Cisbitaaladda Soomaalida: Saylada dadka lagu baadho ee aan waxba loogu qaban! (WQ: Barkhad Mohamed Omar)

Adeeg xumadda iyo lacag urursiga kaliya kuma jirto cisbitaalka guud ee Hargeysa, laakin kuwo prive-ka ah ama gaarka loo leeyahay ee lacagta badan hela ayaa ka daran una dhaqma waraabe xoolo ku dhex dhacay.

Cisbitaaladda Gaarka loo leeyahay ee Dhismayaasha qurux badan ee dabaqyada ah lacagtii dadka ka urursadeen ku dhisteen ma dhex yaalo qalab, habeenkii dhakhtar kasta oo kuwo dumarka ah a,ma umusha ahi waxa uu faa’iidda in ka badan sadex kun oo dollar, maalintiina tobaneeyo qof bay caruur ku qalaan oo min 500 dollar ka qaadaan.

Waxa dhacda in loo keeno hooyo dhiig baxaysa oo si degdeg ah loo soo qaaday ama cisbitaalka ku jirtay, illaa lacagta 500 dollar miiska la saaro ka badbadinayaan, xiitaa hadii damaanad loo dhigo ma yeelayaan lacag mooyee, taasina waxay keenta in hooyadaasi dhiigbaxaasi ku hoyoto ama ilmihii ku hoydo, inta muranka iyo warwareega lagu jiro.
Marar badana waxa dhacda inta la murmayo in hooyadii qaliinka gali kari waydo dhiig yaraan awgeed oo la raadiyo dhiig badan in lagu shubo, hadii iyadu badbaadana ilmihii uu naqasku ku dhago ama isagoo sirirsan laga soo saaro hooyada, taas oo keenta in ilmihii caloosha ku jira ku dhex siriro una baahdo Oxygeen, nasiib daro cisbitaaladan lacagta badan faa’iida ma haystaan qalab tayo leh oo oxygen, waxayna u gudbiyaan dhakhtarka Talyaaniga oo qalab fiican leh, taasina waxay keentay in hooyada iyo ilmaha midba cisbitaal kala durugsan la dhigo.

Hooyada ilmaheedii cisbitaal kale la geeyey waxa laga qaaday shan boqol oo doolar, nasiib daro ilmihii ma helin qalabkii uu u baahna ee waxay u dawarsi tageen cisbitaal kale, iyagoo awooda in qalabkaasi soo iibsadaan ayey bakhaylnimo darteed iyo arxan daro darteed fooq kale ku binaystaan.

Dhakhaatiirta hooyooyinka ka shaqaysta habeen iyo maalin waxa yimaada cisbitaal walba in ka badan boqol qof, tikidhka araga dhakhartku waa toban dollar, computerku waa 15 dollar, shaybaadhka 50 dollar, qolku waa 20 dollar, dhamaan adeegaasi oo dhan wax kharash ahi kuma taagna dhakhtarka laakiin faa’iido ayey u tahay oo hal habeen hellay.

Dhakhtarka waxa loo tobabaray inuu badbaadiyo nafta halis ku jirta laakiin hunguri xumada dhakhtaradda soomaalida ayaa dhaqankii caalamiga ahaa bedeshay oo qofkii oo badbaado u baahan dushiisa lagu xisaabtamaya, dadka noocaas ahi ma dhakhtar baad ku tilmaami lahayd mise caddow cadowgii magangallay.