Dabinka Akhriska: Maxaad hal Buug u dhammayn la’dahay? (WQ:Adam Ducaale)

Nin aanu saaxiibbo nahay ayaa igu yidhi: “Markasta oo aan doono in aan buug akhriyo waxa aan dareemaa cidhiidhi iyo diiqad waqtina uma helo inaan dhammaystiro. Waxa guriga ii yaalla kabadh ay buugaag ka buuxaan, waxa aan doonaa in aan akhriyo, mana akhriyo! Xaaladdan aad ayaan uga daalay…'”

Ninkaa saaxiibkey ah waxa uu ka hadlay dhibaato isaga haysata, sidoo kale waxa uu afkoodii ku hadlay kumaankun kale oo xaaladdan quusta ah ka jooga akhriska. Waa dhibaato ay sababo dhowr ahi ka dambeeyaan oo aan la daawayn karin sabab keliya, iyada oo sababahan uu qofba kaga duwan yahay qofka kale oo aanay fududayn in la cilaajiyo.

Inta aanan sheegin waddooyinka wax ku oolka ah ee lagu daaweeyo arrintan, waxa muhiima in lagu baraarugsanaado dhibaatada wahsiga akhrisku waxa uu ka farcamaa xanuun kale oo la falgala basharka oo ah qofku in uu caadaysto dhaqanka dib-u-dhigashada “Procrastination” “التسويف”. Waa cudur la ku dhaca dabciga bani’aadamka oo ku qasba in uu dib u dhigo waxakhriska iyo arrimo kale oo muhiim u ah. Idamka Alle, qofka raaca tallaabooyinka waxa aan rajaynayaa in uu ka dheefi doono oo uu arki doono raadkeeda kana raysan doono wahsiga waxakhriska.

1. Kala horreysiin iyo la qabsi.

Nin ku cusub caadada akhriska oo dhowaan uun soo galay caalamka akhriska ayaa nin kale oo ay saaxiib ahaayeen baa u hadyadeeyeey buugga la yidhaahdo “The Story of Civilization” “قصة الحضارة” ee uu qoray qoraaga reer Maraykan ee “William J. Durant”. Buuggaasi waxa uu ka kooban yahay 21 mujalladood (Volume). Dagaal aanu awooddiisa lahayn ayuu ninkii dhexqaaday ilaa uu markii dambe ka diiqadooday waxakhriskiiba. Buuggii inta uu iskaga tegay ayuu mid kale oo ka yar raadsaday.

Sheekadan waxa ugu wayn ee aad ka baranaysaa waa in akhrisku uu yahay sallaan u baahan in laga bilaabo jaranjarrada u horreysa. Sidoo kale waxa ay ku baraysaa mudnaanta kala-hormaynta akhriska. Qofka akhristaha ah waxa u wanaagsan in uu ku bilaabo akhriska buugaagta fudud ee kooban, isaga oo qorshaysanaya qaddar maalinle ah oo uu si joogta ah u akhriyo sida in uu akhriyo 20 bog maalintii oo aanu dhaafin in muddo cayiman ah ilaa uu la qabsanayo oo uu yeelanayo awood waxakhris. Dabadeed aayar-aayar ha uga sii kordhiyo. Sida arrimaha kaleba ay ugu baahan yihiin kala-horreysiin ayuu akhriskuna ugu baahanyahay ilaa uu qofku uu ka noqonayo caadaysto wayn.

2. Waxa aad jeceshahay akhri.

Arrimaha kugu caawinaya akhriska waxa ka mid ah in qofku uu ku bilaabo akhriskiisa meesha uu jecelyahay ee uu xiiseeyo badiyaa. Akhriska ugu horreeyaa saamayn wayn ayuu qofka ku yeeshaa joogtaynta akhriskiisa. Haddii uu qofku akhriyo wax uu jecelyahay, waxa uu jeclaadaa waxa uu akhriyayo. Waxa kordha xiisaha uu u qabo in uu in badan sii akhriyo. Haddii aad xiisayso sheeko-faneedda iyada ku bilow wax akhriska, haddii aad xiisaynayso adabka iyo badaha maansada iyada dhexgal ilaa akhrisku kuu noqdo caado maalinle ah. Waxa kuu furmi doona albaabada akhriska.

3. Maxaad Wax u akhriyeysaa?!

Waxyaabaha qofka ka caawiya joogtaynta akhriska waxa ka mid ah in ay jirto sabab iyo hadaf uu qofka akhriska u samaynayo. Arrinkaa dadku way ku kala duwan yihiin. Mid baa wax u akhriya in uu noqdo qoraa qalin macaan, mid baa u akhriya in uu si qotodheer u dhexgalo badwaynta aqoonta aan dhammaadka lahayn. Qaar baa wax u akhriya in ay xasiliyaan aqoon guud oo ay noqdaan aqooyahanno. Qofka ujeeddo iyo hadaf qeexan ka leh waxakhriska kama horyimaaddaan dhibaatooyin sida in uu akhriska ka daalo ama uu dareemo diiqad iyo wahsi. Ka dhig hadafkaaga mid ku qoran labadaada indhood dhexdooda oo naftaada u sheeg markasta oo ay quusato…

إذا ما طمحت إلى غاية * ركبت المنى ونسيت الحذر.

Caqbadaha ugu wayn ee hor istaaga akhriska waxa ka kow ka ah in qofku ku xidho akhriska jawi gaara ama xaalad goonniya. Jawigaas oo uu helo mooyaane xaashi akhriyo maayo! Waxaad arkaysaaa qof kugu leh: “anigu bun la’aan waxba ma akhriyo karo!” Ku kale waxa uu is hordhigaa shuruudo go’an sida; meel deggan in uu helo. Keliya waxa ku filan in uu faynuus ama shamac shito inta uu dib u dhigi lahaa akhriska.

Qofku akhriska uma rabbaayadoobo ilaa uu buugga u xambaarto sida uu teleefankiisa gacanta u sito oo kale. Caado ka dhigo akhriska oo ha ku xidhin ammin, meel iyo jawi gaara toona. Arrintaasi ka hor iman mayso qorshaynta waqti maalinle ah oo aad wax akhrido balse waxa lagama maarmaan ah in aad yarayso shuruuddan adag ee aad hordhigayso akhriska. Markasta oo uu qofku iska xoreeyo shuruudahaa waxa u fududaada in uu noqdo akhriste caadayste ah.

5. Waqti ma hayo!

Casharrada waawayn ee aynu ka baranay dhibaatooyinka aynu ku dhex noolnahay waxa ka mid ah in aynu nafaheenna ku maaweelino si maalinle ah odhaah been ah oo ah “Waqti ma hayo”. Dabadeed waxa aynu dib u dhignaa qorshayaal muhiima innaga oo daliishanayna in saacaduhu cidhiidhi innagu yihiin balse marka ay dhibaatadu timaaddo waxa ay qaawisaa xaqiiqadeenna, waxa ay inna horgeysaa muraayadda horteeda innaga oo dullaysan oo xaqiiqada gunteeda soo taabannay. Qofku haddii uu si dhab ah u doono in uu buug akhriyo waxa hubaal ah in uu waqti u helayo.
Waxaan ku soo khatimayaa hadalkii uu lahaa ninkii la odhan jiray Cubayd Al-Daahiri:

“Qofka aan waxba akhriyin waxa uu lahayste u yahay su’aalaha ay facii wayddiiyaan, sidoo kale waxa uu u garboduuban yahay jaawabahooda, xaduudda fekerkiisuna dhaafi addoonnimadaa. Qofka wax akhriya waxa uu iswaydiinayaa intaa in ka badan oo waxa uu helayaa jawaabo ka sii badan oo waxa uu ka fekerayaa meelo ilma’aragtay ah. Akhrisku waa neefta kuwa xorta ah ee halabuurka leh”

W/Q:Adam Ducaale