Daaliban waxay ku dul fadhidaa macdan qiimeheedu yahay US $ 1trillion (WQ: Rashiid Salaan)

Sida deg degga ah  ay Dowladii Afghanistan u dhacday ee ay u gashay Gacmaha Daalibaan arrintaasi waxay keentay inay dad badan oo kumanaan ah inay ka yaacaan waddanka waxa kaloo ay arrintani indhaha ku soo jeedisay macdan aad u badan oo qaali ah oo dihin oo wadanka ku jirta taas oo wax ka tari karta dhaqaalaha waddanka Afghanistan haddiba ay cagaheeda isku taagi lahayd haddii laga faa’iidaysan lahaa.

Afghanistan waxay ka mid tahay waddamada ugu faqiirsan Dunida hase ahaatee Sanadkii 2010kii Militariga Maraykanka iyo koox macdan baadhayaal ahi waxay xaqiijiyeen in waddankan oo ku yaalla halka a ku kulmaan Badhatama iyo Koonfurta Aasiya inuu ku fadhiyo Macdan lagu qiyaasay Us $ 1 trillion (kun billion) waxa ka mid ah macdantaas Iron,Copper,iyo dahab.waxa kaloo jirta macdan adduunka macduun ku ah “Lithium” taas oo muhiim u ah dabaynta Baytariyada iyo teknoolojiga casriga ah.

“Iyadoo kolkii horeba ay qul qulatooyinka ka taagan waddanku ay halakeyeen in waddanka macdan loo soo saaro haddana imika oo ay Gacmaha daalibaan dib u galayo lagama rajo qabo inay wax iska bedelaan,balse waxa jira waddamao badan oo la jaar ah oo u beretamaya sidii ay u boobi lahayeen macdantaas sida India,china,iyo pakistaan iyagoo ka faa’iidaysanaya Fursadaha iyo qalalaasaha.calamad su’aal ayuu geliyay” sidaa waxa yidhi Rod Schooner oo ah khabiir waayo arag ku ah arrimaha Amniga (security) oo maraykan ah.

Ka hor intii aanu joe Biden ku dhawaaqid inuu ciidankiisa kala baxayo Afghanistaan horraantii Sannadkan rajadii laga qabay waddanka dhaqalihiisa way sii gudhay,waxa lagu qiyaasi jiray sannadkii 2020 ka in dakhliga qofka soo gala uu ka yaraa 2dollar maalintii sida ay qortay warbixin ay soo saartay hayad maraykan ah “Congessional research Service” sidoo kale warbixintu waxay sheegaysaa in ganacsiga dadka “private sectorka” uu saamayn ku yeeshay nabad gelyo darrada wadanka ka jirta,oo uu ka dhaqaaqi kari waayay

Waddamo badan oo loo yaqaan waddamada taagta daran waxa ku dhacda waxa loo yaqaan “Resorse Curse” waddamo shisheeye ayaa booba khyaraadkooda Waxa jirta in macdanaha Cobalt iyo Lithium in maanta dunida aad loo  baahan yahay waxayna muhiim u tahay xidhiidhinta dabka ee gawaadhida casriga ah iyo technologiga casriga ahba. Hayadda tamarta Caalamiga ah warbixin ay soo saartay waxay ku sheegay. Macdanaha noocan ah Liitiyam (Lithium) ee aad dunidu ugu baahantay waddamada soo saara imika waxa ka mid ah Ausrtralia iyo Jamhuriyadda Koongo 75% boqolkiiba

Waxa kaloo Dowladda Maraykanku report ku soo saartay in macdanta Lithiumka (Liitiyam) ee Ku kaydsan Afghanistan ay la mid tahay ama ka badantahay ta ku jirta Waddanka Bolivia oo ah waddanka ugu badan ee laga soo saaro macdantan.Aqoonyahan ku xeel dheer baadhista macdanaha oo muddo ku siman ilaa 1979kii baadhis ka waday  waddanka Afghanistan  Mirzad ayaa yidhi sidan”Muddo dhowr sano aan ka badnayn ayay horumar dhinac kasta ah ku gaadhi lahayd Afghanistan haddii ay nabad heli lahayd”

“Daalibaan Awooddii qabsatay,hase ahaatee kooxaha ama Dowlad ku meel gaadh oo ay samaystaan lagama yaabo inay kob cagaar leh ka soo dur duruyaan”sidaa waxa yidhi Joseph parkes oo ah khabiir ka faallooda arrimaha Asiya.Cumaqabaynta Maraykanka iyo dowladaha reer galbeedku ay u arkaan in Daalibaan tahay Argagixiso iyaduna waa caqabad kale.Cidda keliya ee albaab uga furanyahay waa China oo maanta ku faraxsan in maraykan ka baxay Afghanistan,isla markaana ku qoslaysa sida qaab xumada ah ee Maraykanku uga baxay waddanka ayaa ah hogaamiyaha macdan qodista waxayna dhowaan xidhiidh la samaysatay Daalibaan.

Si kastaba ha ahaatee Maraykanka ayaa u muuqda inuu u calaacalayo Fursaddas uu awoodda u waayay ee taalla Afghanistaan,ee uu uga baqayo inay dhaxlaan Pakistan,India iyo China taas oo ka muuqdo hinaase,waxa kaloon la garan Karin xaddiga macdanta ah ee ay ka guranayeen Maraykanku wadanka Afghanistan muddadii 20ka sano ahayd ay joogeen ciidanka marakanku.

 

Rashiid Odowaa

rashidsalan@gmail.com

063-4101213