Labaddii macalin ee xaqoodii ka helay ganacsadaha ee maxkamaddu u xukuntay waxay jabiyeen deyr weyn, oo rajo galisay macalimimiin badan oo meel ay u maraan waayey inay helaan xaquuqdoodii, kuwaas oo iyaguna dacwado ka furan doonno maxkamadaha.
Mulkiilayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay in badan way ka dagaalameen in jidkaasi cidi u furto, hore sidan oo kale, waxa laba macalin dacweeyeen dugsiga kuweydiga ee Hargeysa ku yaalla, kuwaas oo iyana xaqooddii loo xukumay lacag ka badan $14,000, haseyeeshee waxay ku doodeen in lacagtaasi lagu lahayn oo kaliya ogol yihiin inay bixiyaan lacag dhan dhawr kun oo dollar, macalimiintaasi xaqooda loo diiday waa kuwo habeen iyo maalinba shaqayn jirey oo adoomo u noqday dadka leh dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iyagu lacag faro badan ka faaโiidda waxbarashadda.
Dugsigaasi si wal oo uu doono inuu u marin habaabiyo xaquuqda macalimiintaasi wuu isku dayey, xiitaa waxa uu adeegsaday wasiiro, odayaal iyo cid kasta oo arrinkaa ka baajin karayey, nasiib wanaag wasaarada shaqo galinta qaybteeda u doodda shaqaalaha xukunkii waxay u riday dugsiga, maxkamadii gobolkuna waxay u xukuntay xaquuqda macalimiintaasi.
Hadaba, si aanay dib dambe la iskugu qabsan xaquuq macalin, waxay dugsiyada qaarkood hadda bilaabeen in laga saxeexo shaqaalaha in aanay xaq ku lahayn haddii iskuulka ay dhigayaan laga eryo, iyagoo duruufta lagu jira ilaalinayey shaqaaluhu oo baahidda jirta u nugul ayey aqbaleen badankoodu inay saxeexeen in aanay wax xuquuq ah ku lahaan doonin,
haseyeeshee, sharcigu ma dhigayo inaad sii saxeexdo xuquuq ha I siin oo dastuurka qof kasta u damaanad qaaday xaqiisa saxeex ama ha saxeexin xeerka uun baa loo eegaya.
Shirkadaha waaweyn ee aynu naqaannaa si aan xaq badan shaqaaluhu ugu yeelan, waxay yareeyaan mushaharka waxayna badiyaan Gunadda, waayo hadhow waxa la xisaabinaya uun mushaharka uu qaadan jirey, iyagoo qofka u shaqaynaya khimaanaya ayey mushaharkiisa hoos u dhigayaan oo gunadiisa badinayaan, iyagoo ka cararaya xaquuqda uu ku yeelan doonno hadhow..
Somaliland qofna kuma qanacsana halka uu u shaqeeyo waayo dulmi baa ka jira, balse duruuftaa ku kaliftay inuu ku sii baaqi noqdo oo uu naawilo inuu isbedel dhacayo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaynu noqonaya bulshadda is wada dulmiyeysa hadana safka hore u baratamaysa salaadda.
ilaahay labadaba midna inagama dhigo.