Cismaankii Calanka Badeshay! (WQ: Maxamed Boosh)

Cismaankii  Calanka  Badeshay.

Cismaan Abokor Dubbad  Muqdisho , ayaanu kulanay bishii December 2016 , wakhtigaasi waxa la xulayey xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya .

Waxa uu ku hawlanaa  xulida mudanayaal Baarlamaanka ka mid noqonayey , waxa aanu uu fulinayey siyaasada masuuliyiin ka tirsanaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu  xidhiidh la samaynayey mar aanu ku kulanay hotel-ka Jasiira.

Waxa uu u muuqday nin danaynayey siyaasada Muqdisho, isaga oo la kulmay qaar ka mida murashixiintii xilka Madaxweynaha u tartamay 2017.

Sannadkii hore , waxa uu Muqdisho u yimi sidii  xukuumada federal-ka ayey xilal uga qaban lahaa saddex xubnood oo wasiiro ka soo noqday xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo.

Isaga iyo xubnaha kale , waxa la dejiyey hotel-ka Villa Rossa oo u dhaw xarunta Madaxyooyada ee Villa Somalia, waxaana uu ahaa xidhiidhiyaha  xubnahan iyo xafiiska Ra’iisalwasaare Khayre .

Maqaal aan ka qorey bishii March 2019 hawlihiisa siyaasadeed intii uu Muqdisho joogay, si weyn ayuu  uga cawday waxaana uu dhalinyaro  qaarkood uu macalin u ahaa u sheegay in uu joogo Addis Ababa.

Waxa uu cabasho ka muujiyey qoraalkayga isaga oo ku dooday in aanu siyaasad aan ahayn ta Somaliland aaminsanayn, laakiin isla galabnimadii maalintaa, waxa aanu si kedis ah ugu   kulanay hotel-ka H ex Samiira ee degmada Hodan.

Waxa  aanu soo booqanay marti ka timi Hargeysa oo hotel-ka ku soo degay  aanu aqoon u lahayn aniga iyo isaguba .

Saddexda  xubnood  ayaa  kala ahaa Xasan Daahir Dhinbiil wasiir ku xigeenkii caafimaadka , Axmed Aadan ( Kayse) wasiir ku xigeenkii arrimaha dibeda iyo Khadar Axmed Diiriye wasiiru dawlihii cadaaladda.

Xasan Daahir Dhinbiil , waxa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Canada , laakiin labadii nin ee ay saaxiibka ahaayeen weli waa xil-sugayaal.

Cismaan Abokor Dubbad maanta , ayuu kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho xisbi la yidhaahdo Hillow oo uu kaga qaybgalayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021.