Cilmiga Faraha: Qaybta 4aad (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Qaybtan u danbaysa waxa aynu si kooban uga hadli doonaa waxyabaha kale ee lagu aqoonsan karo qofka. Ha noqoto qof eedaysane ah oo aan goobta fal-danbiyeedku ka dhacay joogin ama qof astaamihiisa la hayo oo la raadinayo qofka uu yahay. Maqaalada danbe haddii Alle ogolaado, waxa aynu isku deyi doonaa in aynu mid walba gaarkii u dul istaagno.

Waxaana kamid ah:
1. Hiddo-sidaha (DNA): Waa mid kamid ah hababka ugu caansan ee lagu aqoonsado qofka. Inta badan marka aad DNA maqashid, sida aynu ka daawano muuq-baahiyaha, waxa maskaxdaada ku soo degdegaya qof eedaysane ah oo la raadinayo, ama laba qof oo lagu maransan yahay oo la doonayo in la kala saaro. Balse sidoo kale waxa aynu ogsoonahay in daraasadda DNA ay tahay mid xawli ku socota. Daraasad Maraykan-ka dhawaan lagu soo bandhigay waxa ay muujinaysaa qalab fudud, qiimihiisu yahay $3,000 (saddex kun) oo loo adeegsan karo in uu sawiri karo qofka DNA-da iska leh qaaradda uu ka soo jeedo, muuqaalkiisa, jinsiga uu yahay, midabka jidhkiisa, midabka timihiisa iyo da’diisaba. Waxa kale oo cajiib ah in markii dawaladaha reer Galbeed ay ku badatay muranka ubadka cidda dhashay, in loo sameeyey qalab yar oo fudud oo qof kastaa iibsan karo, qiimihiisu yahay inta u dhaxaysa $300-$500, kaas oo lagu xaqiijin karo waalidka dhalay ilmaha (parenting testing).

2. Aqoonsiga Bu’da (IRIS Recognition) : Waa mid kamid ah waxyaabaha loo isticmaalo aqoonsiga. Midabka bu’da iyo astaamaha ku hareersani waa kuwo ayna jirin laba qof oo isku mid ahi. Waxa uu u baahan yahay qalab gaar ah, mashiin lagu qaado sawirka bu’da si loogu aqoonsado qofka. Faa’iidooyinkiisa waxa kamid ah in qof meel fog jooga (remote) laga qaadi karo bu’da. Waxa cajiib ah in Culimadu rumaysnayd in marka qofku dhinto, ugu badnaan 20 daqiiqo sii jirayso shaqada bu’da ishu. Daraasado dhawaan la sameeyey ayaa muujinaya in saacado illaa maalmo ay sii jiri karto.

3. Aqoonsiga Wejiga (Facial Recognition) : Si kasta oo uu qofku u baddelo qaabka uu Alle u abuuray, ha sameeyo qalliino is qurxin ah ama kuwo kale oo si dabiici ah u dhacayba, waxa jira meelo aan la baddeli karin sida masaafadda u dhaxaysa labada indhood. Daraasad ay samaysay Jaamacadda Washigton oo ay u bixisay MegaFace Challenge, waxa ay xaqiijinaysaa in dhibaatada aqoonsiga qofka ay adagtahay marka uu ku dhex jiro dad aad u tiro badan, marka da’da qofku is baddesho, iyo marka qofku qaabkii hore ee sawirka u galay qaab ka duwan u istaago. Balse illaa hadda waa hannaan la isticmaalo.

4. Aqoonsiga Dhegta (Ear Recognition): Waxa loogu magac daray: Nooca Cusub ee ka casrisan aqoonsiga Faraha. Waayadii hore waddanka Holland (Netherlands), waxa la sheegaa in ay badatay dad badan oo ka cabanaya in guryahooda la dhegaysto. Booliska Holland ayaa billaabay in raadka dhagaha ay ka soo qaadaan albaabada guryaha cabashada keenay. Daraasad dhawaan la sameeyey ayaa muujinaysa in dheguhu ay yihiin kuwo loo adeegsan karo aqoonsiga qofka. Habkan ayaa loo bixiyey “image ray transform.” Tijaabadii koowaad 250 sawir dhego ah ayaa lagu sameeyey, natiijadii soo baxdayna waxa ay ahayd 99.6% mid sax ah.
Dhammaad