Da’da iyo Wakhtigu Kaliya Waa Tiro (WQ: Cabdirisaaq Xasiliye)

Waxba ismay badalin adigu adigii ayaad tahay, Maalintu waa maalintii shalay oo kale, cadceedu siday usoo bixi jirtay ayay usoo baxday, Gurigiinu waa gurigiinii uun, Muuqaaga iyo midabkaagu waa kuwaagii uun, Dadka maanta hareerahaaga joogaa waa kuwii horeba u joogay, Gabalka maanta dhici doonaa sidii kii shalay oo kale ayuu u dhacayaa,

Cimrigaagu awalba wuu socday oo siday maalmihii hore ugu biirayeen ayay maantuna ugu biirtay.

Isbadalka sanadka cusub hadaynu waxyaabahaa kor ku xusan ka eegno waligood isma badalayaan ee sidaas ayay ahaanayaan.

Isbadalku lkn waa mid ka imanaya gudaha naftaada, Cimrigaagu wuu soconayaa oo lama joojinayo, Balse caqligaagu haduu shalay labaatan jir ahaa maanta waa inaad kobciso oo uu u koro siduu cimrigaagu u korayo, adiga ayayna hawshaada tahay inaad isbadalkaa ka shaqaysaa.

Hadii aanad xiisayn wax is bedel ahย  ama aanad horumar ku dhaqaaqin wakhtigu wuu soconayaa waxana uu maanta kowsatay 2021 waxana uu dhamaan doonaa maalin aan fogayn siday kuwii horeba u dhamaadeen, balse adigu halkaad taagnayd ayaad taagnaankartaa waxaanad sii dheeraysan kartaa 2020 oo da’da iyo wakhtigu kaliya waa tiro.