Dadka la nool Xanuunnada Maskaxda: Bacad-yaal U Bandhigan Jirrooyinka Kale Sida Covid 19
“Dadkii Fayoobaa Hadday Korofayras Ka Feejigan Yihiin, Miyaanu Xil Ka Saarnayn Boqollaalka Aan Dhimir Ahaan U Dhaaddanayn Dhibaatada Dunida Ka Dhacday Ee Waallidu Dhantaashay, Dhiilladana Moog”
Dhuux, Dhugo Oo Dhab Uga Feker Hoga-tuska iyo warbixintan…. Faafi (Share), haddii ay wanaag siddana sii fidi!
Haddii Eebbe uu suuradda Isra ku yidhi “Waanu maamuusnay bani-aadanka” waxa aynu nooleyaasha kale dheernahay waxa ugu weyn maskaxda fekerta. Waa ta keenaysa in janno iyo cadaab la galo oo qofka if iyo aakhiroba lala xisaabtamo. Haddii garaadku lumo qofku ma kala garan karo dab iyo dahab, saxaro iyo salli, samo iyo xumaan, waana sababta aan shar iyo khayr midna loogu qorin. Sidaas uu yahay waxa uu mudan yahay xurmadii aadamennimo. Haddii la daryeelo waxa laga yaabaa in uu dib u soo kabto, kuna noqdo noloshii caadiga ahayd. Waallida waxa aan u arkaa imtixaanka ugu weyn ee qof ifka ku soo mara.
Maanta oo dunida uu ku faafay xanuun galaaftay kumannaan qof, waxa ay dadkii caafimaadka qabay la daalaa-dhacayaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen. Guryaha oo lagu bariisto, habka bukaanku ku fido oo laga fogaado, is-basrin, gacmaha oo la maydho, afka iyo sanka oo la daboolo, socodkii suuqa oo la yareeyo iyo habab kale ayay adeegsanayaan. Bal ka warran walaalka ama walaasha ku imtixaaman jirrada caqliga haleesha ee aan war iyo wacaal u haynnin belaayada adduunku isu weriyay? Bal ka warran kuwooda barlaaweyaasha ah, ee sidaas magaalooyinka ku dhex socda iyaga oo agab caafimaad baad sheegtaye, mudh iyo gacan ah? Bal ka warran baraad-laaweyaasha aan baxnaanada haysan?
Walaw ay jiraan xarumo door ah oo lagu xannaaneeyo dadkaas la nool xanuunnada dhimirka, meel kasta oo ay joogaanna ay gurmad iyo garab u yihiin, waxa tusaale nool ah inta ka soo jeedda qoysaska danyarta ah ama aan cidba lahayn ee loo helay meel ay cunno iyo dawo ku helaan, balse aan haysan daryeello badan oo caafimaad sida hu’ga iyo agabkii nadaafadda. Meelaha ay intooda ugu badani ku xidhan yihiin, waxa ka mid ah Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, qaybta dhimirka ama dadka waalan waxa ku jira 87 qof oo isugu jira 65 rag ah iyo 22 dumar ah. Waxa ay helaan dawooyin iyo cunto ay ka taageeraan dawladda, haayado iyo dad samafaleyaal ahi. Qaybtan xanuunnada maskaxdaa inta badan la keenaa kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee aan haysan dhaqaalaha. Qaarkoodna waxa laga soo qabtay magaalada oo ma laha cid ay ku tiirsan yihiinba, Waa dad mar walba tebaya gacan-siinta iyo caawimada ummadda.
Baahida ugu badan ee ay qabaan waa dharka. Raggu ma haystaan maryo ay xidhaan. Qaarkood looma hayo dhar ama surwaallo ay xidhaan oo xafaayadaha lagaga beddelo, waanay arradan yihiin, Baahiyaha kale ee ay qabaan wax aka mid ah inaanay haysan agabka loo adeegsado nadaafadda sida saabuunta, taydha suuliyada iwm. Weliba baahidaas agabka caafimaadka waxa aannu ogaannay intii aan la faafin jiritaanka xanuunka Koronofayras ee circku shareeyay agabkii faya-dhawrka loo adeegsan jiray. Waxa dabagalka, baadhitaanka iyo xog-raadinta sameeyay dhallinyaro ku midaw urur weli bilaw taagan oo la yidhaahdo Guddida Horumarinta Maroodijeex Guddida Horumarka Marodijex
Waxyaabaha ka dhiman waxa ka mid ah madadaallada, maaweelada iyo adeegyadii fududayn lahaa in xiskooda dib loo soo celiyo sida jimicsiga iyo kubbadda. Marka laga yimaaddo inay cuntada, suuliyo wanaasgan iyo dawada helaan, ma haystaan shaqaale ka caawiya duugista iyo daryeelka jidh ahaaneed.
Kollay waa dad la nool xanuun xiskooda wax u dhimay oo taageerada bulshadu ay waxtar u leedahay. Baahiyaha ay qabaan waxa wakhtigan ugu muhiimsan:
1. In dadka cusbitaalka ku jira, gaar ahaan ragga loo helo dhar ay xidhaan iyo maryo
2. In laga caawiyo agabka nadaafadda sida saabuunta, taydha iwm
Baahida caafimaad waa mid hadda taagan, dharkuna waa midka ka xigaya oo marka ay Ramadaan dhammaato kaddib si aynu u ciidnaba waa ciidaynnaa, maryo quruxyo badan ayaynnu nafaheenna, ubadkeenna iyo qoysaskeenna u iibinnaynaa, lacag kasta oo ay innagu tagaan. Haddii sadaqadu khayr leedahay, bisha Ramadaanna waa ay sii fadli, derejo iyo abaal-marin badan tahay.
Waa la innagu eegaa dadkaas imtixaaman, walaalladeen ah, innala caqliga iyo garashada ahaa ee xanuunku ka naafeeyay xaruntii ugu muhiimsanayd waaxyaha jidhka ee caqliga… Dadkaas 100ka qof ku dhaw ee aan tusaalaha u soo qaatay iyo boqollaal kale ayaa u baahan hiilkeenna. Waa ay inooga dhaw yihiin, inooga nugul yihiin oo inooga dayacan yihiin xanuunka Koronofayras ee aynu figta buuraha, laamaha baarkooda iyo fooqyada ka kornay, guryaha isugu xidhay, miyiga uga baxnay ama ka feejigannahay.
“Wixii aad horumarsataan waxa aad ka helaysaan Ilaahay agtiisa”
“Xoolahaaga waxa aad ku leedahay inta aad adeegsato ama dar Alle u bixiso”
Ma maqal cid waajibkaas innaga fuatay weli. Haddii la helo samafaleyaal agabkaas faya-dhawrka ugu deeqa cusbitaallada dhimirka waa ay fiican tahay, haddii kalena adiga iyo anigaba xil ayaa innaga saaran. Qof ahaanna waxa aan diyaar u ahay inaan huro wixii aan karo ee lagu taakulaynayo dadkaas la nool xanuunnada dhimirka bisha Ramadaan.
Gacmo wadajir baa ay wax ku gooyaan!
Haddii aad qof ahaan ku qancado samafalka ama aad door ka geysan karto, inta loo dhisayo cid rasmi ahaan u garab istaagta, waxa aynnu ka soo wada xidhiidhi ciwaannada iyo taleefannada hoos ku xusan
Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com
Telesom: 0634428604 Somtel: 0654428604