Qormadan haddii xagga Alle laga helo, waxa aan ku lafo-guri doonaa, dadka wax jeclaada marka ay ku hungooobaan kalgacalkooda, inta nooc ee ay u kala baxaan.
Mucaashiqiinta boholyowga kalgacal ku guul-darraystay waxa ay u kala baxaan laba kala ah;
1. Kuwo wanaaggii badnaa iyo jacaylkoodii luugu beddelay xumaanta inta ay aad uga murugoodeen iyaga oo cadhaysan oo xag-jir ah fakerkoodii cabbiray. Waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa;
” Wax ba yaan xanaaqine,
Markaan soo xasuustee,
Xaawaleyda naagood,
Ragga wada xumaysee,
Xiisaha kalgacalkii,
Xusul-duubka orodkii,
Intaan kugu xabeebtay,
Xurmo-daran inaad tahay,
Xog ba iga ma hayside.
Xadhko wacad ku raacee,
Adaa godob xambaartee,
Xiddigaha Cirkana qabo,
Nabsaan kugu xidhiidhshee!
Kollay kugu xidhiidhshee! ” Cabdi Iidaan.
” Dharaarta Qatankee,
La qaawanyihiyo,
Dharaarta aan qorratiyo,
Qudhaanjo maqnayn,
Qudhaydaad goysay,
Baa luguu qabanoo,
Mala’igta qalinka
Loo shiibiyo,
Illaaha Qaaddirina,
Wax qarin maayoo,
Qudhaydaad goysay,
baa laguu qaban.”
“Anna gooha reenkiyo,
Gocoshada ma daayee,
Meel ay ku geysa ba,
Godobtayda la carrow!
2. Kuwa hanneeya oo weli ba duco iyo ammaan ugu dara gabadhii ay jeclaayeen ee ay hanan waaweeyn geediga nasiibkuna meel kale ku furay.
” Nasiibkaygaa I nacaseeyee,
Noolaada adigiyo ninkaagu ba!” Cagaf.
” Haddii aan narruuriyo,
Shalay idhi naq baad tahay,
Maantana nal baad tahay,
Iyo nuurka aragtida,
Nasab qaaliyaad tahay,
Qof laf loo huraad tahay!
Hankaad naago dheer tahay.” Weedhsame.
” Hadduu diidmo calafkeen,
Inaan dadab wadaagnoo,
Wakhtigu uu na kala diro,
Anna kuuma dudayee,
Naxariis da’ weyniyo,
Ducaan kugu sagootiyi.
Ninka damacu raacee,
Dookhu calanka saaree,
Guur aad ka doontee
Kugu gacan dambeeyana,
Aan dardaaran siiyee.
Waa libin dadnimaduye,
Aamina ka doortoow,
Deji meel barwaaqo ah,
Diihaalka gaajiyi,
Diban daabyo Arag,
Daranyadu ma fiicnee,
Yay ka noqon maryuhu duug,
Deris aan habboonayn,
Yay dareemin qayladii.
Dibedda iyo gudaha ba,
meelaha la daawado,
Ee dalxiiska loo tago,
Ha il-doogsatee gee.
Hadal doqon ma garato ah,
Ha ku deyin ma yeeshee,
Dusha nabar ha taabsiin,
Ha dagaalin waa gabe.
Waxa dihitay hooyadii,
Dadnimada ku beertoo,
Aabbeheedna waa dirac,
Ragna doorkii weeyoo,
Waalidkeedna daadihi,
Waa durriyad xalaalee. ( AHN) Yamyam.
Waxa aan qormadan kaga baxayaa weydiinta ah; gabadha waxaas oo jacayl, daryeel iyo ammaan ah dhagaheedu maqleen sidee loo qabayaa?