Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal 1939-kii – 2016-ka, Q.11aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Deelleeydii markii ay dar-jiidhay ee ay faro-badatay ayuu Cabdi Iidaan Faarax uga guuray Shiinleydii oo aan maansooyin badan laga tirin. Cali Sugulle Cigaal ayaa ka mid ahaa ama lahaaba mid ka mid ahayd afar Shiinley oo silsiladdaas la caris-qalay ka mid ahayd. Si aynu silsiladdaas u xusno, aynu tusaale u soo qaadanno Shiinleydii Cabdi Iidaan Faarax iyo Shiinleydii Cali Sugulle Cigaal.

Shiinleey, Cabdi Iidaan Faarax, 15/2/80kii,

Kolkii midho-yarii wada shuq yidhi, shidantay Deelleeye,

Shinbir dharabtu meel aar fadhiyo, shuuqa ka ma deyne,

Sha’dii baan hayaankaw rarriyo, shaanbis-geeddiga e,

Shaabuugga madigaa tix-yare, sheexo ka lahaanne,

Afarreey ha la la soo shir tago, shoolo booliyahe,

Halkaasaa sengeha noo sharraxan, shaalka loo sudhaye,

Shafshafo duxda ah leefihii, cid u shaqaynaayay,

Iyo shurunshur malaggiisu galay, haysa soo shubo e’,

Shil-ma-hele tixdaan Gaarriyoow, Shiinka ka asdeeyay,

Ama geenyadaan xalay shirrabay, shalow-abraarkeeda,

Meeshaan shakamaddaw xidhay, sheeg haddaad garato,

 

Shatarta iyo dabeylaha jiraa, shaamo-reerka lehe,

Shifo waxaan ahaynoo la cuno, sheeg haddaad garato,

 

Shubaal qurux san gaawaha shaxshaxa, shuqul-gobaadeedka,

Shinni dhagax sideedii kolkuu, noogu shiro geelu,

Shalaan duhurkii sharad kuugu galay, laaska shacabkaasa,

Maantadan in aan kuugu shubo, ee shifo u-hooda,

Kolkay shaaxin ugu heesayaan, kama shiddoodaane,

Sharba uga ducee in aanu helin, shar iyo qayrkiise,

Haddana sheekhyadii iyo u qabay, weliyo sheellaaye,

Misna sharax kitaab kama akhriyin, shed ay ku yaallaane,

Wuxu badowgu sha’ Allaa ku yidhi, sheeg haddaad garato,

 

Shib ba waxa debnihii looga dhigay, shar iyo kheyr daayay,

Abwaan wuxu murtidii uga shakiyay, sheeg haddaad garato,

 

Runtii shimiqda waxa looga dhigay, una shareerraatay,

Ey beentii shaaraca ku timid, sheeg haddaad garato,

 

Shirkii lagu ballamay faalladii, shaaca laga qaaday,

Shalmadi koore raacdaye wax baan, sheedda ka arkaaye,

Shishe u garannay haasaawihii, shaadirka lahaaye,

Shaf-dhiggeedii meeshuu hirdiyay, sheeg haddaad garato,

 

Belaayada shinkeed galay fidmada, laga shaqaynaayo,

Shoocaalligeedaa hirmacay, waa se sheen go’aye,

Halka shalaxda la lamaagan yahay, sheeg haddaad garato,

 

Cadceedduba dayaxa shiiqisee, waa se laba shey e’,

Wuxu shamacba taaggii u huray, sheeg haddaad garato,

 

Shatartii qabiilka iyo wigladan, lagu shaqaynaayo,

Waxa qaranka shuushkii ka baxay, dib ugu shaasheeyay,

Duqdii oo shakaalkii iyo qabrigi, shebeggii hayn waayay,

Shaarubo libaax iyo hadday, shaadh ammaan tolatay,

Sharcigii qaban lahaa meel u jro, sheeg haddaad garato,

 

Shuf u dhimo nin ragi waa geyaa, sharaf na nooloowe,

Waxay sharadii meesheed u tahay, sheeg haddaad garato,

 

Ninkuu kibirku shaan-shaan ka riday, waayo shaxarsaanye,

Misna waxanu sheekada ku darin, shiishka soo maqane,

Intuu shaqalka gaabani u jiro, sheeg haddaad garato,

 

Shillalka lagu qal neefkii la dhigay, shidada xoolaha e’,

Shanqadha iyo shariiryaha disdida, shagagaxdii weelka,

Sidii wananka loo kala shishlaa, shiillimaad noqoye,

Shansho kama dhandhamin reerki waa, shey cajaa’ib ahe,

Waxay sheeko-baraleydu tahay, sheeg haddaad garato,

 

Shaxda niman aqoon lama degeen, mana shu’aysteene,

Shan Soomaliyoo wada socdoo, calan ku sheekeeya,

Shimmaa la arkayaa waa su’aal, sharad ka yaallaaye.

Cabdi Iidaan Faarax, ku-sinnaan 1924kii ayuu ku dhashay Degmadii Hargeysa. Qayb libaax ayuu ka soo qaatay halgankii gobannimo-doonka ee gumeysigii Ingiriiska lagaga hor tegay. Wuxu ka tirsanaan jiray oo uu ka gabyi jiray makrifoonkii Xisbigii NUF-ta (National United Front). Cabdi Iidaan wuxu ahaa gabayaa waddaniya oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba aad looga yaqaan. In kastoo badiba loo yaqaannay gabayaa, haddana Cabdi Iidaan wuxu lahaa qaar ka mid ah heesaha Soomaaliyeed kuwa loogu jecel yahay oo uu ku luuqeeyo Maxamed Axmed Kuluc. Heesahaa, waxa ka mid ah: “Jacayl biri ma goyso”, “Xurmo-daran” iyo qaar kale oo badan

Deelleeydii laba maanso oo dhamac ahaa ayuu ku lahaa oo kala ahaa: Awrka dooh ma lagu yidhi iyo Daad-warararac, Shiinleydana isaga ayaa ballaysimay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo. Dhammaadkii 1980kii ayaa si qarsoodi ah loogu dilay duleedka bari ee magaalada Hargeysa, taas oo loo aanaynayo nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre oo uu si dadban iyo si toosanba uga hor yimid ulana dagaallamay. Shiinleydii Cali Sugulle kaga jawaabay, berri la socda haddii Eebbe idmo.

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)