Waa laba astaamood oo aad isugu dhaw, inaad kala saarto codkarnimada qof leeyahay iyo hadal-badnaanta mid kale ku sifoobay. Waxaaba la yidhaa ย Waxa u dhexeeya in ka yar xuub caaro oo khafiif ah. Codkarnimadu waa astaan dadka lagu ammaano, qof kastaana uu dedaalkeeda hayo inuu ku sifoobo. ย Hadal-badnaantu waa daciifnimo qofka ku sifooba lagu tilmaamo liidnimo iyo in laga gabbado marka lagu arko goobaha dadku ku kulmaan. Maahmaah Carabi ah ayaa ahayd ย Hadal-badnaantu waa dhuusada dameeraha oo kale.
Qof kasta oo bulshada ka mid ahi wuxuu raadiyaa inuu ku sifoobo codkarnimo, waxa se ugu badan kuwa laydh ku raadiya hadba kuwa xilka haya. Waayo waxa ay u baahi qabaan inay maalintii ugu yaraan laba saacadood hadlaan, ama shaqaalihiisa ha la hadlo, ama xaflad lagu casuumay ha ka hadlo ama arrin taagan oo khusaysa shaqadiisa saxaafadda ha kala hadlo. Sidaasi darteed masuulka xilka haya ayaa ugu baahi badan inuu is-baro ugu yaraan sidii ay farrintiisu u gudbi lahayd iyada oo la fahmayo. Dhawaan ayaa la kulmay nin masuul ah oo xil haya, oo niman ay saaxiibo yihiin kala tashanaya sidii uu u noqon lahaa codkar dadku aanay ka xiiso goynin markuu hadlaayo.
Taladii saaxiibadii waxa ay noqotay mid aanu ku qancin, oo uu racfaan ka qaatay. Waayo taladoodu labadii arrimood ee talada saldhiga u ahaa may raacin. Labada talo waa kow, inaad qofka kula talisid aqoon aad mowduucaasi u leedahay ama aad wax ka fahansan tahay. Laba, inaad waayo-arag tahay bulsho badan ku soo dhexjiray oo dhacdooyinkii aad u soo joogtay talo ku bixisaa. Yaanu hadalku inala dheeraane, dhawr astaamood ayaa lagu sheegaa inay leeyihiin labadan sifo ee dadka qaarkii aanay kala saari Karin.
Codkarnimadu Waa u dhalasho 80%, waa tii hore loo yidhi โIlaahay la kala baryi og, hadalna la kala odhan ogโ. waa se la is-bari karaa. Qof kasta oo doonaya inuu iska dhiso hadalka uu bulshada u jeedinaayo inay dadku fahmaan, waa inuu dhegaystaa shakhsiyaadka ku sifoobay codkarimada khudbadahooda. Sidoo kalena waa inuu akhristaan buugta ay qoraan, qorayaasha qallinka ku hadla ama qalin-ku-hadalka ah. Waxa kale oo dhisa codkarnimada qofka, inuu yeesho jadwal wax-akhris si ay maskaxdiisu u shaqayso oo aanu ku dhicin cudurka ku dhacda dadka aan waxba akhriyin ee maskaxda-taagan laga qaado.
Calaamadaha Codkarka:
= Mar kastuu hadlayo, wuu qoddobeeyaa hadalkiisa. Waanu soo koobaa, isagoo ujeeddadii taabanaya.
= Mar kasta wuxuu noqda qof mowduuci ah, kama baxo mowduuca laga hadlayo, Mana dar-jiidho
= Mar kastuu sheekaynayo, wuxuu ku daraa sheekooyin xiiso leh, oo xidhiidh la leh mowduuca uu ka hadlayo
= Mar kasta oo uu khudbad jeedinayo, wuxuu ku bilaabaa waxaanay kuwuu ka horeeyey ku bilaabin, si hadalkiisa dhug loogu yeesho.
= Mar kasta oo sheekaynayo, wuxuu ku ladhaa hadalkiisa maahmaah, xigmad amma tix gabay ah, oo xawaasha iyo geedo u noqota hadalka.
= Mar kasta wuxuu u hadlaa si furfuran, oo ay ka muuqato, kalsooni. Tusaale kasta oo soo qaato waa lagu qoslaa amma sacab badan ayaa loo tumaa
= Mar kasta hadalkiisu ma badna, waayo hadalka farah badani wuxuu lumiyaa xigmada iyo macnaha
= Mar kasta erayada xigmada xambaarsan meel fog kama doono, wuxuu ka soo qabtaa meel dhaw
= Mar kasta wuxuu la fadhiistaa odayaasha ka weyn, si uu uga barto taariikhdii hore iyo dhacdooyinkii dhaqan ee dadkii hore lahaayeen, si uu tusaale ugu soo qaato markuu hadlayo.
= Mar kasta hadalkiisu waa rimuud, uu qofku doono ku kaxeeyo amma mawqifka uu wato kaga dhaadhiciyo. Isagoo adeegsanaya erayada beerlaxawsiga ah
= Mar kasta ciduu la hadlayo, ayuu sii baadhaa, waxa ay jecel yihiin inay maqlaan ayuu hadalkiisa ku badiyaa, si dadku ugu soo joogsadaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan