Dacawguba libaaxuu dabadiisa ka ciyaa (WQ: Ibraahim Aadan Cilmi-Galaan “Qamaash”)

Guusha geesigu way xasad badan tahay. Waad arkaysan xaar-walwaalada media taagan mar kasta oo wax waddanka dani ugu jirto u soo kordhana cayda iyo cajarafeynta gidaarada lala taaganyahay.  Kuwaa waxan leeyahay waxa idinka muuqata quus siyaasadeed kol hadday sheekadini dhaafi weyday reer hebelba wax la siiyey iyo gobol hebelbaa wax loo badiyaa.

“Gudhu-baa gadhaa afka wada guracan erayada gefka ah kuma-badiso garo”

Kursiga laguma gaadho been, xasad, munaafadqad, reer cay, qoys cay iyo catara-baqash ee waxa lagu gaadha geesinimo, daacadnimo, codkarnimo, dulqaad, ku dhac iyo inaad tahay nin-celis rabi iyo ragba yaqaan sokeeye iyo shisheeye rag wax iskaga tiriyo oo aan gardaro agtiisa xabag looga goosan karin.

Adigana xidigaha cirka ka widh-widhaya ayaa kaaga dhaw kursiga ay meeshu kuu go’day intaad reer cay iyo gobol wax ku raadinayso.

Damiimow siyaasaddu waa “interst” “ricaayatul umuuru mujtamac” xishood la’aanta iyo indho adayga ummadda lala hor imanaayo. Farmaajaa Jabuuti ceelal biyood u saxeexay shacabka reer Somaliland bay cay ku tahay in waxaa loo sheego dhegahooda.  Annaguna haddaanu nahay shacabkii waxaanu ku nidhi “waraabe u sheeg” waxaana hubaal ah hadday degaankaaga tahay inaad hubka guran lahayd.

Jabuuti waxay is tustay inaan ictiraafka Somaliland iyada dani ugu jirin sababo lawada ogsoon yahay. Haddii ta aynu ku kala aragti duwanahay, aynu eegno inta kale ee danood ee aynu ka midaysanahay.

“Laba hablood oo adhi jira oo saaxiibna ah ayuu mid aabaheed dhintay. Habeenkii markii xoolihii fidaha la qalay ayaa qoyskoodii hilibkii wax looga geyn waayey. Iyadoo saaxiibadeed u cadhaysan ayay maalinti markay adhigii wada raaceen ku tidhi anagaba mar uun buu aabahay dhiman oonu fide qalan.” Siyaasigeenu intaa miyuu garan waayey si uu jabouti teeda u beeniyo muutiisa u hawlgalo. Caydu sheekhaw cilmiga siyaasada kuma jirto iyo horjooga makrafoonka badan si aan calooshaada looga dhex kaluumaysan.

“Raggu waa wada rag marka reerka la joogo”

Gad-gadoonka waayuhu wuxuu keenaa muranka fulaha iyo geesiga, caalimka iyo jaahilka, deeqsiga iyo bakhaylka iyo in kaloo badan. Innamada yar-yar ee xulbaddii carruurnimo ka urayso ee media-ha taagan waxan leeyahay waddanka waxa hoggaanka u haya raggii iyagoo idinka yar naftooda u hurray halkaad adigu makrafoon reer wax ka sheeg dhawr sanno kaaga luntay.

Inmada socod baradka siyaasadda ku ah waxan leeyahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa la yidhaa mici-maraar loona jeeddo wuxu qabto dib looguma yeedho.

Ninku markuu 40 sanno siyaasad ku jirana adigu u magac bixi.

Layliguba geediga horuu laban-ligdoodaye, kol haddii hayaan loo lalabo leexay dabadeed.

“Somalilaaneey laguuma baqo.”

WQ: Ibraahim Aadan Cilmi-Galaan “Qamaash”