan ee diintu tibaaxeen. Haddaba, akhriste bal aan soo guuriyo axkaanta ciiddan ee laga rabo in Muslimiintu gutaan. Si gaar ahna bulshada Soomaalida ayuu ku socdaa maqaalkani. Ergaygii Ilaahay SCW oo dhabbihiisa la qaadaa waa sida ugu roon ee lagu gaadhi karo bar-hiigsigeenna oo ah Jannatu Fardawsa.

Takbiirta oo la qaado:– waa in takbiirta aad loo qaadaa subaxdaas ciidda. Ibnu Cumar iyo Abu Hureyra waxay kaga dayaamin jireen suuqyada. Raggu codka kor ayey u qaadayaan dumarkuna hoos ayey u dhigayaan. Ibnu Cumar wuxuu leeyahay:

“ Nebigu codkiisa kor ayuu qaadi jiray isagoo tahliisha iyo takbiirta wada.” Tix-raac: Irwaa’ul Qaliil.  

Sida loo qaadayo takbiirta waa sida uu Ibnu Mascuud u qaadi jiray oo ah :

“ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR LAAILAAHA ILLALAAH WALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR WALILLAAHI ALXAMDU.” Tix-raac: Musannafka Ibnu Abii Shaybah Sidaas ayaa ah sida sugan ee Ibnul Muflix isna Kitaabkiisa al Furuuc uu ku qoray sida aanu ka akhrinay.

Haddii la sii badsado sida dadkeenii hore ee wanaagsanaa ay sheegeen ee intan kale lagu daray, culimadu ma diidaan; haseyeeshee waxa fiican sidaas sugan.

Gawraca:– Waxa sidoo kale ciiddan lagu boorriyay Muslimiinta in ay neef gawracaan, waa haddii ay kari karaan. Ku darsoo, waxa neefkaas la gawracayaa salaadda ka dib. Waxa Nebiga SCW ka sugan in uu yidhi:

“Qofka qawraca salaadda ciidda ka hor, ha ku celiyo qawraca, ka aan gawracinna ha gawraco.” Tix-raac: Bukhaari iyo Muslim.

Amminta loogu talo galay in gawracu socdo way waa maalinta ugu horreysa ee ciidda iyo saddexda dharaarood ee ku xigaba.

“Dhammaan dharaaraha Tashriiqa la yidhaahdaa waa maalmo gawrac.” Ayuu yidhi Nebigu SCW. Tix-raac: Silsilada 2476

Is-qurxinta ragga:– Waa in raggu isa sii qurxiyaan oo sii maydhaan ka dibna u jarmaadaan garoonka ama goobta lagu tukanayo. Sidoo kale, waa in aad la isku sii nadiifiyo sida uu samayn jiray Ibnu Cumar. Tix-raac: Saadul Macaadka iyo Fatxul Baariga. Khaladaadka dhaca waxa ka mid ah ragga oo gadhka sii xiira. Taasi gebi ahaanba waa gef si cad ayaanan u tiraabayaa. Muslimiinta oo dhammi waxay isku waafaqday in aan gadhka la xiiri karin – dhammaan madaahiibtu way isku waafaqeen afartuba. Xitaa Daahiriyada Ibnu Xasam wuu soo raraa ijmaacaas. Tix-raac: Maraatib al Ijmaac; Al Iqnaac fii Masaail al Ijmaac, Tamhiidka ibnu Cabdil Bar, al Ibdaac fii Madaar al Ibtidaac. Sidoo kale raggu waa in dharka ay xidhan yihiin ka sarreeyo kuraanta. Nasiib darro, dadka qaar waxay moodayaan in culimadan danbe ay keeneen arrintan ah dharka oo laga sarreysiiyo kuraanta. Gebi ahaanba waa wax aan jirin ee in kabadan 50 xadiis ayuu Nebigu SCW ku sheegay arrintaas. Kolka loo baahdana miiska ayaanu soo saaraynaa dhammaantood oo sugan.

Goobta Ciida oo loo lugeeyo:– Waa sunnadii Rasuulka SCW markaa waa in lug lagu tago. Cali binu Abii Daalib wuxuu odhan jiray:

“ Sunnadu waa in lug lagu tago garoonka.”

Waddada oo bedelo:– Kolka laga yimaaddo garoonka waa in waddada la beddelo waana sida uu samayn jiray Nebigu SCW sida ku cad xadiiskii Jaabir.

Hambalyo:– Waa in la isku hambalyeeyaa salaadda ciidda ka dib, waa sida ay samayn jireen saxaabadii Suubanuhu SCW. Taqbala Allahu Minnaa Wa Minkum. Tix-raac: Turkumani – Axmed Binu Xanbal na way sugan tahay xogtaasi ayuu yidhi.

Suuradaha la akhrinayo Salaada Ciidda:– Waxa habboon in rakcadda hore la akhriyo Sabbixisma tan labaadna Suuratul Qaashiya. Waxa sugnaatay in Suuratu Qaaf iyo Qamar la akhriyo. Tix-raac: Muslim ayaa ka weriyay Nucmaan binu Bashiir

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797