Col hortii jabay, waddaadada qaar Q.4aad(WQ: Axmed Cali Kaahin)

Isbadalada waxay sababaan in loo nug laado wixii baro bixin ama maydhid dhaqan iyo diin hoos u daacin ah. taasi nuglaanteeda oo baylah sanaantu u kala dayacanaan karaan noocyada dadku.

Taasina bar tilmaameed ka dhigtay noocaas nugul oo ubucda badanaaa halka yoolku haysto ah. Dadka qalbiga xab’xabku dareen koodu usoo jilaabay in la ugaadhsado qalbogooda qaniga ah awgeed. Taasi oo cabiraada runta iyo daacadnimada khibrad yaraantu hoday.

Dumarku waa dadka ugu caqliga badan xaalad kastoo la joogo, waayo inta badan ma sahlana in si dhibyar loo khiyaameeyo, basle in wax loo hadoodilo oo sawiro kale kaarto loogu so maleego. waa u nuqul yihiin sida taariikhdu ku dareertay, balse wixii mutaxan uma dhuuntaan marna.

Taasi waxay keentay in dhamaan dunida lagu saleeyo barnaamijyada culus in dumar hagaan ama da’yar dhalin iskugu jira rag iyo durmar kuwaasi oo ay ku badan tahay hawl karnimada, is dirida, isku xil qaamida, si mutadacnimo ah, oo dirnaan ah. halka raga inta badan ay riixaan dano gaara oo aduun xudun u yahay.

Si kastaba ha ahaatee dumar kiina khayr la dardaama, u aayara quraaradaha qalbigooda dhawra, ka idiinku khayr badan, waa ka ehel kiisa ugu khayr badan, ka laba hablood si fiican u koriyaa abaalka wayn ee loogu bushaareeyay, dhexdiina kalgacal iyo naxariis baan dhignay, diintu ina fartay intaa iyo in badan waa halkiye Guir waa haween. Ama haween waa guri.

Quraanka Kariim Saxaabada mid kaliyaa magaciisa lagu xusay, halka dumarka khayrka ku caan baxay tiradoodu badan tahay iyo qisooyinkooda ilaa kuwo boqorado ahaa. Suurada xuquuqda qaybinteedana waaba Suuradii Durmarka. Haddaba haddaanad malabka darsan dee malabow maxaad tahay mushkiladeenu waataa.

Haddaba markii dhex deena afka furan caqliga xorta ah ee kitaabka iyo sunuhu hagayaan ka gaabinay. Awoodi waynayna in dhexdeena wixii soo gala si afka furan caqliga saliima iyo is qancin ilaa dhuuxa la dhooba qaado qadiyad kasta qofkuna waxa calooshiisa ku jira ee ka dhex huraya si geesinomo leh u cabiro ku dhiirado. Ambiyadu dunidan hub lamay iman aan ahayn dood furan iyo I qanciya. Taasi oo ah wadda guusha sunaha dunidu ka markhaati furtay. Waxaana markhati u ah golaha ama minbarka London ee caanka ah ee khudbadaha furan.

Taasi oo keenaysa laba mid uun in qofkaa la saxo inta lala fadhiisto ama laga faaiidaysto waa sida Quraanka aas aaskiisu yahay. Cabdi laahi beershiya waxaan ka guntay Allaah waxa uu inoo soo wariyay si toosa doodii Ibliis iyo Khaaliqa xaq lagu caabudo dhex martay.

Halka sheikh Mustafe Muxaadaro dhan ula baxay luqada Dadka awooda leh. Waa dooda caafimaadka qabta waxna dhisaysa. Haddii la waayo taa waa halka uu ka bilaabmo in caqliga iyo curintu curyaanto. Maraykanku waa waddanka ugu ikhtiraaca badan halka carabtu halka ugu hoosaysa ku jraa sababtu waa midna caqligaa xora midna xaqligaa katiinado lagu maroojiyay ilaa uu dhimasho qarka u saaran yahay.

Takaa’liif ama waajibaadka diiniga ah dumarka xaqooda fududaynta quraanku intuu ka waramay badanku waxay saran yihin raga kuwa hawsha badan ee culusi. halka dhamaan fududaynta badan keeda dumarku Allaah ugu naxariistay dabcin camalo.

Meelaha ama arimaha cusub hadda waxa kamida ee ku jihaysan dumarkeena sida Filimada musalsalka ee ku qotoma qaabka khiyaamada guryaha dhexdooda oo xataa samayn iska daaye aynaan maqal dhacdooyinkaa qadhaadhlooda

Kuwaas oo ku qotama kaiya qaabka loo dumiyo looguna dhaco dhaqamada xun xun. Iyo is qurxinta suntan kiimikada ah, iyo isku ee kaysiinta kuwa gaalada laftoodu ka xishoodaan ee noloshana ku saaqiday.

Oo laga dhigtay guud haldhaalaydii walax badeecooyinka suuq gayn u soo jilaabta. Iyo is dhexgalka aan la mahadin sharicigeenuna ka digay fool xumada ka soo dhago wayn. Xataa matalaad codka iyo socodkoo ama kaaga.

Hadaba halkaad madarasad uga furi lahayd sawdigan shirkad ama bakhaar iyo waxa aan dhaamin ku dhabar jabay, ee kaliya canaanta miciinsaday, halkii aad shookaanta meel la mahadiyo u jihayn sidii hore aad ugu hagar baxday adoo ka aqoon iyo awood iyo aduun yaraa.

Kaliya teenii gaarka uunbaa ina garbo duubtay halka aad ahayd mid u darban danaha dadkiisa barigii hore hadda sheekadaadu waa COL HORTII JABAYEE.

Iyadoon cid kale kusoo gaadhin adaa safkii ka baxay cidlana kaga dhaqaaqy marka laga reero tiro naftoo hurayaal ah oo hadh iyo habeen ilaa barigii u taagan hawshan laga haajiray. Kuna kaliyaystay sida Sheekh Dirir iyo qaar qayrkii oo dalka ku daadsan.

Waxa sii kaabay ganacsatadii kala duwanayd heer kasta halkii dadkii jaamcadaha ganacsiga uga soo baxay ka shaqaalaysiin lahaayeen waxay ka kaluumaystaan oo ay xaalufiyeen masaajidadii iyo madarasadihii iyo dadkii dadka wacdiyi jiray.

Oo intay meel yar oo aad jeel moodo dhawr boqol oo dollar ku duleeyeen waddaadkii soo saari jiray boqolaalka qof. Labadii galinba laba dibble ugu jeebaysan qol yarna ku bas beelay sidii gaadhi taagan oo istaadhan. Taasina waa haraati labaad oo ummada ganacsatadu ku dhufatay.

Waxay ku odhanayaa xaruntii dhaqankaa waxaa samayasay hadda qaar kamidaa kaqayb galay oo uu la shiray shiray mar laga qayliyay wax ay ku heshiiyeena wlai waan dhawraynaa.

Xaruntii baa waxaa samaysay waar adigu maxaad samaysaa iyo waxaad dayacday, oo baadiyaa lasoo xaraystay kaliya. Haddii adiga aan lagu xaraysan xamdi naq.

Ileen col hortii jabayeey baad ku jirtaaye. Maxay gaalo kusoo gaadhiba. Adaa far hunguri naf moodee. Waxa xiga qaybta 5aad haddii Rabbi swt idmo. 

Ha hilmaamun xuska Rabbi.

 Qalinkii: Axmed Cali Kaahin