Dayrtan oo kale, waa gu’yaashii laga soo wareegay muddo talada geedka iyo tan dhaqankaba laga majoro-xayuubiyay Guurtida soo jireenka ah ee deggan Kaamkan (Qoofal), sida odayaasha iyo dadka waxgaradka ah, kana fara-maroojiyeen gabanno dhallin ah oo duruufta noloshu ku barbaaariyeen casharo lama-ilaabaan ah.
Sidoo kale waxaa laga soo kabtay waayo saameyn faro badan ku leh bulshada gudaheeda haba u badnaato abaaro iyo dagaallo dhex mari jiray Kaamka ku xeernaa. Dagaalladaasi waxa ay sababi jireen colaado soo-jireen ah, aano iyo dad la kala dilay, xoolo la kala dhacay iyo qaarkaloo badan. Arrinkaasi Somaalida ugub kuma ah waase dhaqammada Somaalidu caanka ku tahay ilaa intii laga hayo tariikh qoran.
Marka la soo gaadho bilahan ku jira badhtamaha sannadkan oo kale waxaa dadka deegaanka ah lagu casumaa salool iyo qashir, bariis caano leh iyo burcad madaxa loo mariyo. Waxaa sidoo kale lagu xeeriyaa cid kasta xaqa ay ku lahayd waayihii la soo dhaafay. Wax-ma-galuhu waa calool madhan yahay ama qatan yahay, halyayguna waa qaydan yahay, xurmo iyo xeerin baa loo hayaa.
Kaamkaas (Qoofal) waxaa koob daaqsimeed gigan waqtiga barwaaqada, sidoo kale engegta waqtiyada kaliisha & Jiilaalka waxaana isugu soo guura dad faro badan oo ka yimaadaa degaaano dhow & mid fogba, degaan daaqsimeedkani waxaa jira dad degaan ku ah oo ka dhistay guryo laga sameeyay Aqal Somaali, Buush, & goobo yar-yar oo ganacsi.
Cambaro waa hooyo ka mid ah dadka degan Kaamkaas oo leh dhul daaqsimeed & biyo wiyeer ah laga cabo, dhanka kale Kaamkaas (Qoofal) waxaa ku xeernaa xoolo dhaqatadu ku nool waqtiga barwaaqada ee roobabku da’aan ama cawska & biyo dhuureedka la nuugaayoo, marka la gaadho waqtiga jiilaalka & kaliishana waxaa looga guuraa degaamada ku dhow oo lahaa biyo durdur ah. Waqtiyada loo guuro degaamada kale waxaa ku hadhi jiray dad tiro yar oo ganacsi yar leh, ama leh meelo aay ku iibiyaan waxyaabo kooban oo ku salaaysan baahida dadka ku xeeran degaanka kuwaasoo xoolahooda & naftooduba u baahan tahay sida cunto (Sonkor, Bariis, Daqiiq. I.W.M) & dawo xoolaad sidoo kale mid dad, halka dadka gudaha degan Kaamkaas (Qoofal) waxaay ka fa’iidaan xoogaa manfac ah oo ka soo gasha xoolo dhaqatada aan guurin si ay uga helaan nolol maalmoodkoodii (Quuti daruuri), waxaase kala duwanaanshiyo markasta muujiya tirada dadka ee yaraata waqtiyada jiilaalka ama abaarta oo laga yaabo in ganacsigoodu hoos u dhaco ama kor u kaco marka loo soo guuro, talada geedkana waxaa kordhiya ama yareeya joogitaanka xoogga dadka.
Isku tiirsanaanta dadka & noloshoodu muddo ayaay soo jirtay, hadaay tahay ganacsi ama wax wadaag dawladeed, hadaad dib ugu laabatona dad la’aani ama yaraani waxay markasta hoddaa guud ahaan korodhka talo, ama ganacsi, & mid awood difaacba, waxaay markasta ku tiirsan tahay iskaashiga degaanka & tirada dadkaba.
Cambaro waxaay ka mid tahay dadkii hore xoola dhaqata u ahaan jiray waxayse caydhoowday muddo ka yar toban sanno ka bacdi markii uu geeriyooday Odaygeedii. Haddase waxaay ku biirtay dadka ganacsi kooban ku leh Kaamkaas (Qoofal), waxaay korisaa afar wiil & labo gabdhood oo agoon ah, labadii gabdhood waxaay u dhaxeen labo nin oo degaanka yaala, Cambaro waa u farxad mar haddii ay ka asturan yihiin labadii hablood ee agoonta ahaa waxayna ku nool yihiin nolol wanaagsan oo aan qabyo badani ku jirin.
Cambaro odeygeedii wuxuu geeriyooday muddo ka hor waqtigan cambaro da’da taagan tahay, waxaana sabab u ahaa utun goyn kaga timi mid ka mid ah ehelkiisa u dhow. Siddoo kale waxaa jiray khilaaf soo jireen ah oo dhex ooli jiray isaga & qaar aay yihiin sokeeyo abtiirsiimo isu xigaan waxaanse ka dhexaayn sokeeye nafeed. Guuleed markii uu sii dhimanaayay waxaa uu ku dardaarmay inaan looga aargoyn ciddii dishay madaama uu ahaa Guuleed Alle yaqaan Aakhiradiisa dhowrta, wax mag ah & qudh gooyo midna lagama qaadin sidiina waa looga samray, sokeeyo & xigaal cidkasta waxay isku dayday inaay Cambaro qanciso oo la siiyo xoolo qudh gooyo ah, waxaayse wacad ku martay inaay ka soomanaan doonto inta aay ka dhimanaayso madaama aay dardaaran ka qabto odygeedii waxaayna oran jirtay “ Magtu tolka ayaay ka dhexeeysa ee idinkuba ka qaata ninkii dilay odaygaayga & inadeerkiin” dadka aay sidaas ku leedahay waa kuwii qaraabada la ahaa Guuleed & ninkii dilay, waa labo nin oo ilma adeer isu ah, dhanka kale Cambaro weligeed lamasoo hadal qaadin caruurteeda arin ku saabsan dhimashada aabahood iskumana dayin inaay ku dhaliso arin aar goosi ah, is kaba daayoo marka aay xasuustaan intii ku garaadsatay aabahood waxaay isku dayi jirtay inaay iloowsiiso, waxaayna u saari jirtay sheeko baraleey & raaxeeyee, Guuleed waxaa uu ahaa nin af gaaban danta umada ka sheqeeya waqti dheer, waxaa uu lahaa talooyin lagu xasuusto degaan ahaan.
Cambaro waa hooyo hadda Sideetan sanno madaxa ka goysay waa na xoog weli ciidamisa, awood ahaana buuxda, lagu haleeyo hawl maalmeedka maalintaas taagan & wixii duruufi baddo dhanka shaqada muruq maalka, sidoo kale inta badan waxay farxad la wadaagtaa caruurteeda tacabku kasoo galay isugana jira Wiilal & Gabdho, waxaay ka murugootaa maalmihii adkaa ee soo martay dadka qaarkood, marna waxaay Alle uga mahadnaqdaa cimragaay soo gaadhay, cimrigaas oo u ahaa mid wanaag & camal saalixa ku soo maashay, weligeed xoolo xaraam ah afkeeda maay saarin, sidoo kale waxaay caan ku tahay af gaabnaan xishood, & dadka xeerintooda, degaanka kuma noolaa cid eed ka tirsanaysaa barbaartii hore & hadaay da’ tahay waana caan lagu yaqaan guri martiyeed, sidoo kale Cambaro ciddii aragtaa Alle ayaay xustaa, dusheeda nuurkaa buuxaa caqligeedana Alle ayaa taam ka dhigay waa sideetan jir cilmi aduunyo ku dhan yahay sababtoo ah guyaashii aay soo joogtay wax badan ayaay xaadir u ahaayd, Somaalidu waxaay tiraahdaa Gu’gaaga oo aan caqli kuu kordhin waa khaayr beele.
Da’da ay nooshahay marka laga yimaado & wanaageeda waxaay dadka & Caruurteedaba ugu duceeysaa “Alle jidka toosan ha idin ku simo”. Dhanka nolosheeda waxaay haysaa tariikh kala duwan oo mararka qaarkood aay ka shekeeyso waxaana laga fa’iidaa arimo keena xasalin & himo dheeraad ah, Cambaro waxaay caan ku tahay markaay sheekaaynayso micnayaashaas & laxankaa sheeko aay saarto halka dadka badhkood murugoodaan qaarna afkeeda ayaay indhaha la raacaan, waxaay ka yaabaan sido aay nolosha u soo tagnaayd maalmo dhib badan & kuwa farxadeed, waana Hooyo inta badan ku muujisa sheekooyinkeeda hadba dareenka sheeko lee dahay.
Soddon sanno ka hor ayay Cambaro dhashay afar wiil, dhalashada caruurteeda waxaa uu dhexeeya laba sano midkiiba, Markii aay barbaareen sidoo kale karoon waxaay la jaan qaadeen caruurtii Kaamkaas (Qoofal) ku kortay, halka qaarkood ka da’ waaynaayeen qaar kalena isku da’ ahaayen, caruurta Cambari markaay ku biireen barbartii kale ee xoolo dhaqatada ahaayd kamaay muuqan nolol cusub, hab cusub, ilbaxnimo cusub, & dhaqan cusub, sidii aay u koreen ayuunbaay la jaanqaadeen hadiise laga tegi waayo caruurta Cambaro xoogaa tariikh ah ayaay hayeen oo aay ka dheg boobeen hooyadood markaay sheekaynayso, si gaar ah waxaay u xifdiyeen dadka ku caanka ahaa dagaalada oo Somaalidu caado ahaan u xusaan iyagoo leh “ Hebel waa Geesi” geesi qabiil. Waxa Maalmahaas si’ ku meel gaadh ah looga bilaabay goobo kooban waxbarasho qiimo badan leh waana barashada cilmiga diiniga ah gaaar ahaan kitaabka Alle & Cilmiga xadiiska, (Malcaamado). Dhamaan caruurta degaanka ma wada galin waayo? Waxaa sanadkaa ilmaha wax lagu barayaa sadex geel ah oo dadku aanay wada awoodin, sidoo kale macalinka wax dhigayaa waa socoto oo ugu badnaan labo sano ayuu joogayaa, waxaa laga yaabaa in halkaas ku aflaxeen dhoowr arday oo usii wada kara barbaartii kale cilmigii Qur’aanka, caruurtu markaay hal Juz oo qur’aan dhameeyaan waxaa laga yaabaa in loo sameeyo Salool & Xanshar, caruurta Cambaro kan ugu waayn ayaa Qur’aanka ka dhameeyay oo ka mid ah dadkii dabaal dega lagu xusay. dadka intii danyarta ahaayd caruurtoodii maay u helin fursad ay ku dhigtaan duruufo badan awgood, waxaa jiray dad Zeko goys ah oo xoolo haystay hayeeshee aan xoolohooda zekeda ka bixin iska ba daayoo inay carruur sanaddii xoolo Qur’aan barasho kaga bixiyaane.
Caruurta Cambaro waxaay ka mid ahaayeen dadka hore ka bilaabay barashada cilmigaas nolloleed sidoo kale kuwa ugu dadaalka badan ayaay noqdeen, ku dayasho badan ayaa dhacday si looga faa’iido cilmigaas, caruurta Cambaro duruuf nololeed oo adag ayaa soo wajahday madaama aay agoon ahaayeen, sidoo kale xoolo badan ma haaysan oo u wada gala dhaqmaati, nolol maalmeed & waxbarasho Caruurtooda. Cambaro waxaay aaminsanaayd Alle ayaa wax bixiyee sidoo kale waxaay ku niyad samaayd in caruurteedu hadaay wax bartaan beri soo celin doonaan wax kasta oo aay maanta u hurto, tacab & tiigsi ayay galisay waxaayna wax ugu xoogsi tagi jirtay sidan:
Cambaro waxaay aroortii u kalihi jirtay meel ku taalaa degaanka oo lagu iibsho hilibka & Cuntada la miiso, inta badan goobtaas waxaa wax ka iibsan jiray dadka xoolo dhaqatada ah ee yimaada ceelka goobtaas ku yaala si’aay xoolaha uga waraab sadaan, Cambaro waxaay aroortii halkaas kuu iibisaa Saabeec, Sabaayad & shaah cadeeysa oo loo galo safaf dhaadheer halka maalintii aay iibiso qado bariis ah & hilib aan badnayn oo aroorta hore la sii balansado, xoogaa lacag ah ayaa ka heshaa maalintii marka aay iska daboosho qarashka aay gashay, sidoo kale caruurteeda halkaas ayaay nolol maalmoodkooda ka dabooshaa, baaqi aan badnayn ayaay usoo hadhaaa kasoo guntiga khasnad yar ku kaydiso si aay sannadka dhamaadkiisa ugu daboosho qarashka malcaamada, ku daroo Cambaro duhurkii waxaay qadada ku caawisaa macalinka malcaamada taaso asal u ahaayd si aan macalinku uga tegin Kaamkaas (Qoofal).
Waayo adag & waqti dhibtiisa leh ayaa Cambaro soo maray waxaa se ugu xusid mudan xiliga jiilaalka oo dadka xoolo dhoqotada ahi ka guuraan Kaamkaas (Qoofal), una guuraan mel ka fog goobtaas Cambaro cuntada ku karin jirtay, arinkaasi wuxuu keeni jiray dhakhli yaraan ku dhici jirtay Cambaro & caruurteedaba, waxaayse ku maaraayn jirtay arinkan.
Cambaro marka lagu jiri gu’ga ee dadka xoolo dhaqatada ahi keenaan caano badan waxaay hadhaaga caanaha u kala saari jirtay dhito & biyo, inta dhitada ah waay qalajin jirtay sidoo kale waxay ku wadhi jirtay kayd nadiif ah oo ay dhitadaasi ku qalali jirtay, ka bacdi markay qalalaan waxay ku kaaydin jiraty solay daboolan si aanay u xumaan, halkaas ayaay ku jiri jireen muddo lix bilood ah, marka la gaadhi waqtigii jiilaalka ee dadka xoolo dhaqatada ahina aay guuraan waxaa caano la’aan ku dhici jirtay caruur badan, dadka qaarkood waxaa ku dhalan jirtay inaay guuraan, halkaas ayaa cambaro ka heli jirtay suuq cusub oo caqli & clmi ku dhisan. Waxaa dib loo iibin jiray dhitadii qalashay oo sidii caano boodher hadeer jooga oo kale ah laga iibin jiray dadka baahan ee tabaalaysan caruurtoodu la jeelan yihiin caano la’aan, ku darso dhitada caano ee la qalajiyay lix bilood kumay jirin wax kemikaal ah sidoo kale ma xumaan jirin halka lagu kaydsado ayaa wanaag ugu filayd.
Cambaro arrinkaas jiilaalka ee dhitada la qalajiyay dakhli fiican ayaa kasoo geli jiray, kasoo lagu caano maalo muddo dheer, labada dhinacna waa laga fa’iidi jiray waa dhanka dadka degaanka, Caano ayaay heli jiran dhanka Cambarona, dakhli fiican aya kasoo geli jiray.
Dhanka kale Kaamkaas (Qoofal) waxaa sido kale jiri-jiray dhaqan soo jireen ah oo sameeyay dadka Kaamkaas (Qoofal) kaasoo ku saleeysana qabyaalad sababi jirtay dagaalo sokeeye & mid xoolo dhaqatadu isku boobi jireen. Odayaasha Kaamkaas (Qoofal) degani inta badan may jeclaysan jirin dhaq-dhaqaaqa xoogga dhalinta ee soo koraayay & hal doorka umadda, dhalinta waxaa loo adeegsada dagaalada & duruufaha adag sida: abaaraha, daadadka la taga xoolaha, dhisida burburka hoosooyinka marka roobku burburiyo, dirirta colaadaha, dhanka kale dhalinta talada laguma aamini jirin, kuwaay ka muuqato firfircooni badani oo wanaaga & waxqabadku ka soo iftiimay waxaa degdeg taayirka mariyay afku xoogle nololeed kasoo asal baabi’iyay guud ahaan naqligii nolosha usoo ifaayay ee ku dhex jiray dhalintaas reer Qoofal.
Maalmo jiilaal, gu, dayr, duruufo mashakileed,& kuwo nabadeed dhalintii qaar badan ayaa kaso baxay cilmigii wax barashada qaar kalena way ku hadheen ama ku dhaceen inaay dhameeyaan hamigoodii ahaa inaay dhameeystaan waxbarashadii malcaamada ee xifdiga qur’aanka & axaadiista, waxaa loo dabaal degayay intii soo guuleeystay sidoo kale la canaan dhegaha loo saaray qaarkii ka dhacay muddadii aay wax baranayeen, muddo ka bacdi waxaa muuqatay in labadiiba isku arin yihiin oo talada geedka & tan degmaduba u siman yihiin is kuna rag yihiin, mana jirin cid kala saarta oo tiraahdaa tiisa daryeelaa tu kale ku dara iskaba daayoo waxaa xoog bata hadba kii af-miishaarsan Somaaliduna waxaay ku maahmaahdaa “ qofka adhiga ilaalin kari waayaa ayaa geel loo dirsadaa”. Mudooyinkaas waxaa degaankas biyo dhigay jiridaha soo aastay dhibaato sida: gaajo, qabyaalad, dhuxul reeb, afku xoogle, yaqiin la’aan nololeed, oo mararka qaarkood aan la garan inta dadka baahan & inta waxhaaysata, Waayo? Afku xoogle Odey & daawdar nololeed ayaa boobay. Dhalinta wax soo baratay & cilmigii la rabay in lagu sal dhigo isaguna wuxuu noqday yaa hadlay ama yaa hadlaayaa oo odey afmiishaar ahi dhulka la dhacay, halka kacaanka dhalintu dadaal yara galay waxaayna ku hadaaqayeen in degaanka laga baxo qabyaaladda& dhibaha kale waxaase aan dheg jalaq u siin odayashaas Kaamkaas (Qoofal) degan. Odey ku xoogsada hadal ma kula tahay inuu yagleelo qalin ku xoogsi? Arinku waa maya isaga si kale ayaay ugu dhaamisaa ama ugu dhashaa ama ugu listaa.
Waxaa degaanku muddo kusoo jiraa dhibtaas, barbaarta & xooggii dhalintuba qaar kood cagta tahriib ayaay lugta saareen si aay u galaaan magaalooyinka ku xeeran kuwaasoo dhaqamadaasi kasoo dabar go’ayaan, qaar kale waa la jaan qaadeen oo meelay kasoo noqdaan ma jirto, waxaana ka mid ah kuwa dantaasi haayso Cambaro oo caruurtii aay dhashay labada dhinac midna aanay ku biirin, dhibtaasi habeen kasta waxaay werwer ku haysay Cambaro kana werwersanaayd inaay ka tegaan degaanka afarteeda wiil kuna daydaan dadka kale ee tahriibka waqtigaas galay, afartii wiil waa koreen muddo ka bacdi waxaadna moodaa inaay dhaqan ahaan & hami ahaan kala duwan yihiin uuna jiro kala duwanaanshiyo muujinayaa sidii dad meelo kala duwan kusoo kala koray.
Afarta wiil ee Cambaro dhashay isku dhaqan maaha waana kala tallo, mid waxa u noqday xaafidul qur’aan (Caleed) halka mid kalena xagga ciyaarta gacanta & sacabka caan ku noqday (Aadan), inankii sadeexaad wuxuu noqday nin aad u kaftan badan sheeko yaqaan & xeelad magaalo ayuu tababar ugu jiraa aad ayuu caan ugu yahay hasaawinta dadka degaanka waa (Cali), waana kusoo ifbaxay arinkaas nin sheekada looga dambeeyo ayuu ahaa marka uu hadlaayo qaar faro badani oo dadka ka mid ahi waay jecel yihiin inuu afkaa kala qaado, hase ahaatee sheekadiisu waxaay u badan tahay kaftan sheeko baraleey, dhaqan boob & geesinimo u badan sida hebel sheeko uu leeyahay, hebelkaas oo dad galaaftay ama hebel xoolihii dadka dhacay oo geesi lagu sheegay. Wiilasha Cambari kan ugu da’da yar waxa uu ahaa nin aad u aamusan hooyadiiina aad u caawiya waqtiyada aay u baahan tahay waa (Cumar), sidoo kale kala sheqeeya duruufaha nolosha gaar ahaan gelinka hore u raaca goobta aay ku iibisio cuntada yar, gelinka dambena taga malcaamada. Guud ahaan caruurta ama afarta wiil ee Cambaro Alle hibo ahaan & amaano ahaan u siiyay mid kasta shaqadiisa waa uu kasoo bixi jiray dadkuna waa uga dambaayn jireen, kan wadaadka ah ama xaafidka ahi aad ayaa kalsooni qur’aan loogu qabay sida Codka macaan, qiirada, & wacdiga maalmahaas u jeediyo (Caleed), kan sheeko yaqaanka ahina aad ayaa loo xiiseeyn jirey kaftankiisa wadaagiis.
Wixii waayo lasoo wada noolaa Cambaro & Caruurteedii sidoo kale dhibtii aay lasoo martay agoontaas waxaa maalin maalmaha ka mid u dagaal dhex maray inankii Cambaro caruurteeda ugu waynaa ee xaafudul qur’aanka ahaa (Caleed) & labo wiil o yar-yar oo isugu tagay wiilkii Caleed, Caleed oo ka soo socda goob u dhexeeysa meesha u wax ka barto & xaafada , labada wiil & wiilka Cambaro waa isku da’a waana iksu xoog, Caleed in la isug tago waxaa ku abuuray ama khasbay labadan gaban ee yaryar, dhaqan soo jireen ah oo labadan wiil kala yimaadeen gurigoodii, caadada isugu taga waa hal aay dheer yihiin dadka kale waana u gaar guriga aay ka yimaadeen, wiilk Cambaro waa kaarto yaqaan, waa karti yaqaan weligiina saluug dagaal ma galin, labadan kuray ee dagaalkaga kasoo horjeeda Caleed waxa is baray oo kali ah reer hebel baad tihiin, halka inanka kalena aay u yaqaanaan waa reer hebel, reer hebelka Caleed waa mid loo yaqaan cadow marka ay joogan gurigoodii, markaay cabaar is dagalayeen labadii wiil oo dhinac ah & Caleed oo dhanka kale ah, Oday(Nin Weeyn) timo cad (Ciro leh) soo gotay, gaboow aawgii waagii horena nin laf & dhumuc u dhashay waxaa uu kusoo mudh baxay dagaalkii caruurta goobtii uu ka socday, inankii Cambaro markii uu arkay ayaa aad u farxay ileeyn waa nin naftu haaysay oo la xiijiyayee, ku darsoo Caleed waxaa uu yaqaanay Odeygan hadda ka hor markii uu yaraa “ Dad yaqaan, Rag yaqaan, caddaali u ah dadka oo dhan, dadkuna u siman yihiin, haddu wax kala saarayana ama u xumaan sameeynayo aanu hoos u soo noqon inta tolka ahi u siman yihiin & isirka Somaalinimo.”
Wiilkii kaliga ahaa ee Cambaro dhashay malcaamadana kasoo baxay waa khaayr qabe aan aqoon u lahaayn dadka ka nacabka ah & kan nasteexada ah, hoos buu isula hadlay waxaa u yiri: “ ninkan wayn ayaa kaa qabanayaa ileeyn waa hebelee, hadhoowna labadiinaba waa idiin cadaalad sameeynayaa ilayn waad u siman tihiine”!! Talo waa ta dambeeysee Odygii gadh cadaaga ahaa Inta u si naxariistu ka madhantahay u eegay dagaalkii saddexda gaban ee hirdanku ka dhex socday, buu talaabada ku daray hab is qaad-qaad, kibir & xarago socod ku jirto, si jaleeco ah u garab maray kurayadii naf la caariga haa ee saacadahanba isku daalay, waayo?
Arinku kama aha karti yaraan, kamana aha si kale, waxaa ku dagaalamayaa meesha labo wiil oo uu adeer u yahay xigaal ah, oo dagaal ku wada hal gaban oo reer hebel ah, wuxuu ku sigtay inuu ugu tago oo dhinaca xigtadiisa ah garab is taago, hadaayse habeeen ahaan lahaayd wuu yeeli lahaa waxaase goobahaas ka dhowaa dhoowr qof oo dumar ah, kuwaaso qaaylo ku hayay labada wiil inkastoo ay ka fogaayeen, waxaayna ku qaaylinaayee “Hooy, hooy, war wiilasha kala qabta” markii dumarku arkeen Odey weeyn oo kusoo baxay waxaay ku qaayliyeen “war xaajoow caruurta kala qabo” hadaanu gadh-cadaagu ka baqaayn inaay ku sheekeeyaan dumarkaas “Xaaji hebel ayaa caruurtii isugu tagay” waa yeeli lahaa inuu dhabarka kala maro Caleed oo ka xigteeysto labada wiil ee inaadeer kii dhalay Aways Gaab, markuu sii dhaafayayna ciyaar kuma tagin gadh caduhu, ee waxaa uu dhiiri galin uga dhigay wiilashii uu adeerka u ahaa “labo hebel waa libaaxyo” isagoo sii talaabsanayaa sidii libaax aan Aakhiro noolaanayn, ama cid kala xisaabtantaa cadaalada aanay jirin, “ogoow Alle waa xayyi weligii neceb cadaalad darrada & dulmiga”, dumarkii arkaayay ayaa ku shekeeystay “ war waa Cilmi oo khaayr kuma duxin weligii, waa goblan aan noloshiisa weligii caruur ku ag barbaarin”, Gadhcadaagii Cilmi halkaas kuma hadhinee wuxuu ugusii daray Gabankii Cambaro hadalo bahdilaad ah “ bal eega miskaha uu lee yahay, rag la dagaalmayo, misko xumaanta isir bay u leeyihiin” kalmada isir raaca u sheegay waxa u jeedaa Cambar ayuu nisbaaynaa kamana qabato, isagoo Odey inta le’eg inuu hadalkaa ku yiraahdo iska daayoo, caruurtaa degaanka ayaa maaga Cambaro ka xishootaa. Meeshu waa kob cidla oo dhoowr dumar ah baa gees ka jooga, wiilka laay sugu tagay hadii uu dhaho iga qabta waxaa uu ka baqayaa in beri dadka lagu dhex cebeeyoo. Dadka Kaamka Qoofal degani waxaa ku badan caqli gaab dawarsada faanka naftiisa oo been abuur u badan, “Aniga ayaa adag & hebel waa la dilay” qofka laga itaal roonaado ama maalin la legdaa, bulshada kaamka Qoofal waa ka macruuf, dadkuna uma yaqaan qof milge u hadhay, Qoofal waa Kaam dagaal, boob & kala dhac u yahay nolol oo dhan. Waxaa laga sheekeeya ama laasyku amaanaa waa xatooyo umadeed oo ah “ Hebel waa Geel qaad”, Kaamka Qoofal waxaay takoortay kumanaan aan waxba galabsan iskaba daayoo xitaayn hablaha ma geeydid hadii ceebtaas oo kale lagugu helo, ceebtasi waxa weeyaan “Hebel maalintii dagaalkii reer hebel wuu maqnaa, hebel waxaa maalin dhowaayd legday dagaal hebel, warkaasi lama tirsado” dadka & qabiilo ayaa sidaas ku gumoobay oo sharaftoodii, kartidoo & hankii Alle siiyay lala dagaalamay ceebna dusha looga tuuray, waxaana sabab looga dhigay dagaal hebel ba dhoowr qof & dhoowr faras laaydin kaga qabsaday, arinkaasi marka uu dhacay waxaa qabiilkaas lagu waajibiyay in aan laga guursan ama lala degin, dhanka kale dadka degan Kaamkaas waxaa dhici jirtay in wiil danyar ah, uu legday wiil uur digis ah lagu caayo dad dhan ama qoomiyad dhan oo taariikh looga dhigay inaay yihiin dad liita am yasan, qiraalkaay & fikrikaay takoorista somaalida maaha wax macquul ku salaaysan & xaqaa’iq, waa arin ku sal fadhiyo sal fudaayd, doqoniimo dhaqan oo dagaal kale ah salka ku haysa, sidoo kale xiqdiga qabiilnimo ayaa ka soo bilaabmay habka nolosha Somaalida u noolyihiin waxaay faanka u yaqaanaan kala adkaanshiyo an guusheeda markhaati cidna uga ahaayn waana arinkii markii dambe u burbureen dadka Somaalidu, dhanka Kaamka Qoofal arinkaasi waxaa sidoo kale u tahriibiyay kumanaan wiilal ah oo maalin kali ah wiil asagood legday, ama qaar kale oo lagu caayo dagaal hebel waxaad ka ahaayd Laangaab iyadoo looga jeedo tirada aad kaga qaayb gashay baa yaraayd dad ahaan & gadiid ahaan (Fardo & Aawr), Dagalka leged kaasi maaha mid aqooneed mana aha mid caqliyeed, ee waa mid xoog-xoog.
Aan dib ugu noqono Dagaalkii dhex-maray Cambaro wiilkeedii & Labadii gaban oo kale, goobtii dagaalku ka socday waxaa soo martay Hooyo da’ taagan oo ku qaaylisay labadii wiil, markii aay soo gaadhay ayaay xolod xaab ah oo culus ku halgaaday midkood labadii wiil dhabarka kala heshay, sidaas ayaay kaga yaaceen sidii waraabe laga riday neef. Nasiib wanaag Caleed halkaasuu kaga badbaaday ceebti soo jireenka ka ahaayd Kaamkaas (Qoofal) mar hadaan la legdin, Hooyadii da’da ahaaye ee Alle nasriga ugasoo dhigay wilkii Cambaro (Caleed), markaay soo gaadhay ayaay ku tiri “Hooyo, hoo biyahan dhan, oo qudhqudhu intaay kuu gaadhaan ma badnee, marka uu inankii afka sidaas u saaray, ayaa odaygii dhowaan dhaafay soo maray oo yiri “war ragii ma iska celisay” yaab!!!, & hadal-kale oo xiga isagoo isu muujinayaa sokeeyo “adoo lugahaas leh ayaad ragga la dagaalamaysaa, bal eega sida uu u xiiqsan yahay” weliba sidii qof waalid ah o celinayaa buu Wilkii yaraa ee (Caleed) u maagay, sidoo kale damcay inuu dhirbaaxo, dantiisuna waxaay ahaayd in Caleed ka guuro magaalada ama u ahaado qof takooran. Hooyadii Da’da ahaayd ayaa ku hagoogatay Caleed, kana gaashaamatay dhagarta loo walaaqayo Caleed waxaayna ku tiri “ war hooy, ninkoow waan ku aqaanaa samo-talin kaama aha, waase ka bahdilaad, waan ku aqaanaa oo qabiili ila gunta socda baa tahay, waan ku aqaanaa oo doqon libaax isu yaqaan baad tahay, waan ku aqaanaa oo anaa yeelay weeye arinkaagu, waan ku aqaanaa oo hilib Somaali sokeeye ayaa caaydhiiin ku kala dishaa, waan ku aqaanaa oo caado qaate ayaad tahay, waan ku aqaanaa oo hunguri ayaad wax ku dishaa, waan ku aqaanaa……… & qaarkale oo badan.
Wilkii yaraa (Caleed) oo yaaban hadalna yagleel ku noqday ama teel-teel dhegtiisa u galaayo, weligiis muu filaayn arin kan oo kale, waa yaabka yaabkiis hawshuna weji gabax ku noqotay, talona anfariir ku tagtay, xaalkuna cirkaas la’aaday, Galabtaas waxa uu xaqiiqsaday halka uu Odeygaas gadh caduhu ka joogo bulshada Kaamkaas (Qoofal). “Walee dib kuuma aamino, inleeyn qof wax yaqaan oo guyaal soo jiray ayaa wax la waaydiiya” wilkii ayaa hadaladaas ku tiraabay isagoo uga jeedaa Macooyadii Da’da taagnaayd, hadalkeediina fahmay oo si ka wanaagsan si kale oo dhici lahaaydba ugu duxay hadalka Hooyadaasi.Wiilkii yaraa dareenkiisii fikir & kii aaminaad ba waa is bedeleen, waxaa uu ka fogaaday intii uu sokeeyaha u yaqaanay (reerkiisa qabiilnimo) sidoo kale intii uu ku ixtiraami jiray reer nimada oo sokeeyaha u arki jiray maalintaas waa uu nacay, waana ka fogaaday, waayo cid la aaminaa hadeer uma muuqato, qaar kalena hore ayuu uga samray. Odeygii gadh cadaaga ahaa isagana kala dhintee madaama isaga uu wanaag door bidi jiri hadda ka hor cid la aaminaa ma jirto. Arinku waa ka dambeeye sheekadii Caleed waxaa uu guyaal badan joogo degaankii isagoo baadhaayaa waxyaabaha ka dhexeeya Odeygii & labadii wiil ee dagaalku dhexmaray, sir ma qabe Alle ayaa u maqanee, dhacdadan buu la kulmay (Caleed).
Muddo hadeer laga joogo labo sano ka bacdi maalintii dagalkii u dhex maray labadii wiil oo dhinac ah & Caleed oo gees ah, galabtaas sanadka & dheeraadku kasoo wareegay Cambaro wiilkeedii garwaaqsaday madhaxa lagala kulmo miciinsiga qof aanad aqoon dadnimadiisa & Daacadnimadiisa aqoon u lajaayn, waxaa laga dhaxlaa cuqdad ma guuraan ah. Isla galab taas aay meesha ka baxday sokeeyo aad isku ladhaa inaay dhaanto saxiib aad is aamintaan, galabtaas baay ku sutantahy dhamaan sheekooyin kaas ka dhacay kobtaas ku dhoow kaamka Qoofal, waana xusuus ma guuraan ah dhanka Caleed. Caleed galabtaas waqtigu ka soo wareegay ayaa arkay labadii wiil oo meel cidlo ah taagan, una dhoow ceel biyaha aay ka cabaan xoolaha & dadkuba, waxaa garab taagan odaygii gadh cadaaga ahaa hadeer soo gotay duruuf tii hore ka badani ka muuqato, da’ahaana gabaabsi sii taagan, wejigiisana mugdi faro badan ku jiro, Wilkii Cambaro (Caleed) waa u dhowaaday dhegtana u raariciyay si’uu u maqlo waxa aay ku tiraabayaan, ama kelifay inaay gaar isula baxaan, hadalka intiisa badan waxaa wadaa Odeygii, Caleed inta uu hadalka kasoo gaadhay, madaama muddo cabaar ah hadalku u socday labada wiil & odeyga, waxa uu usoo gaadhay iyagoo leh: “ Adeero orda oo malcaamada taga, wax bartaa, waxaad quudataan & waxa ku baxaya noloshiina anaa ka masuul ah intaan noolahay, asaagiin waa idiin dhaafay, qaarkood waxbaay soo barteen, waana kuwaas magaalda ka dhex muuqda, qaarkood na waa soo socdaan, reer hebel yaanay ina dhaafin waa cadoowgeen, dagaal hoose ayaay nu kula jirnaa” ..& qaarkale oo weedho cudur abuuris & degalo nabsi loo yeedhanaayo ayuu Odeygii ku tiraabay. Cajiib!! Yaab ayaa wiilkiii Cambaro dhegta u saarmay, talona waay ku cuslaatay, ku darso waa iska aduunyo gabaabsi ah, wax kastana in la arkaa waa suurto gal, sidoo kale xaal isma dhaamo, Xaafidul qur’aankii arag sidaay wax u socdaan waxaase kaga daran, sida uu Odeygaasi maalintii uu kobta joogay iskaga dhigaayay adeerkiis, una axmaqnimo maagay sidi qof ku jecel oo kale, ilaayn qofka kula colaaytamaya waad taqaanaayee.
Sheeko waa kula tagtaayee, wiilka yaraa ee Cambaro (Caleed) guyaal badan ka bacdi waa koray, waana xoogsaday wuxuuna noqday Kurey muruq adaayg ah, dadka macaamiil fiican ayuu la leeyahay, Caleed waa rag yaqaan, dan yaqaan, & Alle yaqaan, waxaa hanku galay yaraan, waxaa waqti badan galiyaa in u degaanka taladiisi ka qaayb qaato si’uu u hirgaliyo waxyaabo faro badan oo u maskaxda ku hayo, qaar kalena oo u arkaayay si toos ah, ugana midho dhaliyo hiraalka uu u arko horumar. Caleed hadda xoogaa aqoon ah oo ku filan ayuu haystaa daalac badana wa u ku jiraa maskaxdiisa waxaa ka buuxda hal abuur farshaxanimo leh, sidii qorax soo baxday bulshada ayuu ka dhex iftiimayaa, waxaayna u muuqataa in Aadmuhu aanu dabooli karin Alle mooyaanee.
Maalin maalmaha ka mid ah, Caleed isagoo xoog u qaaylinaya ayuu Hooyadiiis usoo galay, waa Cambaro oo Caqligeedu taam yahay, talona dadka kale ka martiyaan iskaba daa wiilaal aay dhashee, Wiilkeedii Caleed oo aanay uga baran qaaylo badan ayaa hadal uga bilaabay: “ Hooyo, kawaram hadaan talada degaanka ka qaayb qaato, kuna kordhiyo waxaan aqaan, sidoo kale saxo wixii ka khaldan oo aan ka hirgaliyo cadaalad, sameeyo cilad saar nololeed, anoo qaadayaa talaabooyin horumar, kuwaa soo keeni kara nabad, wax yaqaan kuna ka talin doono dhulkeena, halka wax-ma-.yaqaankuna la siin doono nasasho ku filan si looga baxo dhibta haaysata dadkan guud ahaan”.
Cambaro oo ahaayd qof aad u talo badan ayaa ku tiri “ Hooyo Aabahaa waa u geriyooday idinkoon barbaarin, qaarkiina dusha lagu siday (Xam-baarsanaa), hadaan Aabihiin war fiican idinka siiyo, si’aad ugu dayataan, waxaa uu ahaa; nin firfircoon sidaada oo kale, dad yaqaan ahaa, waxaa uu caan ku ahaa xumaha qofka wada waa toosin jiray, kan wanaaga wadana wax buu la qaban jiray, nacabka & nasteexa dadka isku si uma wada arki jirin, lakiin midna gaarkiis uma fogaayn jirin, hayeeshee hooyo; wiilkaaygii aan ku dhaadan jirayoow, dhuuxaaygii kowaad Caleedoow, tacab & barbaar badan ayaa iga kaa gashay, heerkan aad taagan tahayna waxaa ku timi Alle oo garab ina siiyay, aniga(Cambaro ahaan) haawl iguma yaraayn, ogoow Aabahaa waxa uu ahaa nin xeerin faro badan, dadka afkiisa & adinkiisu ka nabad galeen, aqoon ayuu u lahaa dadka inta milgaha & sharafta leh, sido kale dhaqan ahaan waa u garanaayay sida tariikhda loo kala yaalo, sadashiisuna may xumaayn oo maanta baa odoroskiisii waay taagan yihiin qaarkood, ee hooyo intaanad gardaadin hankaaga, hilaadi hibashadaada, u yeeelo saansaan u diyaarsan damacaaga, waxaan sidaas ku leeyahay weli waxaad u baahan tahay inaad kala fahanto dadkan sidaay u dhaqmaan & meelaha qaarkood inaad dadaal & dulqaad kamuujiso”. Arinkaasi talo fiican ayuu ahaa, Caleedna sidii ayuu ku garwaaqsaday ama kusoo dhoweeyay taladii hooyadiis Cambaro, Hooyadii Cambaro waa talo yaqaan dadkuba martiyaan.
Caleed isagoo yaaban ayuu fikirkiisa dib ula laabtay taladii hooyadii qaatay, waxase kaga daran talada Hooyadiii, dadka Kaamkaas (Qoofal) inta badan talada geedka ayaa laay sugu yimaada. Waa degaan inta badan haawl iska dhacdo sida; qaadhaan ururin ama dhib soo korodhay, Caleed marka uu tago shirar-kaas ama fadhiisto geedka , jibbo ayaa qaadaa wuxuuna isku dayaa inuu hadal ku darsado ama wax toosiyo, talo xumida, & hanyarida ku jirtaa dadkaas ayaa kalifta inuu wuxuun ku dursado, talada geedkaas si u hirgliyo hankiisa, waxaana u yiraahda dhowr-kelmadood kuwaaso canaan u badan & qiiro aan lahaayn sal badan, lakiinse u muuqata inaay tahay wax ka dhiman duruufaha nololeed ee Kaamkaas (Qoofal), dadkaasi waay tabaalaysan yihiin, waa baahan yihiin, waxaase hoday ama baabi’iyay Odey caqli cabaaydh ah & qabyaalad ku salaaysan liidasho nololeed, waana ta kalifta in Wiilka Cambaro ku darsado talo toosin ah ama canaan ah, sidoo kale ilaabo taladii hooyadii.
Talada wiilkan da’yari (Caleed) soo jeediyo inta badan ee u gudbiyo Odayaaasha Caleed u yaqaanay geed quutayaasha ama qabiil quutayaasha ah, waxaay uga jawaabaan; “Arinkaasi waxaa u baahanyahay in wax laga qabto” waxaayse ka dambeeysiiyaan, “laakinse, lakiinse garanshiyaha cidkasta fikirka wanaagsani waa uu kujiraa ee side ay u suurto gali lahaayd? aayaa muhiim ah, (fikirka fiicani dadka aad ayuu ugu dhex-guuxaysaa lakiin ficilka ayaa aad u muhiima” kelmadahaas Odayaashu ku tiraabaan. Yaab-badanaa Odey soow diga sheegaty inaad tahay talo oo dhan, fikir oo dhan, meeyay wax-qabadkaagii? Mise waxqabadku waxa weeyaan: soowdiga salfudeeydka ku hogaamiyay dadkii oo dhan , axanka qabyaalada adaa dib u cunsiiya dadka, adaa ku abuura urugada & caloolyoowga kan wax soo barta & kan kaleba, Odey soowdiga is-nacsiiyay kumanaan reer hebel ah, kumanaan kale oo reer hebel ah, oo aan weligood is-arag, soow shaaydaankii insiga Odey ma tihid, hadaad sidaas u dhaqanto? markad tiraahdo reer hebel inama jeclaa, ilmaha barbaarayaa soow nici maayo cidkasta oo reer hebel ah, taloow xaggaa laga marayaa xisaabta Alle, odoyaasha oo dhan maaha, ee waa odayaasha aan waxgaradka ahayn, mid dhalasho & mid dhaqashoba aan galabsan, Odayaasha waxgaradka ah, Alle yaqaanka ah, dhaqan yaqaanka ah, Waay karaameey san yihiin xag Alle & xag dad-ba, waxaanse u jeedaa Odeyga aan cadaalad ka talin, samo ka talin, dan umadeed ka talin, ee ka taliyay dantiisa oo kali ah, & dan urugo ama xumaan”, weedhahaasi waa kuwa Caleed uurka ugu jiray, markii dambena uu ku oran jiray odayaasha qaarkood.
Da’yarihii wiil, firfircoonaa ee Caleed: Maalintii dambe ayuu Hooyadii u sheegay mar kale inu hawlihii degaanka ka qaayb qadanaayo isagoo 32 jir ah, Hooyadiii waxaay ku tiri “ Hooyo mar hadii damacaagu sidan yahay, tijaabi hankaaga lakiinse, ogoow in dhoowr walaalaha ah aay ku eeganayaan, hadii aad guul daraysato iyaga na dib looma aamini doono, dadal badan muuji, dadka isku hay, dhaqnkaagu wayeel ha u ekaato, karaamda diinta Alle ku siisayna ilaali sharafteda & xilkasnimadeeda, waxana iga dardaaran ah; dhaqanka aad ku timi meesha yaanu noqon ka aad wax ku filiso, ee dadka u cadaalda sameey, xaaraam iska ogoow, dadkaaga daryeel” inanki dardaranki wuu qaatay waana u fuliyay arinkii si qoto dheer maalmihii hore ee soo bar biloowga ahaa taladiisu, gaar ahaan intii uu dhex boodi jiray talada geedka halka looga aramiyo, si loogu arko nin wanaagsan ka hor intaanu si buuxda ula wareegin xilkii ugu sareey ee dhaqan kasoo degaankaas kasoo jiray waqti.
Markii laga talo galiyay Caleed Kaamkaas xaalkisii, arinkiisii, & hiraalkiisiiba, looma siin sidii hadyad oo kale, awood xoogan oo kartiyeed buu ku yimi, waxa uu inankii laso galay dardar faro badan & karti dheeraad ah, wax qabad loo bogay, Sidoo kale waxa Kaamkaas (Qoofal) ka hirgaly mudo kooban cadaalad & barwaaqo, waxaayna suurto gashay In ifaafaalo fiican la sadaaliyo guud ahaan, waxaase caqabad ku ahaa go’aankiisu ma ahaayn kaga ugu sareeya, Odeygii Suldaankii degaanka ayaa nool, kasoo loo cumaamaday muddo laga joogo konton & labo sano ka hor (52 sano), Caleed karti kasta uu leeyahay waxaa, hadana quudhsi ayaa jira lagu dhantaalo karaankiisa (Caado dhaqan & qabyaalad).
Muddo kooban Caleed degaankii taladisii waxa uu ku yeeshay fikirka ugu badan, waxaase uu culaayska saaray in uu markasta eego oo dhiso hiraalka degaankas (nabad, wada dhaqan, yaraayn takoorista, xidhiidh bulshooyinka kal, gacan qabashada dadka wayeelka ah). Markii guyaal qaayb ka ahaa talada degaamadaas, fikir kiisuna ahaa dhaqan xeel dheer, wiilkii maalintii dambe waxa u noqday hogaanka bulshada ka bacdi geeridii Odeygii ka talin jiray deegaanka Suldaan Warfaa oo ku naays dheeraa (Guubaab), oo lahaa awoodo qarsoon & qaar muuqda, waxaase lagu yaqaanay inuu dadka kala qaaybin jiray qaarkood u geeysan xasuuq qarsoon , qaar kale dadka cadoow uga dhigi jiray.
Markii Warfaa noolaa ee uu talin jiray, waxaa uu ka talin jiray in wiilkaas yar ee degdegaya, in laayska ogaado (wiilka Cambaro ee Caleed), hadii kale meel fog ayuu idin kala dhacayaa, isagoo ka baqaayay in xilkiisa isagoo nool kala wareego, ama qabsado awoodihii talinta, Warfaa dadka maamulaa waxaaa uu ka biqi jiray, in dadku baraarugaan, halka Caleed gubaabin jiray cidkasta oo huruda, odeaygu waxaa uu arki jiray Caleed nin degdegsan, Warfa waxa inta badan arki jiray dad faro badan oo col ahaayeen oo hada la meeqaam ah Caleed, cidkasta oo nacdaa awoodda hogaamineed ee Warfaa oo da’da taagan, waxaay u tagi jireen o la tashan jireen wiilka Cambaro, halka wiilka Cambaro u muuqday nin cidaksta iska dhaadhiciya, si uu dantiisa ugu meel gaadho, ugana guul dhaliyo guulaha uu hiigsanayay.
Hadaba Caleed markii odaygu geeriyooday waxaa loogu dul dhaariyay xabaashii odeygii suldaanka ahaa dusheeda, inuu talada kaamak Qoofal la wareego, hadii dib loo raaco sababta keenya arinkaasi, waxaana dede-ji-naayay qaar ka mid ah odayaasha degaanka kuwa soo ka cabsi qabay, dhoowr wiil oo u dhalay Suldaan Warfaa, taasoo looga cabsi qabay inaay ku qabsadaan hogaanka talada, waxaana laga fa’iideytay intaay geerida ku jireen oo qiireey sanaayeen “waa meher xad arin u dhignaa” caruurta Odeygu ka dhintay cidkastana waxaay u arkaayeen inaay yihiin walaalkood, halkaas ayaa Caleed ku noqday hogaamiyaha degaanka, isagoo filanshiyo la’aani ku jirto lana yaaban sidaay wax u socdaan, mudadii uu xilka hayay dhoowr odey oo degaanka hor joogayaal u ahaan jiray, oo loo yaqaan xikmad wadayaal ayaa dabo galay iskuna dayay Caleed in dadku nacaan, am colaad loo geliyo bulshada ka talo qaadata, si looga tuuro nidaamka maamulka, wiilka Cambaro waxaa ugu horeeyn abuuray inuu rukumada aasto, muddooyinkii dambe waxa uu ku dhaayi jiray sidii ugu noolaan lahaa awood ka badan tii uu ku noolaan jiray Odeygii ka horeeyay (Suldaan Warfaa), ee ka ahaa degaanka, sababtoo ahna waxaa keenay dadka degaanka Qoofaal oo aad dagaal mucaarad la dagalay Caleed, wuxuu arkaaya Caleed dhibkasta oo dhacda in lagu kalifay, ama laga keenay.
hadaan dib ugu noqono Gurigii Cambaro & wiilashii aay dhashay oo sadex ahaa, marka laga reebo wiilkan haawsha ku jira, waxaay ku noolaayeen nolol wanaag & mid tacab, halka sadexdii wiil aay ka kala dhaceen meelo kala duwan, qaarkood waay shaqo tageen mid xoogsi ah, qaar kalena waxaay noqdeen qaar nolushu ka tan waaynaato, wiilkii waaynaa ee Cambaro taladana gacanta ku hayay uma war hyo halka xaal taagan yahay & waxaay ku nool yihiin walaalihii, marka laga reebo hooyadii Cambaro oo gurigeedii laaydhka lahaa ku nool, hadalba waa ka dambeeyee malintii dambe waxa u yimi sadexdii wiil walaalaha ahayeen, isku talona maay ahaayn muddo dheer hadda, waxaau ku kulmeen meel aan ka fogaayn geed muddo dheer hadeer lagu talin jiray, waxaayna waydiiyeen halkuu arin ka bilaabi lahaayeen, si’aay u tabcdaan waxna u qabsadaabn, dhanka kale talada umada intaay ku yeelan karaan, Wiilkii Maamulaha ahaa isagoo aad moodo libaax ayuu ugu jawaabay “ war waa nimanka; dib isug noqdo o midkasa toow soo tasho, aniga igu haleey sidii aan idiin la talin lahaa, ordaya oo arin keena si wax qabad loo wada hagi lahaa, halkan maamulka arinkiisu waa inaga dhexeeyaa, waan wadaagnaa”. Goobtaas, wiilashii Cambaro waa kala qaaybsameen, waxaana goobtaas ka biloowday burbur kii ugu mustaqbal liitay, mid waa u cadhooday, midna waa yeelay soo jeedintii, midna dhanna muu dhaqaaqin oo waa yaabay, halkii buu iska garab fadhiistay walaakii Caleed ileyn talo kale ma jirtee, kii duday dib umaso noqon, kii iska tegayna weli waa maqan yahay, halka kii tashadayna waxa uu ku yiri: anigu waxaan rabaa inaan kula sheqeeyo, gacan yare kuu noqdo, taasoo aan dhaafsiisanaayn hal beegaas ah inaan noloshaayda tuugsado, ilaashadho maalin nololeedkiisa !! halka Kii ag fadhiistay waxa u ku yiri adigu cun, cab, halkaasna iska joog wax kale uma baahnidee, wadaaga Caleed sheegay oo lahaa dadka & dalkuba waa inaga dhexeeyaa micnaheedu waxa weeyaan, in Caleed sad bursado oo waxkasta soo dhaafi waayaan, halka dadka uu leeyahay waad ila wadaagtaan noqdaan, kuwa waxaay ka helaan Caleed noqoto dawarsi, & Cad quudhsi, taasi hunguriga wiilasha walaalihiis ah waa u ka dhaadhici qaarkood, qaarse waa saluugeen oo arinkaas sida fiinta baay uga qaayliyeen, qaarna waaba kaga tageen, waxaayna la noqdeen Cadoow fog oo meesha kasaaray farqigii balaadhnaa ee walaaltinimo kasoo qaadan lahaa in waqti aay walaalo ku gaadhaan ilaa heer cadoow, waxaa u dhexeeyaa marka hore inaay kala dudaan walaalo, marka labaad is nacaan, marka sedexaad walaaluhu waa kala fogaadaan, cadoowtinimo walaaltinimo, waa kaalinta ugu dambeeysa ee la gaadho. Caleed & walaalihii waa afar wiil oo Hooyo Cambaro wada dhashay.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaay hooyadood u tageen labadii wiil oo wada socda kuwaasoo aay ka maqan yihiin Caleed & Cumar, waxaayan u sheegeen “Hooyo hebel waa u duday, labadii kalena sidaas ayaa loogu taliyay, inta aay dhoolo cadeey-say ayaay tiri “Hooyo noolaada sadexdiinu, kaasi mar hadi u duday dururftiis isaga yaqaana, waxase I ga dardaaran ah ninkaasi meel ku ogaada, hadi kale maalin aad u baahan-tihiin ayaad tebi doontane”! Cambaro duco faro badan ayaay dusha ka saartay, waxaayna ku tiri hadii aad midoowdaan waad guuleeysan, hadii kalese waad kala dhantaalan tihiin. Sidii ayaay uga tageen, dheg jalaq umaay dhigin hadlkii Hooyadood intii taladooda ahaayd midnimada, iyadoo uga jeedaa wad jirnimida in lagu waari karo, loona baahan yahay in qofkasta la qanciyo, arinkaasi kumuu tudhnaayn caruurta Cambaro waqtigaas, waase kusoo labo kaclaayn doonaayee, muddo ka bacdi arin loo joogee.
Markii uu inankii weeynaa la qabsaday habdhaqanka degaanka, xusuusatay wixii laays bidi jiray, la garnaqsaday naftiisa, inuu u baahan yahay astaamo madaxtnimo oo afrikaanku caan ku yahay Sida: in laays dulmiyo, dadka qaar la xumeeyo, qaar-kalena garabkaaga la dhigto, kibir& cadaalad daro joogto ah & dhaqamo kale oo saansaan koodu raadeedkeeda kaga tegeen hogaaminta afrikaanka ah, hada qarkood xijaabteen qaarkalena ku xabsi galeen, waxaana Caleed ku dhaliyay inuu sidaas u dhaqmay labo arin; in uu arki jiray siduu yeeli jiray hogaamiyihii ka horeeyay, & in tolkiis oo maalin kasta uga sheekaayn jiray, colaada ka dhexeeysa qaar kale oo tolkiis aan ahaayn, Caleed ma xusuusna dhibtii tolkiis shalay baday, dhagartii shalay u walaaqayeen & taladii Hooyadii Cambaro midna ma xusuuna Caleed waa dhego dhadhaban yahay, mana xusuusto urugadii yarantiisi, isagu hadii uu bilaabo aargoosi dadka waxa uu ka tagi doona oo kali ah cidii nidaamkiisa u dhoow in laga aargoosto, waxaase Caleed ka muuqataa inuu yahay Ciil-Qabe.
Dhoowr moosin ka bacdi; waxaay inamdi kala noqdeen sabool, dawarsade, kaabe, la-gataati dhace maalin nololeed kiisa bahiyeed, kuwaaso maalin kasta daboola baahida cimileed,(maalinta roob jiro & maalmaha kale farqi gaar ah uma sheegto), mid kale oo aan weli la aqoon sida uu noolyahay waa kii dudayee, lakiinse warar ama warbixino sida dabaaysha oo kale ah laga hello, & hogaamiye cadaaladu badh ka tahay waa Caleed. Hooyadood dhan waa ka hambal-yaaysaa wiilkeeda sida uu gaadhay hankiisii, dhanka kale waay ka tacsidaysaa waana ka murugootaa kala qaaybsanaanta wiilasheedii aay dhashay, waxaayna xusuusataa si heed-heedh ah talooyinkii soo jireenka ah, wiilkeeda Caleed na aanu dheg jalaq loo siin, Waxaase kaga daran mid ka mid caruurteedii ayaay la’dahay, mid kale wa sabool oo wiilkeeda Caleed ayaa ka dhigay, mid kale wax badan ma dhaamo, halka mid ka mid ah uu ka samato baxay dhibaatadaas oo dhan, lakiinse maalmaha qaarkood, waxaay aad uga yaabtaa hadba hiraalak uu ku faraxsan yahay Caleed & taladii uu qaadan waayay, waxaan maqli jiray “ waay qoslaaysaa, gurigeeduna hoosta ayuu ka dhumayaa”.
Sirta nolushu waa meerto, maanta oo kale wilkii Cambaro (Caleed) ee Hogaamiyaha ku magacoow naa waxaa uu gar ku naqayaa goob ku taala dooxadii jirtay sanado ka hor, hadase noqotay turug xooga guryo ah laga dhisay, waana goobta uu ku bartay gadh cadaa bilaa cadaalad ah & garnaqsi qabyaladeed, sidoo kale waa goob dulmi dhankiisa; waana garasho eex tii ugu horeeysay ee uu arko goobtii macalinka uga ahaayd, dhowr sano kahor ayaay ku dilayeen labadii Kurey, hadii uu yahay wax yaqaan xusuus dheer ama aragti fog, maanta oo kale cadaalad ayaa la gudboon hadii uu xasusanyahay dhibtii sacadaas haaysatay ee dagaalka ku dhex martay isaga & labada kuray, sidoo kale gadh cadaagii oday ee ka eexday galabtaas, hada wuu dareemi lahaa lakiin damiirkiisu goorma ayuu sheqeeyaa??, gabalkii dhacaaba ilaayn wa sidiisii hore oo kale, qaar aan awood badan lahaayn ayuu halkan rabaa inuu ku dulmiyo, garta cadaalad ayuu u akhriyaa oo hadalkiis ayaay ka muuqataa, faqa & laaluushku waa u gaar, odayga tolka metelanaa waa iska dhigayaa, ( cadaaldu fogaa, halka lagaso qabtaa), duufaano ayuu kor u kicinayaa, ciil & cadho ayaa ku gamuuratay, argoosiga ayuu sidan u yaqaanaa, in dadka maatada ah la dulmiyo, afkana xumbaa ka da’aysa, ma garto qofka hadii uu ku xumeeyo in wanaag ba loogu abaal-gudi karo, maxaayse mustaqbalka kuu taraysaa xumaan so jireen ah & Ciil qab uurkaaga ku teedsan, taladii maanta adigaa yaa gacanta ku haya shalay na adigaa cabanaayay, soow adigii dadaal ugu jiray inaad hankaagu noqdo mid hirgala lagu na kala badbaadi karo , “ Damiinku waa qofka mara ama raaca wadadii lagu khasaaray shalay”, ku darso Caleed oo hadeer isaga laftigiisu da’da taagani, dadka meesha fadhiya ayuu ka eegayaa cidaay isku qolo yihiin, isagoo isha la raacayaa dadka ku xeeran, waxaa uu isha la helay Odeygii gadh cadaaaga ahaa ee maalintii arinka baday, farxad ayaa indhaha ka soo saaran wuxuuna isku dayayaa inuu mar uun hadlo odyagu. si uu uga aargoosto una maago, sidoo kale uga dhigo wax-ma-yaqaan.
Cambaro maalmaha ku beegan guushii wiilkeeda Colaad, waxaay gashaa dhoowr wiigoo farxad ah & dhoowr asbuuc oo murugo ah, waa malintii uu gulastay wiilkeeda weeynaa ama curadkeedii, arinkaasi waa u farxad inaay aragto isagoo talinayaa, waay-ladabaal-degtaa, & maalmo kale oo aay ka murugooto dhowor wiil oo kale oo nolashoodii bar-seegay, isla maalintaas ayaay labadaasi wada dhaceen, dadka qaar waa u farxad maal-mahaas, qaar kalena waa u murugo cadaalad darada jirta awgeed.
Waxaase ugu xusuus mudan, cabashada uu qabi jiray wiilka weeyn markii uu talada la wareegay, hooyadiina waxaay oran jirtay “waxaa uu fuliyaa habdhaqankii uu ka caban jiray, ciil & cadho ayuu la soo jiifay mudo dheer, manta qaarkale ayuu rabaa inuu ciil bado, ma fariidnimada ayaa sidas biday inanka, mise caqli & maskax ayaay ula muqatay, miyaan duruuftu wax soo barin, waaba kaftan sidani, hadii shalay awooda lagugu dulmiayay ma maanta ayaad wax ku dulmiyaysaa” Waa kelmado Cambaro ku tiraabi jirtay gelin hore & mid dambe labadaba, Rasuulkeena Suuban NNKHA, waxaa ugu darnaa Qureeysh oo ka soo jeeday, waay dhibi jireen, markii Rasuulka Maxamed oo dib u qabasday magaalooyinkii Makka, Madiina, wuxuu ula dhaqmay intii soo islaamtay si la mid ah dadkii la haajiray & qaarkii gargaarka diinta ka qaayb-qaatay, iskaba daayoo gaaladii ku noolaayd Makka ee ahaa Yuhuudda, waa la ilaalin jiray xuquuqdooda waxaa na laga qaadi jiray Cashuur, waa daliilada Cambaro guudka u saari jirtay qofkasta oo Ciil-Qabe oo dhegqabay, ama arinkaasi ku talaalnaa, waxaay hadalkeeda ku dari jirtay “aduunyada kii dulmiga ku aroogsta sida; wiilkaayga Caleed, isagana beri qaar kale ayaa ka argoosan doonaa, utunta argoosigu maaha cudud waaraysaa, Caleed hadeer si qarsoon ayuu walaalihii u hodey hankoodii, isagana beri utun aan fiicanaayn ayaa u taalaa”.
Cambaro; dhoowr talo kama dhamadaan afkeeda, inkasta oo aay hadda gaadhay da’deedii waqti aad u weeyn, hadana taladeedu waa iska joogt: “Hooyo ha qaadin xil aanad ka samto baxaayn” “duruufaha nolushu maaha inaad ku guul daraaytsato dhoowr wiil oo walaalaha ah, & inaad cadaalad usameeyn kari waayday bulsho kooban”, waxase aay si gaar ah u oran jirtay “Hooyo hanaqaad kaagii waxaad u ekaayd inaad firficoonatahay, oo aad hiraal dheer leedahy, hodday walaalahaa oo hankooda dambe cidi ma aaminayso, caruurta aad dhashayna hadalkoodaba daa” sidoo kale waxaay oran jirtay “ Hudhay oo cuntay ee u hambeey inta hadhay”, waa tiraabo laga dhaxlay cambaro waayihiii nolosheeda, waxaayna uga jeeday ; Inuu sharaf uga tago cidda ka dhaxlaysaa nolosha dambe oo ah dadka ku abtirsan doonaa.
Markuu muddo dhan 30 sano maamulay Kaamkaas (Qoofal), ayuu bilaabay dhaqamo cusub inuu hirgaliyo, sida; duurufihii isaga ku xeernaa ka jawaabo, sidoo kale maroorsado dheelitirkii awoodaha bulshada, dhaqanka, wuxuuna hal-abuuray Argoosi nololeed,(mid qarsoon oo an dadku hore u dareemi karaayn) & waa nala dulmiyay, awoowgaay & adeerkaay labadaba haloo aargooyo, arimhaas ayuu ku bilaabay inuu da’yartii soo koreeysay ku barbaariyo kuna gubaabiyo, Caleed dadka uu ka aargoosanaayo maaha kuwii toos u dilay aabihi, ma aha kuwii dhacay dadka uu ku abtirsado, waxaase uu halkan ku wada arinkaas dad aan ahaayn midna intaas, waxaase isagu u arkaa aadmuhu inuu yahay aadme oo kale ah, kan dambi galaa in mid kale oo aadme ah looga dambi jari karo aadme kale, cida u dulmaayona oo xaqoodii cunaayaa marka hore cambaar ayuu dhegaha uga tuuraya & utun madhaxeed oo dadka yaryar oo dhami aanay taariikhdeeda haayn.
Maalin maalmaha ka mid ah, Caleed baa booqday goobta looga aramiyo dadka Islaamka ah, waana masaajid ku yaala kaamka Qoofal, halkaas waxa uu kula kulmay dhoowr wadaad oo beri hore aay is yaqaaneen markii aay yar-yarayeen, isku fikir ahaayeen, oo balan ku galeen inaay dadka ka caawiyaan wanaaga umadeed, gaar ahaan diinta suuban, sidoo kale caawiyaan dadka tabaalaysan, sheeko ayaa meeshii ka bilaabantay, waxaana hadal u bilaabmay sidan:
Caleed: weli ma halkii ayaad fadhidaan, wax horumar ah maaydaan sameeyn, xiteeyn talada geedka idin kuma arkee?
Shiikh Saalax: Walaal waa halkayagii nabdoonaayd, anaga halkan ayaay noogu dhashay, waana ku maalnaa nimcadaas Alle. Xoogaa xeerin ah ayaa ka muuqataa ilaayn waa wadaado diintaa dabraysa, waxaay yaqaanaan xeerinta hogaamiyaha.
Caleed: haye dee, waxaan maqlay dadka qabyaalada ayaad weli kala hadashaan sowo maaha?, Waar arinkaas haku daalinina, dadkan nimaan tol lahaayn meelna tagi maayee, idinku miyaad ka baxdeen nasabkiin.
Shiikh labaad Cabdi Xamiid: Walaal Kaamkan in yar oo isku farac ah ayaaba deganee, wax la kala saaro meesha ma yaalaan, islaamka oo dhan ayaan mideeynaynaa, adigana hogaamiye ahaan dee haawshaas nagala shaqeey.
Caleed: isagoo aad moodo in cadho ka muuqato, ayuu dibada u booday, wuxuuna ku hadaaqay kelmadahan “ war nimankan meesha hadal ayaay ku hayaan, labo habroodna ma kala diri karaan”. Sidaas ayuu uga baxay goobtii barakaaysnaayd ee Masaajidka
Labadii Wadaad: hadii uu ka tegay masaajidka taloow xagee kale ayaa haaynaysaa oo u ku badbaadayaa, Alloow hagaaji waa nin masuul ah, waana xaafidul Qur’aan, war ducada haloo soo maro in Alle toosiyo.
Sheeko waaka dambeeysa, Caleed ninkii aabihii dilay isagan adeer labaad ugu beegnaa waxa uu geeriyooday intii aay koraayeen ilma Guleed oo Caleed ugu waayn yahay, sidoo kale waxaay isku beegmeen da’ ahaan caruurtii aay dhaleen adeeradii labaad oo uu u qabay nacaayb faro badan, madaama Aabahood dilay Aabihii, iskuna dayi jiray, ama uu ku ducaaysan jiray in uu arin kasoo galo, si uu uga aar gaasto waayo? Hadeer Caleed ayaa awood badan, waxaana ku xeeran dhoowr boqol oo uu urursaday tan & mudadii uu geedka taladiisa la wareegay, waxaayna aamin sanyihiin inuu yahay libaax aan cidna hor joogsan karin, hadii cid la hadli lahaaydna uu kurta ka jarayaayo maanta oo kale, wiilasha aay dhaleen adeeradiis waay ka dheeraadaan inta badan meelaha uu joogo, si aanay u dhicin in naftooda loo galaafto, waxaay ogyihiin in argoosi fog ku jiro, dhanka kale dhoowr goobood oo wiilashaas uga dhintay aabahood waxaay ka mid yihiin goobaha uu qabsaday Caleed, wuxuu u haysto qaniimo uu ka helay dadkii dulmiyay, hadeerna ka aargoosanaayo, isagoo adeegsanayaa awooda maamul ee ku salaaysan hab is maamul dhaqan.
Kaamkan waxaa la isku adeegsadaa hubka noociisa ugu wanaagsan sida: Waran, Qaanso & Leeb, Fardo, Aawr fuul, waxaana saad laga dhigtaa Hilib, Caano, Timir, dhamaan agabkaas waxaa lagasoo ururiyaa Cuqaasha degaanka oo hab beeleed baa lagu soo ururshaa, waxaana loogu talo galay in cadawga layskaga cesho, waxaase inta badan dhacda in loo adeegsado gudaha dadkii soo ururshay oo lagu gumaado mararka qaarkood, waaa arintaas kaliftaa marka hogaamiya Kaamkaas laga ga soo horjeesto fikir aan xalaal ahaayn, lana qaadan waayo khaladkiisa ayuu dib ugu gumaada dadkii lahaa dhamaan hubka uu ku dagaalamayo.
Markii awooda xoog urursi ee Caleed soo kortay, gaadhayna heer fiican oo xooggan waxaa ku dhashay, qab & isla-waayni, taasina inta badan caado u ah hogaamiyaasha afrikaanku inaay leeyihiin caado ku jirto waana halka kuwa Somaalidu ka dhaxleen, waxaay caan ku noqdaan necaayb dadka aay maamulayaan, Caleed waxaa uu seefta mariyay dad faro badan, qaarkood waxba ma galabsan qaar kalena uu arkaayay inaay kasoo horjeedaan awoodaha uu leeyahay, dadka waxaa uu xigtaaysan jiray inta amaanta, ha saxnaado ama ha khaldanaadee, waxaa inta badan jaar la ahaa xigto dhoowr reer hebel ah, kagana beegnaayd dhanka koonfur galeeb & koonfurta, kuwaa soo aad u necbaa Kaamkaas (Qoofal), halka hogaamiyaha hadeer Kaamkaas (Qoofal) waa Caleede, u haasytay saxiib samo talini ku jirto, waxaana inta badan lagu arki jiray isagoo fariskiisa fuushan, kuna jiro gucle ku dheehan tahay ixtiraam, isagoo jooga degaanka Kaamkaas (Qoofal) u dhoow ee aay degaan yihiin, qabiilo colaad soo jireen ahi ka dhexaayso, degaamadaasi waay uga qiimo badanaayeen dhoowr deegaan oo kale, kana xiga dhinacyada kale, kuwaasoo laga yaabo inaay xigto u noqon kari lahaayeen.
Duulaan weerar ayaa dhacay maalintii dambe, waxaana u dhex maray deegnaakii uu ka talin jiray wiilka Cambaro & degankii aay saaxiibka ahaayeen, kaasoo ka awood badnaa Caleed, waxaana laga adkaaday Caleed, waxaa goobtaas lagaga dilay dhoowr kun oo cidandkiisii ahaa, waxaana cagta la mariyay dhoowr qof oo u dhowaa, halka Cambaro ka badbaaday, waxaana goobtaas ku le’day guud ahaan awoodii Caleed, oo istaagtay gabaabsi dulmigiisii uu helay dulmiye ka waayni, dagaalka maay jirin sabab muuqata oo la filaayay inaay dhacdo, waxaase kalifay khayaano aay wadeen degaamada ku xeerani Caleed maamulkiisa oo si dhigtay, iyadooy kaliftay khalad saxiibtinimo u fahmay, sidoo kale waxaay la dareemay in wiilka Cambaro tuuray ama xooray cidkasta oo u dhowaayd, xigto ahaan, weliba walaalkiis koowaad, degaanka uu ka talin jiray oo dulmi dusha ka fuulay & maamulkiisa oo cidkasta nacday, taas ayaa sabab u ahaayd.
Cambaro hadeer waa da’da Boqol & dhoowr sano ah, wiilkeedii ayaaba kusoo qul qulayaa dad’a Sideetanla, markii horena waxaay ku curatay iyadoo labaatan jir ah, Cambaro cidna eed uma raacdo , waa la martiyaa waana lala tashadaa, halka weli caqligeedii & cimrigeedu Alle u barakeeyay, waayo? waa cibaado yaqaan u dheertahay talo yaqaan.
Cambaro waxaay sidoo kale dadka uga sheekaayn jirtay, sheekooyin soo jireen ah oo degaanka soo maray sida hogaaminta & sidoo loo soo wada noolaa, mararka qaarkoodna waxaay uga sheekaayn jirtay sida inanka aay dhashay uu inta badan ugu dayan jiray mid ka mid siyaasiyiinta Somaalida ku abtrisada, siyaasigaas oo aad u kibir badnaa, waxaayna sheegi jirtat inaan wiilkeedu weligiis aanu arag qofkaas uu ku daydo, waxaase is baray idaacadaha ayuu ka dhegaaysan jiray, wuxuuna oran jiray “ Hebel waa afmiishaar, waa hadal-yaqaan, woo gole ka hadal” Cambaro marka aay sheekada wadona waxaay si aay ka muuqato qiiro u oran jirtay “Goorma ayaa hadalku ka micno batay waxqabadki, cilmigii, inkastoo balaaqadu wanaagsanatahay waxaayse u baahantahay cilmi ku jira meeshu hadalku kasoo baxaayo”. Hooyadaas, waxaa laga hayaa “taloow ku dayashada siyaasi isagu ba guul dareeystay, ma ku dayan kartaa?” aqoon taasi waxaay anfacday kumanaan dad ah oo damac kaga jiray duruufaha siyaasadeed, kuwa soo dib u baadhay cidda mudan nolasha ku dayashadeeda, badankood waxaay garteen sida Rasuulkeena suuban NNKHA & diinteena suuban aay tahay cidda lagu dayan karo.
Markii lagala wareegay hanaankii maamulka Caleed ee kaamka Qoofal, waxaa uu baxsaday meelaan ka dheeraan degaankii uu maamuli jiray, kasoo uu ku noolaa mid ka mid ah wiilashii kale ee Cambaro, waan wiilkii duday mudadana maqnaa, waa u soo dhoweeyay walaalkiis Caleed, waqtiguna soo riday, kuma talo galin inuu xumeeyo sidii oo kale uu ka aargoosto sidii waqtigii uu talada geedka hayay Caleed oo kale, waxaase u dajiyay guri ku yaalaa gudaha magaaladaas, waxaaa dhanka kale uu ku arkay Caleed magaaladaas dhoowr dhalin yaro ah, oo kasoo tahriibay degaankii uu maamuli jiray.
Sanado badan ka bacdi, Caleed waxaa maskaxdiisa kuso dhaca “ Ha hodin Walaalka, hadii aanad u horseeedaayn” o micnaheedu tahay, hadii aanad walalka uga tegayn magac uu ku noolaado & sharaf lagu xeeriyo, sidoo kale aanu ka dhaxlaayn wanaag lagu daydo waa ayaan daro, Odeyga gadh cadaaga ah, ee Cambaro dhashay dhulkii uu ka talin jiray cid kale ayaa haysata, dadkii isbedel ayaa ku dhacay, hadalada Cambaro waxaa ka mid ahaa “Ogoow isbedelka waxaa laga tijaabiyaa, halka aad ka qaaday & halka aad gadhsiisay, madaama aad adigu muraayad u tahay”.
Caleed toban sano gudaheed wii gaboobay, Camoobay, sidoo kale Caleed waxa ku dhacay maskax guur aan hore loo arag, sababta oo ah; mar waa kitaab xoor, marna waxa uu dulmiyay dadkii uu maamuli jiray, Caleed waxaa uu dib uguso laabtay isagoo aan caafimaad qabin Kaamkii uu maamuli jiray, halkaas oo uu hor fadhiisan jiray geedkii uu ku talin jiray, oo hadeer laga dhisay dhoowr guri oo dad kale ka taliso duulaan kaga qabsatay isaga mudo kka hor, wuxuuna oran jiray “war walaalayaal wax i siiya, hadaaydaan i helaayn I saamaxa, hadaaydaan yeelaayn I dila, aan nolosha dhintee, dibteeduna ha I dhaaftee” waxaa u tusaale u ahaa, marka cilmi Alle ku siiyo, oo aad is bedeli waaydo, adiga & jaahilkuna isku dhaqan noqotaan, marka Alle ku siiyo awood, aadoo ku yimo, baryo aad Alle waaydiisata, sidoo kale dulmi ka carar ah, hadan waddadii oo kale aad marto, marka Alle ku karaameeyo oo ku siiyo inaad ku barbaarto talo fiican, hadana aad badheed u haloowdo, ogoow inaad ku dulmanaan doonto if & aakhiroba markaaga.
Talooyinkii cambaro & Talaabadii Wiilkeedu waxaa uu dhexeeyay farqi fikir, mid nololeed & karti hogaamineed, waxaana laga dhaxlay in Cambaro ifka intaay joogtay dhaqan suuban & Cibaado Saalixa, iyadoo dadka deegaanku xeeriyaan, sidoo kale dad faro badan la tashadaan, halka wiilkii aay dhashay uu aduunka ka tagay isagoo taagan xurmo halkii ugu hoseeysay, markii uu gaboobayna xitaayn caruurtiisi nacday, sidoo kale waxaay Cambaro & Caleed dhaxal ka tageen in la dhaho “waxaa degaanka ku noolaan jiray Xaajiyad Cambaro la dhaho oo dadka u nasteexaaysan jirteen, Caleedna halka wiilkeedana lagu xasuusan jiray marka cid la habaarayo, lagu habaari jiray belo kugu dhacay oo Caleed geed cidlo ah kaa hel”. waa geedkii u ku talin jiray, sidoo kale waxa la oran jira Caleed maalkaaga & xoogaa-gaba xeeladaaysay, oo xuquuqdiisa noqotay.
wilkii Cambaro (Caleed) ee hogaanka ku talin jiray muddo kooban ka bacdi waa uu geeriyooday isagoo xurmo & duc toona midkood lahaayn, Alle se ha u naxariistee.
Caleed hanaankiisii Maamul, Hogaamineed & Dhaqanba, waxaay sawiraayeen hanaanka aay u taalo aargoosiga Somaalida ee waqtiga dheer soo jiray & Ciil-Qabka aan ka dhamaan dhiiga Somaalida, Caleed kama duwanaayn dhaqankii Somaalidu isku gumaaday, ama ku galabsadeen xoolo xatooyo ah, oo la ga soo dhacay dad kale oo aan waxba galabsan, dhaqanka Kaamka Qoofal waxaa uu turjumaayay takoorista lagu hayo dad faro badan oo Somaali ah, kuwaas la dhiig ah, la dhaqan aha, la diin ah dadka kale, oo laga dhigay dad liita, arinkaas aan loo cuskan wax qof lagu takoori karo, hadda ayaay u baahantahay in guud ahaan arimahaas dib looga fikiro.
Geerida Cambaro waxaay u ahaayd murugo, caloolyoow & ciil aduunyo, dadka intii taqaanay, inta weligeed aan arag waxaay maqli jireen sheekedeeda, waana la xiisaayn jiray sheekooyin badan oo aay lahaayd, sheekooyinkaasi waxaay ahaayeen kuwa dhaqan, kuwo talo ah & qaar kale oo bulshada hogaankeeda ku saabsanaayd.
Dhamaan sheekooyinka taxanaha cambaro dib baan u soo qaadan doonaa. Waxaan taxanahaa dambe ku eegi doonaa dhinacyada kala duwan ee bulshada & dhaqankii Cambaro, dib kala soco sheekooyinkan (Taxanihii, Cimrigii & Caqligii Cibaado, oo ugu soo hor baxday Ciil-Qabe)
.
Dhamaad.
Balankeenu wa Talo &Towfiiq
Hassan Abdi Shire