Dabarka Doorashada Golaha Wakiilada iyo Dawada Saami qaybsiga Kuraasta (WQ: Mohamed Adan Gacayte)

“Laba shay ka horeeya
Hadii aan la hagaajin
Miyay hawli dhamaan”
~ Murti Amina C/laahi

Xikmad kalana waxay tidhaa “Duruufi Xeerka Ka Wayn” Bilawgii Sanadka 2005, waxaa Golihii Wakiilada Somaliland ee xilligaas joogay uu ansixiyey Xeer Lr. 20/2005 kaas oo ay ku jireen qodobo caqabad ku noqonayey qabsoomidda doorashadii Golaha Wakiilada ee la filayey inay dhacdo isla sanadkaas, waxaana qodobada caqabadda ku ahaa qabsoomida doorashada ee ku jiray xeerkaas ka mid ahaa qodobo ay waajib tahay in la fuliyo ka hor doorashada, waxaana ka mid yihiin:
1. Inay mudan tahay in la sameeyo diiwaangelin codbixiye,
2. In la sameeyo tirakoob dadweyne,
3. Sugidda xuduudaha dalka
4. In la kala xadeeyo degmooyinka cusub.

Qodobadaas kor ku xusan, dhamaantood waxay ahaayeen caqabado waaweyn oo dabar ku aha in doorashada barlamaanku ay dhacdo sannadkii 2005, hase ahaatee Madaxweynihii Somaliland ee xilligaas Daahir Rayaale Kaahin ayaa qaatay go’aan geesinimo leh, wuxuna Feb 19, 2005 uu qoraal u diray xafiiskii Xeer ilaalinta iyada oo xeer ilaalintuna ay maalin ka dib u gudbisay Maxkamaddii Dastuuriga ahayd dacwad nuxurkeedu ahaa in Golaha Wakiilladu ay ku xadgudbeen xuquuqdii muwaadinka ee ahayd in la doorto ama uu wax doorto. Sidaas awgeed waxay maxkamadda ka codsadeen inay laasho qodobo ku xusna xeerkii Doorashada ee Baarlamankii waqtigaas ansixiyeen, kaas oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale u arkaysay inay caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada.
Wax ka yar usbuuc maalintii dacwada la gudbiyay, waxay Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ay soo saartay Qaraarkan oo ku taariikhaysan Feb 26, 2005. wuxuuna u dhignaa sidan :-” Waxaa Maxkamadda u caddaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyo carqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaa darteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee XeerNo. 20-2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee looga maarmi waayo doorashada Madaxtooyada Socodsiinta Hawsha Doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Xeer Lam.20/2001″.
Qaraarkaas maxkamadda ayaa horseeday in wax laga bedelo xeerkii doorashada golaha wakiillada, isla markaana lagu qoro, sida ku cad qodobka 12aad ee Xeerka Lr. 20-2/2005 in saamiga kuraasta golaha wakiillada ee gobollada lagu geli karo oo keliya doorashadan (Doorashadii qabsoontay 29/09/2005).

15 sano ayaa ka soo wareegtay markii la doortay Golaha Wakiillada ee fadhiya, jiitanka intaa le’eg waxa u sabab ahaa muranka saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada, maaha arrin sharci oo keliya hase yeeshee waa arrin siyaasadeed oo u baahan hoggaamin quman, wadatashi iyo go,aan qaadasho adag iyadoo la eegayo duruufta lagu jiro iyo danta qaranka oo ah doorasho inay qabsoonto.
Qodobka saami qaybsiga kuraasta Wakiiladu waa caqabada ugu wayn ee Doorashada Golaha Wakiilada u xaniban tahay maadama dalka aanu ka dhicin tirokoob rasmiya oo ah dawada qudha ee saami qaybsigu ku bogsanayo. 2005 tii wixii ka danbeeyay waxa laga dhigtay isbaaro siyaasadeed oo siyaasiga danta lihi adeegsado oo maalinba shaadhka uu doono usoo xidho.

Hadaba; Aragtiyada Xalka Saami qaybsiga Waa Laba Waji Oo Kala ah:-
1. In Daneeyayaasha Doorashada ay ka heshiiyaan qodobka saami qaybsiga. sidaas darteed Heshiiska ay maanta oo bishu tahay July 12, 2020 ay wada saxeexdeen Xisbiyadda Qaranka JSL oo ku saabsa qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ee isku sidkan qodobkiisa 5aad wuxuu odhanaya; “Saddexda xisbi qaran waxay isku waafaqeen in kuraasta gobolada ee golaha wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii lagu galay doorashadii golaha Wakiilada ee 2005 tii. Wixii ka danbeeya doorashadana la sameeyo tiro koob rasmiya oo dalka ka qabsooma” Kolkaa wajigii 1aad waalaga heshiiyay.

2. Wajiga 2aad ee xalka Saami qaybsiga waa in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu qaato go’aan adag oo la mida kii Madaxweyne Rayaale kusoo afjaray murankii jiray waqtigaas oo kan maanta lamida ah. Madaxweyne Biixi waxaan usoo jeedinayaa inuu ku dhiirado oo maxkamada dastuuriga ah ka dalbado inay furdaamiso qaraarka ay hore uga soo saartay qodobka saami qaybsiga maadama aanay dalka tirokoob rasmiya ka dhicin, muhiimna ay tahay in dalka doorasho ka dhacdo.

Shacabka Somaliland waxan leeyahay “wixii umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah”, Somaliland danteedu waa doorasho muran iyo kuraas layska fadhiyo xal maaha. Bidhaantii doorashada ayaa muuqatay, Heshiiska 3da Xisbi Qaran wuxu muujinayaa sida Muxaafid iyo Mucaarid iyo Madaxweynaha Qaranka uga go’an tahay inay dalka ka qabsoonto doorashooyinka mudo dhaafay ee Wakiilada iyo Deegaanka.

Wabilahi tawfiiq
Qalinkii: Mohamed Gacayte.
Hargeisa/Somaliland
Gacatye09@gmail.com