Dadkii Somaliland Ka Soo Horjeeday Oo Godkooda Biyo Ugu Galeen W/Q: C/raxmaan Hayaan

Tan iyo intii dawladda Maraykanku meel marisay xeerka NDAA ee miisaaniyadda Millatariga Maraykank kaasoo ay Somaliland ku jirto, waxa cadho iyo ciil qaaday dadkii ka soo horjeeday inay Somaliland qayb ka noqoto xeerkaa, kuwaasoo markii hore geed dheer iyo geed gaaban ba u koray sidii ay u hor istaagi lahaayeen balse dadaalkoodii noqday col biyo dhaanshay.

Dadkaa waxa ugu horreeeya ururka loo yaqaanno Somali Alliance oo ah urur ka shaqeeya carqaladayanta Somaliland, waxa kale oo ku jirta ILhaan cumar oo shalay laga saaray guddida arrimaha dibadda ee congress-ka. Hay’adaha sirdoonka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka ayaa si  dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadka ururkan ka tirsan ee shaqada ka dhigtay nacaybka dadka Somaliland taageera.

Warar laysla dhex marayo dalka Maraykanka gudihiisa ayaa sheegaya inay jiraan koox soomaali ah oo doonaysa inay ka baqadsiiyaan siyaasiyiinta Maraykanka ee taageera somaliland. Sida la ogyahay dilkii loo gaystay sannadkii 2021 bishii April xildhibaankii ka tirsanaa baarlamaanka Ingiriiska ee Sir David Amess, waxa lala xidhiidhiyay nin Soomali ah, iyada oo dawladda Maraykanku taa maskaxda ku haysa waxa hadda looga shakisan yahay Hodan Ducaale oo ka tirsan Ururka Somali Alliance inay abuurayso nacayb ka dhan ah xildhibaanka laga soo doorto gobolka IDAHO ee dalka Maraykank Senator James Rich oo ka tirsan golaha Senet-ka ee dalkaasi, taageerada uu siiyo somaliland awged, arrintaasina waxa laga cabsi qabaa inay abuurto mushkilad weyn.

Sidaa daraaddeed waxa hadda socda dadaallo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga senator-ka, iyada oo sidoo kale hay’adda FBI-da ee amniga ee qaabilsan amniga gudaha Maraykanku laga yaabo inay su’aalo weyddiiso Hodan Ducaale, sidoo kale FBI’-da ayaa la rumaysan yahay inay hayso  codad laga duubay qaar ka tirsan dadkaasi Somaliland ka soo horjeeda.

 

Geesta kale XIldhibaan Ilhan Cumar oo laga tuuray xubinnimadii guddida arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka ayaa la rumaysan yahay inay xidhiidh la leedahay qaar ka mid ah ururkan ku caan baxay jallaafaynta Somaliland. Waxa dadaal badan muujiyay  ururka Qurbe Joogta somaliland oo iyagu qayb libaax ka qaatay sidii looga hortagi lahaa dadkaa ka xun Somaliland horumarkeeda

 

C.raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com