Dabbaabadda Dabogaabka Xidhan: Sidee Boholyawgu Ku Noqday Hubka Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Argagixiso La Diririka? (WT: Cabdillaahi Raage “Sayidka”

WQ: Alages Shamsi.

Aleges Shamsi wuxu Tifaftire ka yahay Ajam Media Collective. Waa qoraa iyo arday PhD oo Antaroboolajiga ka barta Jaamacadda Shikaago.

Cabdillaahi Raage ayaa turjumay

[Maqaalkan waxa lagu faafiyay shabakadda Ajam Media Collective September 6, 2017, hadda oo shaacsanihii uu naqdinayay qoraagu la soo noqday ka bixista Maraykan ee Afqaansitaanna aad ayuu u faafay.]

Gogogldhig

Isla maalmihii ay Kaabuul u gacangashay Daalibaan waxa aad loo wareejiyay laba sheeko. Midi waa sheekada qoraalkani ku sahabsanyahay ee ah sawirrada haweenka Afqaanistaan ee dabogaabka xidhan iyo kuwa Burqaca xidhan. Ta la baadna waa warqad CIA ka soo baxday bilaw tobanlaydii inna soo dhaaftay oo ku sahabsan qorshe qeexaya sida qaddiyadda haweenka loogu adeegsan doono, waagaas oo aad looga soo horjeestay dagaalka, in shacbiyad loo helo—Maraykan iyo Yurubba—dagaalka Afqaanistaan in la sii wado.  Waxa faafitaanka ku saddexeeyay qormadan oo 2017 ka timid.

Sida qormadan aad ugu tagi doonto adeegsiga borobogaandeed ee sawirrada haweenka u labbisan si galbeedaysan ee “waa’ dahabi ahaa” oo laga soo gudbay ku laafyoon jirya jidadka caasimad caalamka islaamka ahi waa shaacsane aad u faafasan. Waa agab dacaayadeed aad ugu haboon imbaardooriyadaha duullaanka ah iyo dimaagoogiyiinta raadcada ugu jira wax ay bulshooyinka dunnida kale—aan galbeedka ahayn—dadnimada kaga saari xayuubiyaan. Sida loogu adeegsaday marmarsiyo dagaal si la mid ah ayaa loogu adeegsadaa marmarsiyo loogu xadgudubo karaamada malyuumaad haween ah oo loo sawiro xayawaanno guri lagu carbisto oo “badbaadin” u baahan ama xayawaanno in naftooda “laga xoreeyo” ay tahay. Intaasna waxa ka sii daran in loo adeegsado sidii ajandaha dhaqandhaqaale iyo siyaasadeed, habraaca sharci iyo xeerashaba loogu dajin lahaa bulshooyinkaas, iyada oo la danbabasayo—waa ta ugu culus—qaddiyadaha danaha dalalkaas iyo dadkoogu hormarinta sinayaan, oo—isla doonashooyinku qadarku waa cajiib e—mar walba madaxbannaanida iyo dhaqaaluhu ugu horreeyaan. Qormadan, baadhahan Iirani-Marayka ahi wuxu ku feyday halista sheekooyina ay curiyaan aydhiyoolajiyado u muuqda in ay xaqa aadamaha ka duulayaan marka ay qaddiyad qaddisan u sameeyaan cudud gumaysi u soo tafoxaydatay.

Doodda la xidhiidha dabogaabka dumarka Afqaanistaan waxay noqtay baaskii ugu danbeeyay ee dagaalka argagxiso la dirirka.

Naska Maqaalka

Bishii tagtay [ogos 2017], Doonal Taraam ayaa ku dhawaaqay in Maaykanku sii wadayo gumaysigiisa milateri ee Afqaanistaan, wuxuna beeniyay mawqif uu wakhtidheer taagnaa oo uu ku dalbanayay dagdag uga soo bixid. Taas badalkeed, dalkaasi wuxu ku sii jiri doonaa dagaal dhammaad la’. Dagaal tobannaan kun ku dhinteen kuna fashilmay in uu gaadho, mid uun, yoolashiisii—tusaale ahaan dadka Afqaanistaan nabad in uu u dhaliyo.

Hadda waxa ay u muuqataa in dagaalka shirkado gaar ah qayb ka heli doonaan in ka badan intii hore, Taraamna wuxu muujiyay sida uu u danaynayo xukuumadda Afqaanistaan in uu ku qanciyo in ay jidka u xaadho shirkadaha macdan qodid ee Maraykan, si ay uga faa’iidaystaan—baad ahaan, kaydka macdanta dalka ee aan la taaban—waxa lagu qiyaasay $1 Tiriliyan, sidii judhiiba loola wareegay shidaalkii Ciraaq duullaankii Maraykan ee 2003 dii ka dib oo kale. Way adagtahay in la suuraysto dhac hubaysan oo ka indho adag.

Xagee Dabogaabku Ka Soo Galaa Sawirkan?

Lataliyaha ammaanka qaranka MaakMaastar baa tusay Doonal Taraam sawir 1970-neeyadii ah oo muujinaya dumar Afqaani ah oo xidhan dabogaabyo si uu ugu qanciyo in uu sii joogteeyo joogitaanka 16 jirsaday ee Milatariga Maraykan ee dalkaas, sida Waashintoon Boost soo warisay todobaadkan.

Tani maaha markii ugu horraysay ee labiska haweenka Afqaanistaan loo adeegsado marmarsiyo dagaal. 2001 dii, Jamhuuriyiintu waxa ay u adeegsadeen Burqaca buluugga ah ee ay xidhaan haween badan oo Afqaani ahi, sharci ahaanna loo fulin jiray xilligii Daalibaan talinaysay, astaanta gumaysiga haweenka.

Si la mid ah reer Yurubkii ka horreeyay, ee taageeray “mashruucii Ilbixinta” ee gumaysiga jiilkan cusub ee Fiimaniistayaasha Gumaysigu waxa ay dhankooga ka qabsadeen moodada si loo “xoreeyo” haweenka Afqaanistaan iyaga oo aan ku xisaabtamin waxa ay keeni karto xorriyad qori caaradii la iskugu qasbay.

Lix iyo toban sanno ka dib, Maraykan wali Afqaanistaan ayuu gumaystaa haweenkiina dirqi bay xor ku yihiin. Runtii, farsamooyinka gaboodfalka miidhan ah ee Maraykan waxa ay meesha ka saareen qaybo dadweynaha ka mid ah waxa ayna shidaaliyeen fallaagowga Daalibaan, oo hadda uu labeeyo fallaagowga Daacish. In kasta oo dhibco iftiimaya oo horusocod ka jiraan dalka, haddana waxa qariya gumaysiga Maraykan iyo taageerada joogtada ah ee uu u siiyo xukuumadda dhexe ee musuqqa badan.

Haddaba Maxaa Iska Galay Sawirrada Dabogaabka Haweenka Afqaanida Iyo Warkan Kale Oo Dhan?

Sannadahan danbe waxa aad loo wareejiyay curis-sawireedyo sheeganaya in ay “muujinayaan” sidii Afqaanistaan ay ahayd dagaalka ka hor, kuwaas oo ay ka muuqdaan rag iyo dumar ku labisan mooddooyinkii 1970-meeyadii oo wax ka baranaya jaamacadaha Kaabuul, buuraha iyo webiyada u safraya ama jidadka farxad ku maraya.

Inta badan curisyadan waxa weheliya faahfaahinno sheegaya sida ay duamrku 1960-nadii iyo 70-nadii ugu hoos badhaadheen xukunkii Axmad Daahir Shaah ama kii inaadeerkii oo afganbi ku qaatay awoodda 1973, ama ka dib guushii kacaankii Soor ee Hantiwadaagga ahaa 1978, gaar ahaan intii aanu duullaankii Soofiyeedka ee 1980 soo kicin iskacaabintii hubaysnayd ee ka dhanka ahayd madaxda cusub, Maraykankuna bilaabin in uu taageero Mujaahidiinta Afqaanida ee la dirirayay miltarariga Soofiyeedka.

Afqaanida, maqaalladani waxa ay u yihiin qaab muhiim ah oo ay u xasuustaan tagtadii, waa’ timaaddadu u muuqatay mid ifaysa. Afqaanida sawirrada ka muuqdaa waxa ay u muuqdaan kuwo u socda timaaddo xadaasad, calmaaniyad iyo horumar leh. Dhabbo ay dhexda u galeen kacdoon, dagaal, cadaadis iyo gumaysi. Albadannadi waxa looga fikiri kara mustaqbal kale. Sida xaaladuhu noqon kari lahaayeen hadii ayn jiri lahayn faragalinnada shisheeye, dagaallada, soo ifbaxa maleeshiyaadka, gacansarraynta Daalibaan iyo iwm.

Marka la eego mushkiladaha tirobeelka ah ee Afqaanistaanta casriga ahi wajahayso, layaab ma leh in Afqaani badan curis-sawireedyadan ka helaan dareen faan iyo mid rejo. Wadaagga sawirradani waa qaab loo xasuusto tagto inta badan la hilmaamo, ka hor inta dagaalku aanu dalkan u baddalin si aan la garan karin. Afqaanida arrinkani uma aha oo qudha boholyow, waxa kale oo uu xasuusinayaa sida ay shalay Afqaanistaan u martigalisay riyooyinka berri wacan in ay maantana u martigalin karto. Waxa ay la xidhiidhaan si-wacan-wax-u-aragga iyo suuraysiga timaaddo xanuunka dagaalladu dib ugu lumay tagtada.

Sida Maxamed Qayuumi oo daabacay buug ku sahabsan sawirrada qadiimiga ah u sharxayo: “Xasuusashada tagtadii Afqaanistaan ee rajada miidhan ahayd kaliya taaganteeda murugada badan ayuunbay ka dhigaysaa mid ka sii murugo badan. Lakiin waxa muhiimad leh in la ogaado in fawdada, argagixisada iyo cunfiga lagula kaco dugsiyada wax bara habluhu ayna ahayn lamahuraan. Waxa aan rabaa in dhalinyarta Afqaanistaan ee maanta aan tuso sidii ay aabayaashood iyo awawyaashood u noolaayeen dhab ahaantii.”

Qeexidda “Xorriyadda”

Laakiin jamaahiirta ballaadhan ee Ingiirisida ku hadasha nuxurka maqaalladan uma aha, lagumana soo koobi karo timaaddo wacan ku riyood, boholyow ama xataa taariikh barasho, gaar ahaan marka lagu xisaabtamo sida farokutiriska u yihiin maqaallada kale ee Afqaanistaan ku sahabsan ama mawduuc kaleba ee meel kasta ka dhaca. Waa maxay sababta dadka aan Afqaanida ahayni u daneeyaan in ay Afqaanistaan wax ka ogaadaan kaliya marka ay sheekadu la xidhiidho dumar dabogaab xidhan?

Nuxurka curisyadani waa in la yidhaahdo ka hor 1980 Afqaanistaan waxa ay ku socotay in ay noqoto bulsho la “galbeedeeyay”. Qaarkood waxa ayba sheegeen haddii aanu Maraykanku caawin Islaamiyiinta xagjirka ah laga yaabe in ay sidaasba ahaan lahayd. Tani waxa ay u muuqataa sida sawirrada loogu sharraxay Taraam, si loogu qanciyo in aanu Afqaanistaan ka quusan sababta oo ah Afqaanida waa la “ilbixin” karaa mar kale, laftana way ka yihiin.

Fikradda sawirradani sheegayaan ee waagii “dumarku xorta ahaa” waxa ay u muuqataa in ay “xorriyadda dumarka” lekaysiinayso dabogaabka.

Halkii xorriyadda dumarka lagu qeexi lahaa xuquuq bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale–sida akhris qoraalka, helidda daryeel caafimaad iwm—labada mawqifba waxa ay u soo dajinayaan “xorriyadda” inta diir muuqda ama qarsoon. Sawir uunbayna u baahantahay in la go’aamiyo in dumarku xor yihiin iyo in kale.

Mushkiladdu maaha in sawirradani ay khaldanyihiin. Runtii dad baa Afqaanistaan ugu noolaaday nololaha sawirradani. Laakiin waxa ay ahaayeen qurub yar oo dadwaynaha ka mid ah, oo ka kooban dabaqaddii dhexe ee Kaabuul oo ku raaxaysan jirtay taageeda iyo maalgalinta Boqorka, oo ka dhisay Kaabuul xayndaab badhaadhe, dalka intiiska kale se ku hayay faqri ba’an—qayb ka mid ah sababaha afganbigii 1973 iyo kacaankii 1978.

1979, dhamaadkii “casrigii dahabiga ahaa” ee Afqaanistaan kaliya 18% Afqaani ah ayaa waxna qori jiray waxna akhriyi jiray, celceliska qiyaasta noloshuna dirqi ayuu 40 ku dhaafayay. Taas oo macneheegu yahay in kalabadh Afqaanidu dhiman jireen da’daas ka hor.

Afqaaniyadda caadiga ahi hubaal dabogaab ma xidhan jirin, jaamacadda Kaabuulna ma dhigan jirin, sidoo kalana uma qaadan jirin dhar faashin ah iyo baabuur la soo dajiyay dalxiiska buuraha. Intan ay muujinayaan sawirrada Kaabuul ee 1970-neeyadii waxa ay ahaayeen in yar oo haldoorka reer magaal ah iyo qurub dabaqadda dhexe ee bulshada ka mid ah, kama turjumayaan duruufaha nololeed ee aqlabiyadda Afqaanida.

Aad u faafidda sawirradan iyo sheegashadooda marinhabaabinta iyo layaabka leh ee ah in ay matalayaan noloshii Afqaanida ee 1970-nadii waxa ay qayb ka tahay fikirka odhanaya kaliya marka haweenku tuuraan xijaabkooga ayuunbay dhab u xoroobayaan iyo Afqaanistaan bilaa Burqac ahi waa Afqaanistaan waxwalba wanaagsanyihiin, xorna ah.

Farokutiris maqaalladaas ka  mid ah ayaa carrabbaaba in xijaabku ku fidsanaa bulshada Afqaanistaan ee ka baxsan qurubka yar ee haldoorka ah, ama in tan iyo 2001 haween badan oo Afqaani ahi oo xijaabyadooda xidhani ay dugsiyada iyo jaamacadaha dhiganayeen, si waxtarlehna u shaqeeyeen.

Maqaalladani waxa ay dulxaadis ka dhigaan xaqiiqooyinka silsilbashada badan ee tagtada, si in ka hor 1978 Afqaanistaan ay ahayd badiyaa meel aad u faqri ba’an, iyo in dagaalkii Soofiyeedka iyo Mujaahidiintii Maraykanku taageerayay cunfi badnaa, si tabanna u saameeyay haweenka. Taas badalkeed waxa ay soo bandhigaan sheeko sheegaysa in bulshada Afqaanistaan mar xijaabka xor ka ahayd, ayna ku noqon karto waaqicaas, maya e ayba waajb tahay in ay u noqoto!

Sheekanadi kaliya mid marinhabaabin leh uun maaha, sidoo kale aad ayay u halis badan tahay, sida ay cadaysay, markii ugu danbaysay, adeegsiga loo adeegsaday in lagu qanciyo Taraam caddaaladnimada dagaalka dhammaad la’aanta ah. Sheekadani waxa ay ku talinaysaa in baaba’ ka saydcaleeyay bulshada Afqaanitaan aanay jirriddiisu ahayn musuqqa baahsan, la’aanta fursado dhaqaale, tirtiridda masaaxado ballaadhan oo dhisme iyo deegaanka dabiiciga ah ba a, dayuuradaha duuliye la’aanta ah ee dilay kumannaan danbila’aan ah ama wax kasta oo kale oo la xidhiidha siyaasadda, dhaqaalaha iyo xaqiiqooyinka bulsho ee horyaalla 35 ka milyan ee Afqaanida ah ee isku dayaya in ay noolaadaan noloshooda, laakiin intaas oo dhan badalkeega in ay tahay dabogaab la’aanta jidadka Kaabuul foolxumada badday.

Cidna isma waydiinayso sababta Maraykanku ugu fashilmay ugu yaraan in uu dib u dhiso jidadkaas xaga danbe ka muudqa 16 kaas sanno. Su’aalaha mugga leh ee ku wareegaya mushkiladaha Afqaanistaan horyaalla waxa daahaa in dib doodda loogu jiheeyo labiska haweenka, dabadeed dooduhuba waxa ay dib ugu noqdaan kala qaybsanaanta dulxaadiska ah ee Islaamka iyo xadaasada calmaaniga ah.

Waa muhiim in la ogaado in hubaynta boholyowgu aanu ku koobnayn Afqaanistaan, dalalka gobolka oo dhan ayuu caamyeelay.

U fiirso sawirrada Iraan ka hor Kacaanka Islaamigaa ee badiyaa loo adeegsado si loo sawiro waagii dumarku xor u ahaayeen xidhashada dabogaabka, sheekadanna waxa ay u dhigi “xorriyadda” macneheega ugu ballaadan. Sidoo kale Iiraan sawirradani waxa ay bulshadeeda ka muujiyaan aragti aad u xaddidan, aadna loo falkiyay. 1979 aqaliyad aad u yar oo haweenka Iiraan ah ayaa jaamac gaadhay, halka maanta 55% ay ka yihiin. Sidoo kale hubaal baarar iyo kalaabyo way ku yaalleen magaalooyinka waweyn sida Dahraan, aqlabiyadda Iiraantu waxa ay se ku noolaayeen baadiyaha, ma xidhan jirin dabagaab, si joogto ahna uma tegi jirin cawaysyada baararka.

Sidaa waxa la mid ah Ciraaq. Sawirrada 1970-nadii ayaa lagu soo celceliyaa si loo muujiyo wakhtigii ka horreeyay Saddaam Xuseen, dagaalka, cunaqateynaha iyo duullaanka Maraykan. Lakiin sawirrada haweenka dabogaabka xidhan ee dariiqyada Baqdaad ma matalaan xaqiiqada baahsan ee aqlabiyadda dadka Ciraaqidaa ee xilligaas ku noolaa dhulka beeralayda ah. Sidoo kale ma matalaan siyaasadihii qarankii Bacsiyiinta ee aadka u shaqeynayay waagaas.

Lakiin curis-sawireeyadaasi ma danaynayaan tirokoobyada caynkaas ah iyo tafaasiishaas isku dhexdaadsan. Curisyadani dhif iyo naadir ayay keenaan tirokoobyo la xidhiidha waxbarashada, shaqaalaysiinta ama wax kasta oo kale. Qodobka ugu muhiimsani waa muuqa: dabogaabka iyo dalxiisyada. Waxana la inna siiyaa tagto lagu soo koobi karo dhererka haafka gabadha, oo ka madhan xaaladihii iyo duruufihii ay dhab ahaantii ku noolaayeen aqlibiyadda dumarkaas (ama raggaas).

Haddaba dumarku “xor” ma ahaayeen 1970-nadii dalalkaas? Dabcan waxa ay ku xidhantahay sida aad u qiyaasto. Lakiin arrinku wuxu yahay in dabogaabka iyo la’aantiis ayna caddayneyn jiritaanka xorriyad dumar iyo xaddaarad dal. In loo adeegsado in lagu qanciyo Taraam in uu sii wado gumaysga Afqaanistaan waxa ay daaha ka feydaysaa halista taagan ee is-khaladkaasi kala mid dhigaya labiska haweenka xorriyadda iyo hubaynta boholyowga.

Bohoyowgani waa halis sababta oo ah wuxu tirayaa xaaladaha jira ee dhabta ah ee leh sinnaan la’aan bulsho, ee tagtanada jirtay una baahan daymadeenna xilligan taagan. Curis-saiwireedyadani waxa ay badiyaa gudbiyaan aragti marinhabaabin ah oo la xidhiidha tagtada, waxa ayna ka soo qaadaan taariikhda haldoorka sidii oo ay ka turjunto ummadda guud ahaan, taas oo daahda xaqiiqada xusuusaha dadka badidooda ee tagtada, waxa ayna ku badalaan sheeko la sinta xorriyadda, kaliya labiska.

Nooc xijaab iyo niqaab isku tolan ah oo Afqaansitaan laga adeegsado.

theabdillahiraage@outlook.com