Coronavirus iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed (WQ: Maxamed Ibraahim “Macalimuu”)

Coronavirus iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

In ka badan 50 dal oo adduunka ah ayaa laga soo wariyay caabuqa Coronavirus ,waxana cudurkan walaac weyn uu ku hayaa dunida oo dhan Ilaah ha innaga badbaadiyee.

Ayaan dhexdaas ah waxaan arkayay wariyayaal iyo warbaahin qorayay nin looga shakisan yahay inuu sida viruska Coronavirus oo ka soo dagay garoonka Aden Cadde in dowladda ay ku sii deysay magaalada Muqdisho.

Warka noocaas ah oo aan sugneyn qatar intee la’eg ayuu ku abuuri karaa bulshada Soomaaliyeed  ? Hadii uu warkaas fido ma qiyaasi kartaa dhibaatada dhaqaale oo uu Soomaaliya u geysan karo? Cudur suuqyadii weynaa caalamka qal qal galiy ka waran dadkeenna nugul iyo dalkeenna?

Waxaa haboon in aad looga feejignaado macluumaad kasta oo la xiriira cudurkaas iyo cudurada kale ee saf marka ah  ,waana in kaliya laga tixraacaa wixii ku saabsan Coronavirus Wasaaradda Caafimaadka ama hey’adaha caalamiga sida WHO.

Waayo aragnimo hore!

Dabayaqaadkii 2006dii iyo horraantii 2007dii Soomaaliya waxa ay ka mid aheyd dalal la xaqiijiyay inuu ka jiro cudurka Rift Vally fever. Waa cudur dilaa ah oo caadiyan ku dhaca xayawaanka sida xoolaha aynu dhaqdo ( Zoonosis). Dalal badan oo adduunka ah ayaa joojiyay xoolihii Soomaaliya oo dalalka Khaliijka ay ugu horreeyaan .Saameyn dhaqaale oo xun ayay ku keentay Soomaaliya taasi.  Labo sano ka dib 2009 ayay dalal uu Sucuudgiga ku jiro ka fekereen in la qaado xayiraadii Soomaaliya . Iyadoo weli aan Sucuudigu qaadin weli xayiraadii ayaa wiil wariye ah oo idaacad joogay wuxuu wareysay nin dhahaya cudur aan la garaneyn oo eg Rift Valley fever in uu baabi’nayo xoolaha deegaankooda .Warkii hey’adaha caalamiga ee isha ku hayo wararka Soomaalida ayaa afaf kale ku tarjumay ,waxey tani dhalisay in la sii xoojiyo xayiraaddii xoolaha Soomaaliya ilaa sanad kale . Ma jirin dowlad xaqiijisay iyo hey’ad baaris sameysay ee nin uunbaa idaacad ka sheegay inuu jiro.

Waxaan soo jeedin lahaa in aad loo taxadaro marka aan ka hadleyno cudur saf mar ah ,oo aan qof walba ka wareysan .

 

WQ: Maxamed Ibraahim “Macalimuu”